4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Gobolada Koonfureed Waa Astaanta Caddaaladda Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

Sheiknor Abucar Qassim
Tuesday, December 02, 2008

 

Waxaan wada xusuusannahay in xilligii isticmaarka ay Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ahaayeen goobihii ugu xumaa ee Talyaanigu ka hirgeliyey habka adoonsiga iyo dhiigmiiradka asagoo hantiyey dhulkii ay lahaayeen shacabka reer koonfureedka isla markaasna dadkii dhulka degganaana ku tacbay beero waaweyn oo laga soo saarayey miro kala duwan oo ay ugu caansanaayeen mooska, bambeelmada iwm. loona dhoofin jiray dalka Talyaaniga. Waxaa xusid mudan xasuuqii Talyaanigu ka geystay Gobolka Shabeellada Hoose ee la magac baxday Xasuuqii Keli Asayle (Asayle Canal Massacre).

 

Dadweynaha asal ahaan u dhashay gobollada koonfureed waxay safka hore kaga jireen dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka, taasna waxaa caddeynayaa in aasaasayaashii ururradii u soo halgamay madaxbannaanida Dalka ay ugu caansanaayeen geesiyaashii reer Shabeellada Hoose oo uu ka mid ahaa Cabdulqaadir sheikh Sakhaawadiin.

 

Markii ay xornimada soo dhowaatay ayaa waxaa soo baxay kooxo dano gaar ah wata oo afduubay dhaqddhaqaaqyadii xornimadoonka ayagoo iska dhigayo inay waddaniyiin yihiin laakiin ay u qarsanayd inay afduubaan ujeedooyinkii xornimadoonka oo ahayd in sinnaan, caddaalad iyo nabadgelyo ku wada noolaadaan shacbiga Soomaaliyeed. Kooxahan waxay ku guuleysteen inay la wareegaan hoggaanka ururradii xornimadoonka ayagoo heshiis hoose la galay isticmaarka si ay u ilaaliyaan danihii ay ka lahaayeen dhulka Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya siiba Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka.

 

Dadweynaha asal ahaan ka soo jeeday koonfurta Soomaaliya waxaa u muuqatay inay xaaladooda waxba iska beddelaynin sidii ay ahayd xilligi gumeysiga, waxaana u caddaatay in isticmaarka cad uu beddeli doono isticmaar madow oo iyaga marnaba ay heli doonin sinnaan iyo caddaalad. Markaas waxay bilaabeen inay beddelaan istraatejiyada halgankooda waxay sameysteen ururro u ololeeya xornimada ka dib in dalka laga xirgeliyo xiriir federaali ah, taasoo ay u arkayeen inay ku heli karaan inay u madaxbannaanaadaan maamulka gobollada ay deggan yihiin, hase yeeshee arrintaasi waxaa ka soo horjeestay kooxihii afduubay ururradii xornimadoonka oo kaashanaya isticmaarkii caddaa.

 

Markii 1960kii xornimada la qaatay waxaa si tartiib tartiib ah loo hantiyey dhulkii koonfureed iyadoo la adeegsanayo awoodii dowladda oo si wadajirka ah loogu soo halgamay, waxaana halkaas ka caddaatay wixii ay ka baqanayeen reer koonfureedka.

 

Halkii laga abuuri lahaa bankiyo iyo hay’ado horumarineed oo maalgeliya dadweynaha reer koonfureedka si ay u hantaan dhulkii iyo khayraadkii isticmaarka kala wareegay, waxaa loogu abaalguday in dhulkii ay sharciyeystaan madaxdii iyo xildhibaannadii golayaasha dowladda, dadkii dhulka lahaana loogu shaqeysto sidii isticmaarkii caddaa.

 

Xukunkii militeriga ee 1969kiina arrintaas waxba kama beddelin ee waxay sii xoojiyeen caddaadiskii dadka reerka koonfureedka lagu hayey.

 

Caddaadiska iyo dulmiga ee xukunkii militeriga kuma ekaan oo keliya koonfurta ee wuxuu gaaray Soomaaliya oo dhan, taas ayaana keentay inay kacaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana markaas bilowday kacdoonkii dadweynaha ee lagaga soo horjeeday xukunka militeriga. Waxaa markhaati ma doonta ah inay riditaankii xukunka militeriga loo wada dhammaa min koonfur ilaa waqooyi.

 

18kii sannadood ee ka dambeeyey kacdoonka dadweynaha dalka wuxuu ku jiray jahawareer iyo dagaal sokeeye. Inta badan dagaaladaas sokeeye waxay salka ku hayeen cidda gacanta ku qabaneyso dhulka barwaaqada ah ee koonfurta Soomaalya, taasoo nasiibdarro kale ku noqotay dadweynaha reer koonfureedka, taasoo ilaa hadda taagan, iyadoo marnaba aan loo oggolayn dadka u dhashay koonfurta Soomaaliya iney ismaamulaan oo aayahooda ka taliyaan.

 

Waxaan wada xusuusannahay in 18kii sannadood ee la soo dhaafay laysku dayey in dibuheshiisiin la dhexdhigo Soomaalida si ay u sameystaan maamul mideysan oo caddaalad, sinnaan iyo nabad ku dhisan.

 

Waxaan kaloo wada xusuusannahay in muddadaas dalka ay ka dhasheen maamul-goboleedyo madaxbannaan oo ay sameysteen dadweynaha u dhashay meelaha hadda loo yaqaan Soomaaliland iyo Puntland, kuwaasoo ay maamulaan dadka dhulkaas u dhashay.

