4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
GUUBAABO: Gabay Cusub
fiogf49gjkf0d

Maxamed C. Cibaar
[email protected]

 

Gabayga Guubaabo wuxuu soo baxay  27-11-2008, wuxuuna ku saabsanyahay marxaladda cusub ee uu galay halgankii joogtada ahaa ee u dhaxeeyay dulmiga duullaanka ah iyo xaqa difaaca ah.

 

Waxay ila tahay in aysan maanta jirin cid inkiri karta in dullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed, dalkooda iyo diintoodaba uu ku dhamaaday jab iyo guuldarro. Waxaana Alle mahaddii ah in halgan qaraar ka dib, ciidamadii cadowga maanta lagu hareereysanyahay oo ay la’yihiin si ay u baxaan iyo meel ka baxaan. 

 

Walow ciidan ahaan cadowga dhabarka looga jebiyay,haddana waxaa weli laysku dayayaa in la badbaadiyo oo la bakhti-afuufo dulmiga fashilmay. Arrinkaas waxaa lagu bixinayaa hanti iyo howl badan, iyadoo loo adeegsanayo shaqsiyaad iyo kooxo aan xilkas aheyn. Ujeeddada dhalanteedka ahi waa in la qaybiyo oo waliba la iska horgeeyo walaalihii halganka ku wada jiray.

 

Waxaan ku kalsoonahay Insha-Allaah, in sidii shalay aan u muujinay in aysan cidina dadka Soomaaliyeed ku khasbi karin wax aysan ogoleyn aan maantana u muujin doonno inaan nala khaldi karin oo aan fiirodheer iyo feejignaan u yeelan doonno, farsamooyinka cusub ee cadowgu la soo shirtagay ee ku saleysan qaybi oo xukun iyo lafo aboodi iyagaa la isku jebiyaa. Waxaanan Rabbi weyne ka baryaynaa inuu noogu hiilliyo sidii uu horayba noogu hiilliyay.

 

 

Gabayga guubaabo wuxuu ku bilaabanayaa:

 

Cabdiyow1 guubaabaan tirshiyo murtida geeraarka

Gaabsigaan ka doorbidi lahaa aniga oon gurine

Waxse gama’ ii diiday iyo gogol inaan jiifto

Gobonnimadii iney iib tahoo qaar gorgorinaayo

Waa gaweetadaan talisa iyo garowga ceyriine

Galabgalabta ii muuqatiyo guddiyo beenaadka

Hoteellada gawaarida martida loogu kala gooshi

Gableyshimbirta qaar tumaniyo cadale googaale

Goldaloolladaan muuqda een cidi gufeyneynin

Garabgarabka lagu faanayiyo goofaf kala deyrka

Iyo maatidaan gabawaraney haaddu guraneyso

Waa labaan is geyneyninoon la gadgaddoomaaye

Gocashadu waxay tahay bal aan gabay ku faalleeyo:

 

Qoom waliba waxa uu galuu gudo karaankiisa

Taariikhda guunkaa xafiddoo laga gorfeeyaaye

Xaqiiqana go’ lama saari karo gebi ahaanteede

Gondhor tuugta laga keenayee gaajada la luudi

Inkastoo libaax gaaddadii gucumo loo yeelo

Ama gool yaxaas lagu matelo good wax baabi’iya

Waa Goroyocowshaan naqiin Gergerkunooshiiye

Kuwa guga shan iyo toban jiriyo geeljiraha dhaarsan

Garaaceedna waxaa kuba filnaa gaban ul haystaaye

Muslimiin inaan giddi nahoo Guulle nala doonay

Gaashaanbuurta ka hinaastay iyo gaalo soo duushay

Dowladahan nagu goobtay baa reebay godobtaane.

 

Gabboodfalidda daaquudyadiyo waxa na gaaraya

Fasahaadka gaamuray Ilaah guudku ka arkaaye

Gegsi buuse naga doonayaa Gurmadmawaayuhuye

Samadaha diyaarado gugciyo miig galgalanaaya

Tomas-howk  makey nagu ganeen gujisyo quusaaya

Foosfarka  wax guba iyo markuu gaasku nagu hooray

Markey ciiddu nagu gubatayuu ubad gamaaraayay

Masaajidda markii galeen garacyo shaydaanku

Oy culumo ku dhex gowraceen goxoshka waayeela

Dambigaa gumaadka ah kuwii tacaddigaa geystay

In garaaddo dallacsiina iyo gunno la sii siiyo

Oo loo gurbaantumo dulmiga gardarro mooyaane

Gole shiraya weli maanan maqal oo gef dhibayaaye

Galladdii Raxmaaniyo markaan helnay gargaarkiisa

Kuwan maanta gabgableynayee gogosha sheegaaya

Gelinkaan miyey wada dhasheen galabta waa yaabe?

