4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Somaliland: Ul qaloocda hadhkeedu ma toosnaado
fiogf49gjkf0d

Fu’aad Xaashi Ismaaciil
Thursday, April 24, 2008

Madaxweyne Riyaale

Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynaha Somaliland 

Sida aynu la wada socono waxaa baryahan dambe Somaliland ka socday arrimo badan oo qofkasta oo lexejeclo ka hayso dalkiisu uu aad uga murugoodo. Kuwaas oo ay ugu dambaysay muddo-kordhintii loo sameeyay Daahir Riyaale oo madaxtinimiisu ku eeg tahay 15/05/08. Dad badan ayaa waxa ay la yaabsan yihiin sida ay himiladii dadku maalinba maalinta ka dambaysa u sii libdhayso oo dalkuna tartiibtartiib ugu sii siqayo tubtii burburka.

Hadii aan dib u milicsano taariikhdeenii dhoweyd waxaynu arkaynaa in dhibaatooyinka jira maantu aanay ahayn qaar mar kaliya iska soo mudh yidhi ee ay dabada ku hayaan dhacdooyin badan oo soo taxnaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Somaliland. Anigu waxaan qabaa mushkilada dalka ka taagan inaanay ahayn mid hal qof ama dhowr qof ay wadaan ee waxay ila tahay mid ka dhalatay nidaam siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo aan sax ahayn una baahan in la toosiyo waxna laga badalo. Xal kasta oo kale oo la isku dayaana waxa uu la mid noqonayaa iyada oo qof ay qaaxo hayso lagula daalayo dawadii qufaca taas oo aan uga jeedo cudurkii oo aan la dawayn oo astaamihiisii in wax laga qabto la doonayo.

Waxaan qoraalkaygan si kor-ka xaadis ah uga hadli doonaa dhibaatooyinka dalkeena aafeeyay sababaha ugu waawaeyn ee dhaliyay anigoo iskuna dayi doona inaan tilmaamo habka ugu haboon ee looga bixi karo mustaqbalkana looga gaashaaman lahaa.

 

Arrinta ugu weyn ee mushkiladaha kale oo dhan ay ka farcameen waa awoodii siyaasadeed iyo  tii dhaqaale ee dalka oo hal qof gacantii ku ururtay. Taasi waxay keentay in kolba ninkii kursiga ku fadhiyaa uu noqdo ninka dalka ugu awooda badan uguna dhaqaalaha badan oo ninkii u nacamleeyana tuumbo u sudha hantida dadweynaha kii kasoo hor jeestana dhulka la dhaca oo markuu doonana xidha. Natiijadii ka soo baxday nidaamkaasi khaldanina waxay abuurtay in macaan-jecel badani ay mar walba ninka talada haya ku soo xoomaan iyaga oo dantooda gaarka ah eeganayana khaladaadkiisana u qurxiyaan inkasta ooy ogyihiin in waxyaalaha lagu kacayaa ay khaldan yihiin. Nin ka mid ahaa golayaashii sare ee siyaad bare ayaa la waydiiyay “Waar niyoow maxaad dalka ugu daawanayseen intuu siyaad bare sidaas u walaaqayay?” Ninkii wuxuu ku jawaabay “Walaahi adeer annagu wax awood ah oo aan lahayn may jirin ee caruurtayada uun baan korsanaynay”. Bal ogow golahani guurtida ee aad la yaaban nahay go’aamada cadaalada ka fog ee ay soo saarayaan hadii ay ka hor yimaadaan Daahir Riyaale Kaahin ciida ayay cuni doonaan. Imisa ka horeeyay ayaa lala kacay oo aan hadana mujtamaca dhexdiisa wax sharaf ah ku lahayn cidina u ogayn inay iyaga dartood u dhinteen. Maxaadse odayaasha kula yaabi hadii ay isku qanciyaan inaanay awood lahayn oo ay caruurtooda korsanayaan? Maxaase guul ah oo bulshada u soo hoyanaya hadii Daahir Riyaale laga qaado talada loona dhiibo nin kale oo musuqmaasuqii iyo cadaalad daradii halkii ka sii amba qaada?.  Taas macanheedu maaha inay talaabada ay nimanakaasi odayaasha ahi ku kaceen sax tahay ama in laga hor istaago muwaadin xaq u leh inuu talada dalka qabto  ee waxaan uga jeedaa ma qof baynu qof ku badalnaa mise nidaam baynu nidaam ku badalnaa? Suurta galse ma tahay intaan qodax beerano inaan cinab goosano?

