Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  


page counter
 

 

Nabad diidku waa dawlad diid!!  

W/Q cabduraxman M. cabdullahi (Baadiyow)i
Sunday, November 16, 2008

Nabadda waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta! 

 

Sida la ogyahay Jabhadihii lagu soo sameeyay, laguna soo howlgeliyay iney dumiyaan dowaldii Somaaliyeed waxey u adeegayeen istrateejiyada dowladda Itoobiya oo sheegtay iney hore u qorsheysay burburinta iyo kale qaybinta Soomaaliya. fadlan si fiican u aqri websitka  http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php. Fikirka Jabhadaha waxaa sal ka ah qabyallad hubaysan oo aan laga xishooneyn. Waxa kale oo sidaas oo kale u dhaqmay dowladii qaranka oo la mooday inay isku badashay goob ay leeyihiin beello gaar ah. Qabyaalladii laga xishoon jiray ilkaheedii ayaa banaanka la soo dhigay. Sheekadii habeenka ayaa maallintii isku bedashay. Waxaa fikirkeeni ka badin waayay “yaa tolaheey! waa wareey!!” oo ay aqrinayaan Jeneraallo iyo doktooro loo soo carbiyay dowladnimada iyo qaranimada.  Weli waa joogaan kuwa firkiikaas uraya (qurunka ah) kasii wada dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Dawladii Soomaaliyeed  iyo qaranimadeenii waa la jajabsaday, waxaana boqol sanno ka badan wixii Soomaaliya lahayd loo beec geeyay sayladaha caalamka. Ruuxii aan tol laheynow ba’a! Sidaas ayaa xaalka la gaarsiiyay. Soomaaligii aan ka dhalan reer hubeysan, ruuxii Soomaali noqday oo beel aan shaqo ku darsan, ruuxii Alle ka cabsi u gaysay inuu fitnada ka fogaado, waxay noqdeen dhibanayaal (victims), waxaana laga dhigtay la haystayaal (hostages).

 

Muddo dabadeed, Soomaalidii waa kala qaxday, reerba meel ayuu ku ururay, ugu dambeyntii, safarkii qixitaanka meel ayaa lagu furay.  Intii dibadda u firxatay waxay kaalmeysay intii gudaha ku go’doontay. Waxaa bilaabatay marxalad cusub oo wajiga biyo la marsaday, dibna loo tashaday. Meelo badan waxaa laga sameeyay nabad iyo maamuul, meelo kalena weli waa la caaboonyahay (lama daalin) oo waa dagaal ujoog.  Hadaba, waxaa iswaydiin u baahan maxaa goboladda qaar nabad uga dhacday, kuwa kalena nabad looga keeni waayay?

 

Waxaa nabad laga waayay intii Jabhadda USC sheegatay inay ka taliso iyo intii ay luga fidsatay. Waxay ka bilaabataa koonfurta Gaalkacyo waxayna ku luga fidsataa ilaa Raas kambooni, waa inta sanadahaan loo bixiyay koonfurta Somaaliya. Waa Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.  Hadaba waa maxaa jinka halkaan degay iyo kheyrka meelaha kale laga helay? Ma reeraha degan ayaa kala fiican? Max wax kale ayaa jira? Ma rabo inaan ku meereysto sheekooyinka ah waxaa ku taalla caasimadda, khayraad badan ayaa la isku haystaa (resources) iyo waxyaabaha la dhihi karo waa cudur-daar (apologetic).  Dhabtii, waxa la dhihi karaa arinku shacbi ma aha oo  shacbi kasta nabad iyo nolol waa rabaa.  Laakiin, waxaa halkaas ku tallo xumaystay, jin la yihaado (USC) oo shaqo ka dhigtay: ihorkici maysid, ku horkici maayo, kala hari-mayno! Sow ha la isbar-bar yaaco ma aha!! Hadaba sidaas dowlad ma ku imaaneysaa?    Gobolladda kale ee dalku waxay ka xoroobeen Jabhadihii, Soomaaliland waxay dhisantay markii Jabhadda SNM meesha laga saaray oo talada loo dhiibay Guurtida. Puntland waxay hagaagtay markii SSDF meesha laga saaray oo hawsha Issamada lagu wareejiyay. Labadaas meelood waxaa loo noqday dhaqankii si nabad loo keeno, maamulna loo bilaabo.

