4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wareysi: Axmed Maxamuud Yassin, Mushraxa Madaweyninimada dowlad goboleedka Puntland

 

Columbus , Ohio (HOL): Waxaan manta oo ay bisha October 16, 2007 Hiiraan Online wareysi la yeeshay  Axmed Mohamud Yassin oo ah musharaxa maamulka Puntland, kana mid ah  dadka degga Puntland. Axmed oo in badan qurbaha ku noolaa waxa uu dib ugu laabtay Gobolka ismaamulka Puntland bishii January ee 2005 kii., isaga oo markaas ku hanweynaa, waa sida uu hadalka u dhigaye, in uu qeyb libaax ka qaato dhismaha maamulka cusub ee uu hogaaminayay Cadde Muse. Kadib markii uu mudo sanad iyo badh ah uu ku sugnaa Puntland. “Maamul xumo awgiis ayaan go’aan ka qaatey inaannan  ka gaabsado xiriirka Madaxtooyada Puntland” ayuu yiri Axmed Mohamud Yassin oo loo yaqaan (Burhaan Daboole). Wareysigii sidan ayuu u dhacay:

 

 

HOL: Waa kuma Burhaan Daboole? Mano sheegi kartaa qofka aad tahay?

 

Burhaan: Aniga magaceygu waa Axmed Mohamud Yassin, waxaan ku dhashay magaaladda Galkacyo waxbarashdeydii hoosena waxaan ka bilaabey Xamar, kadibna soo maray kuna soo barbaaray degaano badan oo dalka Somaliya ka mid ah, maadaama uu aabaheey ahaa shaqaalle dawladeed.

 

HOL: Waxaad  sheegtay in aad sandkii 2005 ka aad  ku noqotay Puntland, adiga oo aad ugu rajo weynaa in aad dadkaaga iyo dalkaaba wax u qabatid, maxaad kala kulantay noqoshadaadii?

 

Burhaan: Runtii ujeedada noqoshadeyda waxa ay ku saleysneeyd in aan gacan siiyo maamulkii markaas ka dhashay oo uu hogaaminayay Cadde Muse, iyada oo ayt jirta in aan qurbaha aad inooga horyimid aan doorbiday in aan wadankeygii dib ugu laabto si aan ugu faa’ideeyo dadkeyga, oo maamulka Puntland wax ka dhiso.

 

HOL: Waxaa jirta adiga iyo Cadde Muse in aad siyaasad ahaan  aad isugu dhaweydeen, maxaa keenay hadda in aad siyaasiyan ka soo horjeesatid ama aad kalsoonidii aad u qabtay kala noqotid?

 

Burhaan: Waxaa keenay in aan maamulka ka soo horjeesto ama gooni isaga taago, maamulka Puntland oo ka leexday wadadii aan ku taageerney oo ahayd Cadaalad iyo Hanti-dhowr, Wuxuunna maamulku doortey inuu ku shaqeeyo cadaalad xumo iyo hanti dhawr la,aan.

 

HOL: Shacabka Puntland ma kula qabaan ra,yigan aad adigu qabtid oo ah maamul xumadda guud iyo cadaalad xumada ka jirta Puntland, mise adiga iyo shakhsiyaad gaar ah ayey ku koobantahay edeyntaan?

 

Burhaan: Waxa ay u arkaan shacabka Puntland in uu maamulka Cadde Muse iyo xukumadiisaba ay lumisay kalsoonidii ay shalay ku doorteen, oo aheeyd ilaalinta nabad galyadda, cadaaladda iyo xoolaha dadweynaha. Intaas ma aysan dhicin oo nabadi faro kuma jirto, cadaaladii waa la gabay, xoolihii shacabkana si xun ayaa loo maamushaa.

 

HOL: Maamulka Puntland waxa uu ka kooban yahay todobo (7) gobol, wax taageero ah ama dhiiri galin ma ka haysataa maamul goboleedka iyo shacabka degaanadaas ka kooban ee Puntland?

 

Burhaan: Haa, oo waxaan ka haystaa tageerayaal badan maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan dhaliyaradda iyo waxgarad ku dhaqan Puntland guud ahaan.

 

HOL: Goboladda Sanaag, Sool iyo Ceyn, waxa ay ka mid ahaayeen goboladii xuduuda gumeystihii (Ingiriiska) dhigay, hoos imanayay maamulka Somaliland, maxaa kalifay in ay Puntland ku doodo in ay xuduudadaas ay iyagu leeyihiin, mise la weydiiyay wax afti ama cod bixin ah dadyooga ku nool goboladaasi cida ay doonayaan in ay raacan? 

 

Burhaan: Goboladaas aad soo magacawday waxa ay ka mid yihiin maamul goboleedka Puntland. Somaliland waxaa bixiyay gumeystihii Ingiriiska, kalamana tashan in dhulkaan loo bixiyo Somaliland, ummadda ku nool Sool iyo Sanaag. Marka waxaan u arkaa aniga dhulkan loo yaqaan Sool, Sanaag iyo Ceyn in ay isir ahaan, siyaasad ahaan iyo dhiig ahaanba ay yihiin dad ku abtirsada Puntland.

 

HOL: Sidee baad u aragtaa dagaalada soo noqnoqonaya ee Sool iyo Sanaag, maxaase xal u ah oo aad isleedahay?