 

Waxa kale oo marag ma doonto ah ah in dhamaan cashuuraha dalka oo dhan si toos ah ugu xaroodaan madaxtooyada oo siday doonto ugu tagri fasha, nidaamkan waa mid laga dhaxlay maamulkii marxuum cigaal. Tani waxay keentay nidaam isku dul-noolaansho ah oo ninkii cashuurtaa soo ururiyanyna uu ka qatan yahay nimaan geedkaa uga soo wareegina uu laba liqayo dadkii iyo dalkii wax loogu qaban lahaana ay ka af-xidhan yihiin.  Waxaa dhacda in guryaha qaarkoodna aan dabka laga shidan dadna ay caasimadaha reer galbeedka tamashle iyo dalxiis dhawrkii biloodba mar ugu baxaan.

 

Mujtamaca laftiisu canaanta badh ayuu ku leeyahay waayo mujtamaca ayuun bay madaxdoodu ka soo baxdaa. Hadii mujtamacu uu wanaagsanaado waxaa ka soo baxaya madax tayo leh oo ka soo dhalaala xilka loo igmaday. Hadiise mujtamaca laftiisii is wada gaadayo oo qofba qof la tusay waa inay ogaadaan in wanaag u jiro inta cirku u jiro. Mujtamac aqoon-yahankiisa iyo hal-doorkiisa dad waalan u yaqaana qofka runta u sheegaana dayro ka yahay, dadka dad ugu liitana u yaqaana libaax sidee buu wanaag u heli karaa?. Waxaad dhuuxdaa nuxurka uu xambaarsan yahay xadiis Nabi Maxamed- nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi –“Kamaa takuunuu yuwala calaykum” oo macneheedu yahay waxa madax la idiinka dhigayaa dad sidaad tihiin oo kale ah. Si madax wanaagsan loo helo sow kama horreyso in mujtamucu hagaago. Hadiise mujtamacu khaldan yahay sow xaalku maaha ul qaloocda oo hadhkeeda aan toosiya is leenahay. Waa in qof kastaa dhankiisa uu samaha ka taliyaa. Dad dhexdooda wanaag iyo cadaalad laga waayaay gar ma tahay inay cid kale wanaag ka doonaan?

 

Saxaafada Somaliland oo badankeedu halkii ay wacyiga bulshada kor u qaadi lahayd uguna soo tabin lahayd maqaalo cilmiyaysan oo ka tarjumaya duruufaha dhabta ah ee ka jira dalka, gobalka geeska afrika, iyo guud ahaan caalamkaba waxay dadka ku maaweeliyaan warar iyo  maqaalo naxli huwan oo bulshada kala geynaya. Sidaan la wada socono wargeyska Haatuf wuxuu todobaadkan soo qoray maqaal ka hadlaya ciidamo ay Daahir Riyaale isku jilib hoose yihiin oo wadooyinka Hargeysa la soo daadiyay. Wararka noocaas ahi maxay bulshada ku soo kordhinayaan aan ahayn kala shaki iyo nac aan loo baahnayan wakhtigan xasaasiga ah ee ay umadu u baahan tahay cid ka samata bixisa duruufaha adag e la soo darsay. Muxuuse dareemayaa ninka ay Daahir Riyaale isku jilibka yihiin ee aan ku raacsanayn khaladaadkiisa marka reerkoodii si xaq darro ah loogu shaambadeeyo waxaaney gayin?. Umadii la rabay iyadoo isku duuban oo gacmaha is haysata inay xumaha si wadajir ah u wajahdo hadii loo qayb qaybiyo reer Dudub iyo reer Duraan sow hubaal maaha iney guushii sii durkayso. Abwaan Cabdi-Qays isagoo waxyaalaha noocaas ah ka hadlaya wuxuu yidhi:

 

Dad Waxaan nahay

Guusha jeceloo

Hadana gambiyayoo

Garaadkoodu liito

 

Inta badan saxaafada Somaliland waxay ku cabataa in la doonayo in la cabudhiyo. Xorriyada  qawlka waxa mar walba ku ladhan masuuliyad. Saxaafad aan masuul ahayn xoriyadeedana waxa ka dhasha jaha wareer iyo waxaan loo baahnayan. Qofna xor ma u yahay inuu wax kasta ku kaco oo ciduu doono dilo ciduu doonana dhaco?. Umad colaado iyo abaaro badani darandooriyeen waxay u baahan tahay saxaafad garawsan in xorriyada iyo masuuliyadu is laasimaan islamarkaana bulshada u suurta galisa inay la jaan-qaado dunida.

 

Quwado shisheeye oo yaalaaba aan jeclayn inay la macaamilaan xukuumado ka tarjumaya rabitaanka dadka ay xukumaan ayaa iyaguna aan meesha ka madhnayn. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa “gardaro garab og iyo xanuun geeri og midna looma maaro helo”. Wadamada dunida sadexaad dhibaatooyinkoodu waxa ay salka ku hayaan maamul xumo baahsan ha noqdaan kuwo jamhuuriyado sheegta ama kuwo boqortooyo isku magacaaba ee waxay inta badan ka siman yihiin in dadkii iyo dalkii laga dhigay shirkad ay qoysas fara ku tiris ihi ku amar ku taagleeyaan oo ninkii ka hor yimaadana u arkaan nin waxoogii ku soo doontay. Halkii dadku dawlada ka yeelan lahaa, dawladaii ayaa dadkii iyo dalkiiba yeelatay. Nidaamka noocaasi ahi waxa uu u sahlayaa quwadahaasi shisheeye in ay dhib yaraan uga hirqadaan khayraadka dihin ee dalalkaasi ceegaaga. Taas badalkeedana waxay  quwadahahaasi shisheeye indhaha ka qarsadaan xad-gudubyada iyo musuqmaasuqa ay xukuumadahaasi kula kacaan dadyawga ay xukumaan. Waxa dhici karta in Daahir Riyaale qandaraas noocaas ah soo qaatay oo lagula taliyay in la taageeri doono isna uu u ogolaado waxay doonayaan taas oo aynu durtaba ifafaaleheedii arkayno.       

 

Si hadaba aan dhibatooyinkaa uga baxno waa in aynu arimahan hoos ku qoran ku talaabsanaa:

 

1- Waa in awooda dalku gacanta dadweynaha ku soo noqotaa taasina waxa fure u ah in sharciga loo sinaado. Siyaad Barre oo hub iyo saanad wuxuu lahaa aynu ogayn ayay u shaqayn wayday kali talisnimo iyo waan ku dili. Waa in shacbigu iska ilaaliyaa wax kasta oo khalkhal nabada galinaya. Baarlamaankii aynu soo dooranay ayaa ka baaqsaday kaalintii laga filayay. Ma waxaanay garan magaca dadka in ay ku hadlaan in loo doortay. Ilaa maalintii la doortay waxaa dhibaatooyin dalka ka dhacaya xalintooda waxay ka door bideen inay socdaalo kolba meel aan loo diran ugu baxaan. Dalka waxa ka jira baa la yidhaahdaa laba gole. Sidee baa hal gole kolba  waxa uu doono u marsiisan karaa?. Hadiise aanay ogsoonayn inay shacbiga matalaan sow ma haboona inay meesha u baneeyaan dad wax qaban kara oo dadweynaha u hiiliya. Maxaa keenay in shacbiga la kala dooransiiyo inuu dagaalamo iyo inuu kali talisnimo aqbalo. Anigu waxaan idinkula talin lahaa inaad umada wax muuqda u qabataan ama aad iskaga hor dhaqaadaan. Golaha guurtiduna ha ogaadee in wixii dalkaa fitno iyo rabash ka dhaca iyo masuuliyadeeda dhabarka u ridan doonaan. Ma waxa aad garan waydeen inaad xal aan umada iska hor keenin la timaadaan. Hadiise nabada dhaawac gaadho yaa idinka idiinka nugul.