 

Magaalada Xamar iyo inta la xiriirta, Jabhadihii ayaa qurunsaday. Jabhadahaasu waa kale adkaan waayeen, ayagana waa laga adkaan waayay! Maxaa yeelay waxaa kobcinaayay oo gacan buuxda siinayay bulshada caalamka (international community) iyo dawladii soo barbaarisay–Itoobiya. Waxaa loo diidday aqoonyahaanada Somaaliyeed muddo 10 sano ka badan wax talo ah in laga dhagaysto. Dalkii waxaa gacanta loo galiyay madaxda Jabhadaha, inta kalena waxaa lagu yiri ku daba fayla jabhada reerkiina. Waxaa Jabhadaha loo dhigay karbedka casaanka ah (red carpet), waxaa lagu yiri waxaad tihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed, waxaa loo qabtay shirar aan kale go’laheyn, waxaa laga saxiixay in ka badan 12 heshiis. Haseyeeshee, waxba kama soo naaso cadaan!! Maxaa yeelay, shirarkaasu waxay ahaayeen maaweello ee dhabba ma ahayn!!! Waxay ahaayeen  jilid  la rabay in Somaaliya lagu dilo, laguna qaybiyo, laakiin waa dhiman la’dahay oo Ilaahey sida ma qadarin. Khayr badan oo aan umuuqan ajnabiga ayaa ku kaydsan, waxaana lala yaabay horumarka ay ka gaareen ganacsiga, tacliinta, bulshada Rayidka ah, isgaarsiinta iwm. Jabhaduhu waxay ahaayeen been la dhoodhoobay.  Kuma dhisnayn beel oo dhaqanka beeshaas lagu xisaabin karo, kamana talinayn madaxda runta ah ee beeshu. Jabhaduhu ma ahayn xisbi siyaasi ah oo laga noqon karo xubin oo dadkeedu tirsanyahay, lehna nidaam ay ku wada shaqeeyaan. Jabhaduhu waxay ahaayeen wiiro-wiiro, horjooge  maleeshiyeed dadka booba, kana cabsan dhiig daadinta, madaxoodana ayan ku jirin qaranimo iyo dan guud. Meeshii laga waayo ayaa maamul samaysay, meeshii ay joogaan balaayo ayaa fadhiisatay.

 

Wax lagu magacaabi karo shir Soomaaliyeed oo heer qaran, wuxuu la bilowday Shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, asiguna ceebo badan waa lahaa.  Laakiin, waxaa la dhihi karaa wuxuu Soomaaliya u gudbiyay marxalad cusub oo waxaa laga gudbay Jahbadaha, la dhiiri galiyay bulshda rayidka ah, dowlad qaran oo la ictirafay ayaa lagu dhisay.  Laakiin nidaamkii Carta lagu dhisay waa la wiiqay, kuwii madaxda ka noqdayna waa iswiiqeen.  Itoobiya iyo Maraykanka ayaa sal u ahaa wiiqidda, Jabhadaha ayaa loo adeegsaday. Nasiib daro, waxay ku soo beegantay 9/11 iyo wayrixii iyo caradii Maraykanka iyo bilowgii la dagaalanka argagixisada. Waxaa mar kale soo xoogastay Jabhadihii iyo Itoobiya, waa tii la qabtay shirkii Kenya (2002-2004), waxaa ka soo baxay nidaam xukun oo laga min-guuriyay kii Carte, laakiin madaxda Jabhaduhu hor boodayaan. Waxaa lagu go’aamiyay in Jabhaduhu soo xulaan xubnaha baarlamaanka!! Nin xoog leh xaajo u tuuday! Nin la rabaa reyn badana anba reedda waa ka rogee!! Oo micnaheedu yahay (fiicanaa nin la rabo aniguba waan agtaagnaaye). Sida la wada ogyahay, xaalka dowaldii lagu soo dhisay Kenya waxaa lagu sifayn karaa: khilaaf aan istaagayn; dagaal aan dhamaanayn; shaqo dawlo oo aan la qabanayn; xoollaha oo la iska boobayo; baarlamaan iska cayaaraya oo maalinba ku boodaya mid ka mid ah madaxda dowladda, kana siib kana saar kaliya ka shaqeeya;  madaxwayne iyo ra’isulwasaare khilaaf u joog ah oo haddii ay isqabtaan,  Itoobiya heshiisiin u aadaya; Walle waa wax lala yaabo!!

 

Waxaa intaas la jira, imaanshihii midowga maxkamadaha, kacaankii dadwaynaha iyo jabhadii cusbayd ee lagu dhawaaqay oo culumadu hogaaminaysay. Hiilladii dadwaynaha oo lagu bixiyay Jabhadihii, sooma kordhin dhismo maamul iyo nidaaan xukun hawl-gal ah.  Xukunku aqoon ayuu rabaa, dadka oo laga qayb galiyo ayuu rabaa, inaan xoog lagu qaadan ayuu rabaa. Hasa yeeshee, wixii dhacay ka sheekayn uma baahna, nabadii waa tii la diiday, dagaal ayaa jilibka loo laabay, Jabkii la ogaa ayaa ka dhacay, yaa ka ma’suul ah la isma weydiin. Sidii Jabhadihii oo kale, xisaabtan lama ogola, hore ha loo socdo waaye taladu. Waxaa si khaldan loo adeegsaday Islaamka, wadaninimada iyo qabiilka si wada jir ah ama kala jir ah, waxaana la adeegsanayay war baahinta si heer sare ah oo lagu marin habaabin karo dadka.