 

Dhinaca kale waxaa jiray maamulo ku sheeg isbedbeddela oo ka dhashay koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen kooxo aan ehel u ahayn oo gobollo kale ka yimid, iyagoo dadweynaha u dhashay koonfurta ku maquuniyey qori caaradiis, isla markaasna kula kacay cadaadis iyo dulmi aan la soo koobi karin una diiday inay ka taliyaan dhulkooda.

 

Waxaan wada xusuusannahay in maamulkii Maxkamadaha Islaamiga oo runtii soo celiyey rajada dadweynaha, meelo badanna ka hirgeliyey maamulo ay hoggaanka u hayaan dadka dhulka u dhashay, waxayse ku fashilmeen gobollada koonfureed guud ahaan, gaar ahaanna Shabeellada Hoose. Markii dadweynaha ay caddaadis saareen waxaa la filayey inay ka dhisayaan Shabeellada Hoose maamul dadka dhulka u dhashay ay leeyihiin, hase yeeshee taasi ma suurtagelin waana ku fashilmeen.

 

Waxaa xusid mudan in dadweynaha asal ahaan u dhashay gobollada Bakool iyo Bay ay galeen halgan qaraar oo ay ku xoreysteen dhulkooda, ayna ku heleen madaxbannaani ay ku dhistaan maamul iyaga u gaar ah, inkastoo ay weli jiraan degmooyin fara badan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay leeyihiin dadka asal u dhashay reer koonfureedka, hase yeeshee la damacsan yahay in laga salguuriyo.

 

Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya oo axdiga lagu dhisay ay saldhig u tahay habka federalismka, taasoo micnaheedu yahay in gobollada dadka u dhashay ay maamushaan, aayahoodana ka taliyaan, ayaa waxaa laga filaya inay ka hirgeliso gobollada koonfureed maamulo ay leeyihiin dadweynaha dhulka u dhashay, kuna xijiyaan inay abuuraan xaalad dadka asal ahaan u dhashay koonfurta Soomaaliya ay ku gaari karaan madaxbannaani dhaqan dhaqaale iyo bulsho.

 

Dadweynaha u dhashay gobollada koonfureed waxay aad ugu riyaaqeen markii axdiga lagu dhisay dowladda KMG ah ee Soomaaliya saldhig looga dhigay hannaanka federaalismka, waxayna si buuxda u taageereen dhismaha dowladda KMG ah, maxaa yeelay waa arrin ay weligood u ololeynayeen tan iyo xornimadoonka si dalka looga dhaqangeliyo hannaanka federaalismka, taasoo Soomaaliya oo dhan  ay ku gaari karto sinnaan, caddaalad iyo nabadgelyo buuxda.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee, dadweynaha u dhashay foonfurta Soomaaliya waxay taageersan yihiin axdi kasta oo kafaala qaadaya dhismaha dowlad Federaali ah si loo hirgeliyo hannaan caddaaladeed. Dadweyanaha u dhashay koonfurta Soomaaliya weligood taageeri maayaan hannaan dowladeed oo Fedraali aan ahayn. Hannaanka fedeeraaliga waa mid dhaxalsiin kara Soomaaliya iney gaarto horumar, barwaaqo, caddaalad, sinnaan iyo nabadgelyo buuxda..

 

Waxaa dhowaan soo baxay dhaqdhaqaaqyo looga dan leeyahay in lagu heshiisiiyo kooxaha iska soo horjeeda ee isku haya xukunka dalka. Shabeellada Hoose, waxaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya ay yeelatay maamul goboleed oo gacanta loo geliyey dad asal ahaan u dhashay deegaannada uu ka kooban yahay gobolka, hase yeeshee waxaa maamulkaas barakiciyey kooxihii horey xoogga ugu haystay gobolka, kuwaasoo iyagana ay eryadeen kooxda Al-Shabaab.

 

Madaxbannaani laguma gaaro maamul laysu magacaabo ee waxay ku xiran tahay hadba sidaad uga xorowdo maskaxda, jahliga, gaajada iyo cudurrada, isla markaasna aad ku kasbato maskax fiyow, aqoon sare, horumar dhaqaale, barwaaqo iyo caafimaad buuxa.

 

Waxaa hubaal ah in dadweynaha reer koonfureedka ay soo mareen dhibaatooyin kala duwan laga soo bilaabo xilligii gumeysiga ilaa waqtiga xaadirka ah ee dagaallada sokeeye. Taasina waxay ku abuurtay kalsooni darro ay u qabaan dadyowga kale iyo dhexdoodaba, waxayna u horseeday dibudhac dhinac walka leh.

 

Waxaa loo baahan yahay in la helo xukuumad aan u hanqal taageynin inay hantiyaan dhulka iyo barwaaqada koonfurta Soomaaliya, balse u horseeda inay soo celiyaan kalsoonidad dadweynaha reer koonfureedka, kuna shaqeysa hab caddaaladeed oo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed u ballanqaadaya inay gaaraan horumar dhinac walba leh ee xagga maamulka deegaankooda, xagga wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, xagga waxbarashada diinta iyo cilmiga, xagga caafimaadka dadka iyo xoolaha, xagga dhowrista deegaanka iyo dabiicadda, xagga soo saarista macdanta iyo khayraadka dhulka hoostiisa ku jira.

 

Xukun kasta oo ku dhisan dan qabiil ama doonaya inay qabil u maquuniyaan qabiil kale ma hirgeli doonto, Soomaliayana weligeed ka bixi meyso dhibaatada maanta ku habsatay ilaa la gaaro caddaalad, isxurmeyn, nabad ku wada noolaasho, deris wanaag iyo cid  kasta oo loo aqoonsado xaqa ay u leeyihiin iney is maamulaan, aayahoodana ka tashadaan.


Sheiknor Abucar Qassim

[email protected]



 





Click here