Tusaale ahaan hadii uu sharcigu dhigayo in labada doorasho lix bilood u dhaxayso maxaad ta deegaanka hore ugu soo dhigi waydeen bisha Juun si ta madaxtinimada loo qabto xiligii loo qoondeeyay oo ahaa Diisambar.  Waxaana arrinkani si gaar ah ugu ceebaysan gudoomiye Saleebaan Maxaamuud Adan oo marka horeba odayaasha loogu dhex darsaday in lagu gudbo mujaahid Siilaanyo. Maqnaanshiyaha uu ka maqnaadayna fadhigii lagu codaynayayna ha ogaado inaanay wax macno ah samaynayn. Shirqool uu wax ka soo maleegtay ama ha joogo ama yaanu jooginee waa inuu ogadaa in uu taariikhda baal madow ka galay. Laba jeer ayuu Saleebaan canaan leeyahay: waa maree waa nin aqoon yahan ah oo aan la mid ahayn odayadan aan magacooga qori Karin. Waa marka labaadee isaga ma hayso baahi ku kalifta inuu runta ka gabado.

 

Garsoorka dalka ayaa isna u baahan in si dhab ah uu u madax banaanaado. sida ugu fudud ee tani ay ku suurta galaysaa waxa weeyi iyada oo mushaharkooda ay bixiyaan jaaliyadaha dibadu. Hadii garsoor xaq ku shaqeeya la helo wax badan ayaa dalkan iyo dadkan u hagaagi kara. Nin gaajoonaya oo la leeyahay nin miskiin ah iyo nin lacagtii umadoo dhan haysta u gar qaad way adkaanaysaa siduu cadaalada ugu hiiliyo waayo isaguba wuxuu tirsanayaa in la dayacay oo uu xaqiisii la duudsiyay. Calool baahan in cadaalad laga sugaa sow caqli yari maaha?

Waxa kale oo iyana meesha ku jirta si dalkan aan looga dhigin meel hal qof iska leeyahay waa in heshiis kasta oo dhinac ama dhinacyo kale lala galayo uu baarlamaanku ansixiyaa. Xisbiyada mucaaridka ah iyo masuuliyiinta dawladuba waa inay kaa waantoobaan hadalada macno darada ah ee anshaxa ka aradan ee maalin walba ay is dhaafsadaan. Waa in sharci laga soo saaro inaanu qofna qof kale si shakhsi ah u weerari Karin. Qofka waxqabadkiisa ayaa wax laga sheegi karaa laakiin way reeban tahay in qofka shakhsiyadiisa wax laga sheegaa.    

