4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
OKTOOBAREY ADIGAA LAHAA!!

Ummadaha Dunidu waxay leeyihiin maalmo taariikhdooda iyo waayahooda ku xusan
oo lama iloobaan ah , waxaana lagu xusuustaa wixii maalmahaas isbedel
siyaasadeed ay la yimaadeen. Dabcan Ummada Soomaaliyeedna waxay leedahay
maalmo taariikhda ka mid ah oo aad loo xasuusto, iyagoo maalmahaas qaarba
si loo xuusto oo kuwa taariikhda baal dahab ah kaga qoran iyo kuwo baal
madow ku qoran ay isugu jiraan, waxaanan is leeyahay 21ka OKTOOBER waa
maalin xusid mudan oo sooyaalka taariikhda Soomalida meel wacan ku leh, lana
hilmaami Karin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay ka caroodaan oo aanay
jeclaysan in maalintaas dib loo xasuusto oo laga waramo, laakiin arigtadayda
21ka OKTOOBER waa ay mudan tahay in dib loo milicsado oo la is weydiiyo,
Maxaa dhacay? Maxayse mudan tahay?.

Sanadkii 1960kii ayay Dalal badan oo AFRIKA ku yaal xornimadoodii ka
qaateen gumeysigii reer YURUB, Soomaalina kuwaas bay ka mid ahayd, waxaase
1960kii ilaa 1969kii dowladiihii talada hayey ragaadiyey qabyaalad iyo
musuqmaasuq IWM, waxaana arimahaas il gaar ah ku eegayey oo si fiican ula
socday ciidankii qaranka oo iyagu aan shaqo ku lahayn wixii waqtigaas Dalka
ka dhacayey, tusaale ahaan doorashadii guud ee dalka ka dhacday 1968kii
waxaa ku tartamay 83 xisbi oo qabiil iyo fawdo ku dhisnaa, kuwaasoo aan lagu
tilmaami Karin Xisbiyo siyaasadeed, waxaana doorashadaas ku shubtay xisbigii
talada hayay ee Somali Youth League (SYL), Ururkii Dhalin yarada Soomaliyeed
wuxuu ahaa kii gobonimada dhaliyey, waxaana aasaasayaashiisu ahaayeen kuwo
baal dahab ah ku xusun oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ay ka buuxdo, waxaana
ammaan daradii iyo dhibaatooyinka dooraashadaas magaca uun doorasho ka ahayd
keentay in maalin cad la dilo Madaxweynihii dalka marxuum Cabdirashiid Cali
Sharmarke, taasoo ahayd arintii soo dadajisay curashadii KACAANKA 21
OKTOOBER 1969kii, ayadoo markii horeba ay ciidanka xooga dalku u adkeysan
la'aayeen wixii dalka ka dhacay, wuxuuna ahaa afgambi aanu dhiig ku daadan
oo aanu hal qofna ku dhiman.