 

Gal xareedi ay buuxdo oo lagu harraad gooyo

Waa geed harweyn nabadduyoo lagu gam’aayaaye

Qiimaheeda lama gaari karo waxa ay goysaaye

Hayeeshee gabraarato aan nixin siriq ay kuu gunudday

In aad nacabka dabinkiis gashaa waa garaad xuma’e

Garbaduub ha loo xiro xaqiyo gooddintiyo tookha

Guurtida shirqoolkeeda iyo geesiyada ciillan

Gambocaabbud koolkoolintiyo gabbaldayaa soocan

Gambarrada dabbaalku u muhdiyo guryaha miineysan

Gaadmada mar kale nalala rabo gulufka heenseysan

Guceleyntooda fahamnoo wallaan layna gelineyne

Kuwan maanta gabgableynayee gogosha sheegaaya

Gelinkaan miyey wada dhasheen galabta waa yaabe?

 

Abasiinya haddey gari gashoy gelelef deyneyso

In la gawiyo maahee haddey gacalley yeeleyso

Gudaha Hararta taariikhiga ah Godey ma joogteene

Gabdho iyo ma layseen haween birimageydo ahe

Saqiirrada gasiin kama jarteen baahidow go'iye

Gafuurraxun haddaan leys hureyn gumuca baaruudda

Oo ay Galbeed waajib tahay iney ka guureyso

Galka seefta inaan kala baxnoon layna guuguulin

Gurey2 taladiis inaan qaadannaa wey gudboontahaye

Kuwa na leh gacmaha raaracshoo keena guradiinna

Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe

Ka gaashaanta godin liqoo gabbanayaa jiraye.

 

Weel hoostu ay go’antihiyo gorof aboor diirtay

Oo guddaafad boqol sano dhex yiil qurun gufaaceysa

Guntuu subag ka buuxaa kuwii nagu gariifaayay

Mar haddeysan gobo’ iyo ka helin goror yar oo hoora

Gidaarkii haddey soo herdiyeen goonna wada diismay

Hadduu Walad3 gas siyoo shirkii Melles4guddoominayo

Dulligii Gabre Dellaa-na5 shirin gafaneyaashiisii

Garaamaad hadduu qaybin iyo giniyo laaluush ah

Kuwa gudaya weli leylkiyoo sii gurguuranaya

Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe

Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.

 

Gaadiid in laga yeesho uu gorodda laalaadsho

Geeri bey ka doorteen shacbigu iney gumoobaane

Gantaal culus wixii aan gamuun uga jawaabeynay

Garruun  iyo wixii lagu diriray  mindiyo gaalleef ah

Gaangiistarradii markey jabeen gooste badankoodna

Gegidii Muqdisho iyo markii goobo lagu owday

Oo ay  gabaabsiba yahiin godad ku hoos dhuunta

Guushii mekey soo dhowdoy gacantu haabhaaban

Inuu samuhu naga gaagaxoon seegno godolkeeda

Gabbal baasna uu noo dumoo dhiiggu galacleeyo

Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye

Kuwa gambin dadaalkeenniyoo balada goobaaya

Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe

Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.

 

Ciidankii midnimo giigsan loo aan la kala geynin

Dadweynuhuna garabsiinayaa laga gariiraaye

Haddii geeshku tafaraaruqoo hamigu soo gaabto

Garwadeen hadduu waayo uu gabo hoggaankiisu

Haddii gaasaskii qeybihiyo guuto kala yaacdo

Ururkuna uu kala gaardiyoo horinba gees aaddo

Haddey kooxdii sii googo’doo leysku geli waayo

Oo unugga gow iyo gish ma leh garashadii siiso

In sidii galley daadsan meel loo gurbiyo aayar

Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye

Kuwa wadajir ka gadoodayee goonni wax u raadin

Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe

Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.

 

Soomaalaay gawaan aan wax maqal gadane yeelkiise

Haddaan soo gunaanado waxaan hadal ku gooyay

Garmaqaateyaal waashayoon abid garaabeynin

Giiryaale fulayoo baqiyo guduri shaar qaatay

Galti qooqay waan eednay iyo qaar gadaabo ahe

Kuwii gudcurka aan taagannahay ina gayeysiiyay

Gebi dheerna nagu sii wadiyo goob halaag yaallo

Geenyiyo iney naga dhigtaan guunyada u foofta

Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye

Inta aan shisheeyuhu gayiga sheegan gabigiisba

Oo aanan gibir waa baryaba xoolo loo geynin

Waa inaan gilgilannaa intey goori goor tahaye

Guryankaan na daashaday inataan gununucaan deyno

Oon diinta gaashaamannoon gowska ku adkeyno

Badbaadada ha loo wada guntado goolku wuu dhalanne.

 

 

  1. C/Qaadir Maxamed C. Cibaar
  2. Imaam Ahmed Ibraahim Al-Ghazi ( Axmed Gurey)
  3. Ahmadu Wald Cabdalla ( Wakiilka gaarka ee QM u qaabiksan Soomaaliya)
  4. Meles Senawi  ( Ra’iisul wasaaraha Itoobiya)
  5. Col. Gabra Dela ( Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya) 

Halkaan ka akhriso/dhageyso; gabaygii GO’AAN QARAN



 





Click here