 

Burhaan: Inkasto dhawaanahan ay Somaliya fara galin ku hayaan xoogag shisheeye. Waxaa jiray shirar ka dhacay Eretria iyo Qatar oo labaduba ku saabsanaayeen sidii loo burburin lahaa maamulka Puntland, haddana shaqsi ahaan waxaan aamin sanahay, maamul xumadda Puntland in ay sababtay qalalaasaha ka jira Sool iyo Sanaag. Hadii uu maamulka Puntland ahaan lahaa mid dhidibadda u aasan yihiin oo nidaam ku saleysan oo umadda reer puntland daacad u ah, waa ay iska difaaci lahaayeen cadawga soo noq noqonaya ha noqodo midka gudaha ama dibadaba.

 

HOL: Ma laga yaaba hadii aad doorashadan ku guuleysatid in aad colaadan Sool iyo Sanaag wada hadal ku dhameysid oo aad fool ka fool la kulantid maamulka Somaliland si loo soo afjaro colaadan aan dhamaaneynin?.   

 

Burhaan: Somaliland, waa dad Somaaliyeed oo aan wada dhalanay, in aan wada hadalnana waan ku khasbanahay, ileeyn dad wax naga dhexeeyaan baan nahaye, diyaarna waxaan u ahay in aanla kulmo maamulka Somaliland oo aan xitaa Hargeysa ugu tago, waa haddii ay ka tanaasulaan sheegashadda Sool iyo Sanaag.

 

HOL: Waxaa jirta in maamulka Cadde Muse ee Puntland oo ku  eedeeyay Maxaakiimta Islaamiga oo taageero ka helaya Dawladda Eretria in ay ka danbeeyeen dagaaladii Las Canood looga gacn sareeyay, ee arintaas maxaad ka dhihi laheeyd?

 

Burhaan: Sidaan horeyba kugu sheegay, maamulka Puntland waxa uu leeyahay cadaw gudaha iyo dibaddaba, waxaan qabaa arinta Las Canood ka dhacday in ay ka dhalatay maamul xumadda xukuumadda Puntland. Shalay waxa ay aheeyd Sanaag maantana waa tan oo waa Sool.

 

HOL: Waxaa jirta in uu maamulka Puntland uu heshiis la galay shirkado ajaanib ah, si ay qodaal shidaal uga baaraan maamulka Puntland, arintaas waxa ay dhalisay in iska horimaad ku dhacay Dawladda Federalka , Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Rai,isul Wasaarihiisa Ali M. Gedi, murankaas oo ilaa iyo hadda meel xun ka gaaray labada masuul, iyada oo  isku waafaqsaneeyn  qaabka aan loo ogeysiin Dawladda Dhexe, oo uu maamulka Puntland wax wargalin ah siinin Dawladda Federalka ee Somaliya, inkasto madaxweynaha uu la socday arintaan qodaalka shidaalka Puntland.  Maxay kula tahay khilaafkan ka dhashay shidaal Puntland ee ilaa iyo hadda taagan?

 

Burhaan: Federalism waxaa loo qaataa sideedaba in uu maamul kasta ama gobol walba uu kheyraadkiisa ka faaideysto, maamushana waxa u baxa, bad iyo biriba. Dawladda Dhexena ay canshuur ka qaadato wixii maamul goboleedka soo gala. Ee ma aha in Dawladda Federaalka ay maamushu dakhliga gobolka. Tan kale, waxaa nasiib daro ah iyada oo aysan dawladda Federaalka ah salka dhigan in la isku qabqabsado shillimaad laga qaato shirkad aan la ogeeyn waxa ay soo saareyso. Kheyraadka Puntland Somali baa leh, meel kasta oo ay joogaan, weyna wadaagayaan. Waxaan dhihi lahaa Dawladda Federaalka faraha ha kala baxdo, arimaha u gaarka ah maamulka Puntland.   

 

HOL: Sanooyinka danbe, maamulka Puntland waxa uu xiriir dhaqaalle la lahaa goboladda dhexe ee Somalia, ha noqoto Xoolaha nool ee la dhoofiyo, hargaha iyo saamaha, khudaarta iyo wax yaaba kale ee ay isdhaafsaddan . Sidoo kale goboladda dhexe waxa ay badeecadahooda kala soo degaan dekedda weeyn ee Bosasso. Xiriirkan ma laga yaabaa in uu wax u dhimo hadii aad ku guuleysatid doorashadan?

 

Burhaan: Xiriirka nagala dhexeeya goboladda Dhexe waa mid aad muhiim u ah, oo aan wali doneyno in aan sii kordhino, waxaan qabaa in dan ugu jirto labada dhinac in xiriirkaas dhaqaalle oo uu si fiican inoogu hirgallo, waliba waxaa fiicnaan laheeyd in la kordhiyo dekedaha qalabku ama badeecaduhu ka soo degaan, sida Hobyo, Garacad iyo Eyl oo aaney ku koobnaanin Bossaso oo keliya.

 

HOL: Maxaad fareysaa guud ahaan shacabka Somaliyeed  gaar ahaana kuwa Puntland?

 

Burhaan: Waxaan marka hore shacabka umadda Somaliyeed farayaa in laga shaqeeyo nabadda, nabad la'aani waa nolol la'aan. Waa in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ay  taageero buuxda siiyaan Dawladda Federalka ah, si ay u noqoto saldhigii soo celinta dawlanimadii iyo sharaftii magaca Somaliyeed. Gaar ahaan waxaan farayaa shacabka Puntland, in ay u istaagaan iyaga oo isku duuban, ilaalinta iyo soo celintii xuduudda Puntland. Waxaan kale oo aan leeyahay, marka la gaaro waqtigeeda,  shacabka Puntland in ay codkooda ay siiyaan xildhibaano ka turjumi kara baahidda umadda Puntland, si loo hello hogaan ka caafimaad qaba maamul xumadda manta ka taagan Puntland.



 





Click here