Waxaa caleemo qoyan iyo farxad wadooyinka caasimada MUQDISHO isugu soo baxay
dadweynaha Soomaaliyeed oo muujiyey taageerada Kacaanka, waxaa talada la
wareegay kooxdii askarta ahayd ee GOLAHA SARE EE KACAANKA (SUPREME
REVOLUTIONARY COUNCIL) la baxday oo uu hogaaminayey marxuum MAJ. GEN.
Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna khudbadiisii ugu horeysay ku xusay in ciidanka
talada qabsaday aanay xukun doon ahayn, ayna u adkeynsan waayeen wixii dalka
ka dhacayey, waxaana durba kooxdii SRC ay soo saareen bayaankii cadaa ee la
magic baxay warqadii koowaad ee kacaanka kaas oo ay ku qeexnaayeen 13 qodob
oo siyaasada gudaha iyo dibada ku dhisnaa ayadoo qodobadaas mid mid loo
fuliyey loona hirgaliyey, waxaana ugu dambeeyay qodobkii ku saabsanaa in
talada dalka dadweynaha dib loogu celiyo waqtigii ay ku haboonaato, waxaana
arintaas ka dhashay aasaaskii XISBIGA HANTIWADAAGA KACAANKA SOOMAALIYEED oo
hogaaminta dalka la wareegay bartamihii 1976dii, waxaase laga xusi karaa
wax-qabadkii kacaanka qoraalkii af-soomaaliga iyo Ololihii Horumarinta reer
miyiga oo abaal heer caalami ah xukuumada kacaanku ku mutaysatay, dabcan
dugsiyo aad u tiro badan iyo dhismaha Jaamacada Ummada oo dhowr iyo toban
kuliyadood ka koobana waxay ka mid ahaayeen wax yaabaha aad loogu xasuusto
21ka OKTOOBAR, ayadoo ardayda Soomaaliyeed ay heleen waxbarasho, hooy iyo
cunto lacag la'aan ah. Waxaa kaloo xusid mudan gurmadkii iyo dejintii dadkii
Soomaaliyeed ee abaartii DABADHEER ay wax yeelaysay. Dhinaca dhaqaalaha
waxaa la xusi karaa mashaariicdii badnaa ee horumarinta XOOLAHA, BEERAHA,
KALUUMAYSIGA, IYO WARSHADAHA lahaa.


Dhinaca Gaashaandhiga waxaa la dhisay ciidan qaran oo tiro iyo tayo sare
leh, waxaana taas markhaati u ah dharbaaxadii ku dhacday taliskii MENGISTU
HAYLE MARIAM ee ETHIOPIA sanadihii 1977-1978kii taasoo dalal badan oo
dunida ah ka yaabisay waayo Ethiopia waxay ka mid ahayd dalalka Afrika ugu
xooga badan, mudo gaaban ayayna ciidamadii Soomaalida ku qaadatay inay
jiiraan oo sidii daadka u maraan saldhigyadii adkaa ee GODEY iyo JIGJIGA,
ayadoo in yar loo jirsaday ADISABABA.


Waxaa aad loo balaariyey maamulka dalka oo 18 gobol iyo in ka badan 100
degmo ayaa jiray, waxaana taas loo yeelay in muwaadin kasta wixii adeeg ah
ee uu baahdo uu gurigiisa ku helo asagoo aan caasimada Muqdisho soo aadin
iyo abuuritaanka shaqooyin laga faaideysto.

Waxaa la is weydiin karaa Jabhadihii mucaaradka ee Dawladii kacaanka la
dagaalamay, arigtidayda waxay ila tahay inay ahayd arin aan aad looga
fiirsan oo lagu degdegay, ayadoo la oran karo waxay fure u ahayn burburka
iyo qaran jabka Soomaalida oo aan weli daawo loo helin, waxaana mucaaradkaa
oo qabiil iyo tol-beelay salka ku hayey uu sababay dhimashada boqolaal kun
oo Soomaali ah iyo burburinta wixii hanti qaran iyo mid gaar ah Muqdisho iyo
meelo badan oo kaleba yaalay, ayadoo malaha loo maleeyay in dad gaar ahi
hantidaas leeyihiin, Hadaba akhristoow miyaanay haboonayn oo ayna mudnayn
inaan xusuusano 21ka OKTOOBAR, waxaana weli caalamku ku wareersan yahay oo
la yaaban yahay waxa Soomaalida ka khaldan oo 16 sano dabadeed loo la' yahay
dawlad qaran oo karaamadii iyo sharaftii Ummadda Soomaaliyeed soo celisa,
waxaanan Soomaalida saaqidnimada iyo dib u dhaca lakacaa kufaysa u
malaynayaa in arinteedu tahay FARI KAMA QODNA FAANOOLE!!!


W/Q ABDI ADEN HASSAN (ZEYLICI)
TORONTO , CANADA
[email protected]

Qormo kale oo ku saabsan 21-ka Oktoobar
21 Oktoobar: 16-sano Geeridii Maxamed Siyaad Barre
kadib Soomaaliya ishay leedahay?
 Source: Wargeyska Ogaal



 





Click here