 

2- Waa in shaqaalaha dawlada min madaxweyne ilaa waashmaan ay mushahar cayiman qaataan. Tani waxay keeni doontaa in madaxda dalka iyo dadweynuhu isla jaan qaadaan oo waxa dadwaenaha damqayaa waa inay madaxdana taabtaan. Tusaale ahaan hadii madaxweynaha ama wasiirku uu dareemo sixir bararka waxa hubaal ah in si hagar la’aan ah wax looga qaban doono markasta oo uu sixir barar dhaco. Waxa kale oo loo baahan yahay in gawaadhida dowlada galinka dambe lagu xareeyo wasaaradaha dawlada oo aan loo isticmaalin dano gaar ah. cashuurta ayaa iyaduna u baahan in la habeeyo oo aan lagu qaadin naqdi ee loo sameeyo nidaamyo kale oo lagu bixiyo sida Money order oo kale ama jeeg baanka laga soo samaysto. Tani waxay aad u yaraynaysaa fursadaha lagu lunsan karo hantida qaranka waxaana kor u kacaya dakhliga dawlada oo isna suura galin doona in shaqaalaha wax ku filan la siiyo.

 

3- Waa in daawo loo helaa jaha wareerka dhaqaale iyo sixir bararka ay umadu la il daran tahay taasina waxay ku iman kartaa iyadoo dalka loo sameeyo jaan-gooyo dhaqaale oo dhamaystiran isla markaana dadka lagu wacyi galiyo inay cunaan waxyaalaha dalka ka soo baxa. Halkii aynu qalabka wax soo saarka (Capital goods) sida warshadaha yaryar iyo cagaf cagafyda iyo wixii la mida ka soo iibsan lahayn hadii aynu soo iibsano waxyaalaha la cuno/isticmaalo (consumer goods) suurta gal ma noqonayso inaan sixir barar ka baxno. Waxa kale oo aad ogaataa marka aynu waxyaalahaas la cuno soo iibsano waxaynu shaqo siinaynaa dad wadamo kale ku nool, dalkiina waxaynu leenahay shaqo ma taalo. Khayraadka badda ayaa isna dihin oo u baahan in laga faa’iidaysto. Nacasnimo ka wayn miyay jirtaa in kolba maraakiib shisheeye badaheenii laga kireeyo inaguna gaajo iyo nafaqo daro la liidano. Wax soo saarka beeruhu waa aasaaska horumarka dalka. Dawladu waa inay wax soo saarka dalka ka ilaaliso tartan kaga yimaada cuntada dibadaha ka timaada taasina waxay ku imanaysa iyada oo cashuur adag la saaro cuntada wixii dibada ka yimaada. Tani waxay dhiiri galinaysaa in beeralayda dalku wax soo saaraan hadiise ay suuqa ka saaraan cunto dawlado kale badhi-taareen way adkaanaysaa in dalku wax soo saaro taas oo dhabada u xaadhahaysa sicir-barar iyo dadka oo heerka noloshoodu hoos u dhaco mushaharkooduna wax u goyn waayo.  Tujaarta waaweyn ee dlka waa in lagu khasbaa inaanay inoo keenin waxyaalaha la cuno uun ee ay inoo keenan qalabka wax soo saarka oo beeralayda ay ka kireeyaan amabase amaahiyaan.

 

Waxa kale oo iyana xusid mudan in kor u kaca qiimaha shidaalku ka joogo sayladaha aduunku uu keenay sicir-barar baahsan oo dunida oo dhan saameeyay maadaama wax kastaba soo saaristiisa ama soo qaadistiisa loo adeegsado wax shidaal ku shaqeeya. Si hadaba dadka looga badbaadiyo sixir bararka waa in dalka laga helaa koronto jaban oo suurta galisa in warshado dalka laga hir galiyo. Maadaama aynaan wali shidaal la soo bixin waxa korontada laga dhalin karaa uumiga dhulka hoostiisa ka soo baxa (geothermal power) taas oo lala kaashan karo shirkada Chevron oo aduunyada ugu horreysa tiknoolajiyada noocaas ah horena dalkeena shidaal uga baadhi jirtay. 

Dhaqaalaha dalka ayaa waxa kale oo uu u baahan yahay in laga xoreeyo qaadka oo runtii ah aafo ijtimaaci ah oo u baahan in xal caqli gal ah loo helo. Dawladu waxay dhaqaale badan ka heshaa cashuurta qaadka hadii dalku sidan ku sii socdona wuxuu noqonayaa dal dhaqaalihiisa ay gacanta ku hayaan dad ka ganacsada maan-dooriye (Narco state). Waa in la helaa ilo kale oo dawlada dhaqaale ka soo gali karaan oo lagaga maarmo cashuurta qaadka.

Waxa iyana xusid mudan qandaraasyada dowladu bixiso oo gaadhigii lagu heli lahaa shan kun oo doolar in dawlada laga siiyo labaatan kun oo doolar. Arrinka meesha ku jiraa waxa weeyi in cidda qandaraaska bixinaysaa ay kula heshiiso cida laga iibsanayo in ay lacagahaas xad-dhaafka ah wax ka siiyaan iyadoo cidda wax iibinaysana si gaar ah loogu naas-nuujinayo. Hantidii qaranka ayuu ninba meel kaga soo wareegay oo qabcadiisii wadanka fujistay dadweynuhuna wali waxay sugayaan inay so da’do daruur mar hore kala yaacday Xeeladuhu way badan yihiin tuugnimaduna waa hal mid ah.

 

4 – Waxbarashada dalka ayaa iyaduna dib u habeyn weyn u baahan. Arrinka ugu wayn ee in laga hadlo u baahan waxa weeyi luqada wax lagu baranayo. Waxaa haboon in afafka carabiga iyo ingiriisiga la is bar bar wado afka soomaligana luqo ahaan loo dhigto. Waa in la joojiyaa afsoomaaliga dugsiyada lagu dhiganayo si ardayda dugsiyada ka soo baxdaa ay ula sodaan aqoonta dunida taala oo maalinba wax cusubi ku soo kordhayso laakiinse aaney jirin buugaag afsoomali ku qoran oo ardaydu ka akhrisan karto. Waa dhab in luqada la doonaba wax ha lagu dhigtee ay aqoontu isku mid tahay. Dalal badan oo aduunyada ahina waxay ilaa heerka phd ku qaataan afafkooda laakiinse waa inaynu ogaanaa in dalakaasi dhaqaalahoodu u saamaxayo in ay soo saartaan buugaag afkooga ku qoran oo ay ku jiraan aragtiyiha iyo ikhtiraacaadka cusub ee marba dunida ku soo kordha. Hadii ardaydu wax ku bartaan carabi iyo ingiriisi waxa u suurto galaysa inuu akhristo buugii ka soo baxay dhamaanba dalalka labadaa af lagaga hadlo oo aynu odhan karno waa dunida inteeda badan.  

 

5- Waa in la sameeyo hay’ad qaran oo qaabilsan habac-tirka maamulka oo daba gal ku samaysa laamaha kala duwan ee dawlada isla markaana dhagaysata cabashooyinka dadweynaha si loo saxo meshii khalad ka jiro qofkii lagu helo in xilka loo dhiibtay uu dadka ku baadhona waa in cadaalada la hor keenaa. Hay’adani waa inay lahaataa awood ay shaqada kaga caydhiso qofkii ay ku cadaato inuu shaqadiisa sagsaagayo.

6- Waa in si dhab ah miyiga loo horu mariyaa. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dunida sadexaad badankeeda haysata waxa ugu wayn dadkii oo dhulka miyiga ka soo hayaamaya kuna soo shubmaya magaalooyinka oo wax kaga soo horeeyaa aanay jirin. Taasi waxay keentaa faqri baaxad leh oo ay ka dhashaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tuuganimada, dhaqan xumo iyo dayac fara badan oo dakaasi ay ku qabaan magaalooyinka. Hadiise dadka halka ay joogaan koronto, caafimaad iyo waxbarasho ay ku helaan waxaa hubaal ah inay ku nagaan doonaan dhulka miyiga ah waliba wax soo saarkooduna wuxu faa’iido u noqonayaa dadka iyo dalkaba. 


Fu’aad Xaashi Ismaaciil

E-mail: [email protected]



 





Click here