 

Waxaa dib loo abaabulay Jabhadii la magac baxday “dib-xureynta Somaliya” oo lagu asaasay Asmara. Waxaa Somaaliya mar kale gashay af libaax. Faragelintii Itoobiya waxaa ku soo biirtay faragalinta Eriteriya. Waxaa la galay dagaal labo dowlad u dhexeeya oo “dhiigga Somaaliyeed” lagu daadinayo si raqiis ah, laguna wiiqayo dowaldnimadeeda. Dhexdeena, waxaa ka bilaabatay isgaalaysiinta iyo iscolladinta xoogagii shalay inta kale kula dagaalamay magaca Islaamka. Qaar ayaa nabadda qaatay, kuwa kalena waxay welli wadaan dagaal. Waxaa bilaabatay cabsi ah amay ku socota heerkii USC-dii hore!! Kale qaybsanaantii hore iyo dagaallo faraha looga gubto!! Heshiiskii ugu dambeeyay ee Jabuuti, wuxuu ahaa “caano daatay dabadooda la qabtaa!” wuxuu ahaa rajo cusub oo nabadeed, waxaa ubaahan dadkeyna geedaha hoostooda quban, kuwa baduhu liqayaan, kuwa xabaddu aftar dhinac uga socoto, kuwa gaajada baarka dhulka ugu haya, waxaa ubaahan badbaadinta qaranimadeyna iyo jiritaankeynna. Waxaa martigalisay dowladda DJabuti oo looga bartay wanaag iyo Soomaali jacayl. Waxaa xoog saaray madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo raggisii nabadda ku caanka baxay, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya dalka ka baxdo, ayaduna waa aqbashay, mudaduna waa gaabantahay. Dabadeed, waxaa la damacsanyahay in la nabadoobo, doorasho xalaal ah dalka laga diyaariyo dhamaadka 2009.

 

Waddada la hayo waa  muuqataa, waxaa soo socota waqti aan xoog wax lagu xukumayn, wadaad ayaan ahay aan wax lagu xukumayn, reer hebel ayaan wakiil u ahay aan wax lagu xukumayn, Itoobiya ayaa I wadata aan wax lagu xukumayn. Waxaa soo socota waqti aan Islaamka hoos loo fiirineyn, dadku simanyahay, shirko ku yahay diinta, dalka iyo dawaldnimada. Waxaa wax lagu xukumaa waa dadkayga ayaa I soo doortay, danta dalkayga ayaan ka shaqaynayaa, dhaqanka Islaamka ayaan kobcinaya, nabada gobolka ayaan horseedayaa iyo iskaashiga caalamiga ayaan doonayaa.  Waa taas wadada Soomaaliyeed ee dawladnimada, nolosha iyo nabadu, waa taas tubta toosan ee Islaamka. Hadaba yaa diidan nabadaas? waxaa diidan inta ka cabsanaysa dowladnimada oo aan rabin cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta, sadbusina dhaqan ka dhigatay. Waxaa diidan inta aan rajo ka lahayn in la soo doorto oo “xoog” inay wax ku xukunto rabta. Waxaa kale oo diidan wax magarato qoryo loo dhiibay oo loo adeegsanayo burburinta qaranimada iyo diinta!!  


[1] Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda Muqdisho. Waxaad kala xiriir kartaa Email: abduraxmanba@yahoo.com



INTERNET CAFE CALLING CARDS SIM CARDS SCANNING COLOUR PRINTING PASSPORT PHOTOS PHOTOCOPYING DIGITAL PRINTING MONEY TRANSFER WESTERN UNION
MANCHESTER | MANCHESTER |  United Kingdom
Somali & Ethiopian Food
-Cunto macaan
-Nadaafad sare
-Shaqaale carbisan
-Qabo,Quraac iyo Casho
Toronto | Ontario |  Canada
Premium Listings powered by Somali411.com
35 comment(s)
More comments
 Ninkow,ama naagta,

Waxaad ka hadashay waa aniga iyo maqaalaad iyo siddi wax loo dharbaaxi lahaay.

Waxaan kugu haaystaa taad ku bilaawday sheekada, Halkeed kala timid inaad
Donmeh concept aad muslimka u ximbaariso.

How do you apply frankists hidden believe into Islam.

Taas ay ahayd sheekadeen ee ma ahayn inaad sharaxdo saad
muslinka u neceb tahay ,dharbaaxo iyo aniga.
 Sxb aniga dadka kama caqli badni si aan wax ugu sheego, Aragtidayda ayaan ka hadlay,Islamku maahan diin qof si gooni ah u sheegan kara, Hadii aad Xanaaqi lahayd ama hadii kale aday kuu taalaa , Dadka adigoo kale ah Runtaa in wajiga looga dharbaaxo ayaa fiican,Maqaal walba oo aad meesha soo galisaan insha allah waan daba dhigan doonaa anigoo umadda soomaaliyeed xaqiiqadiina u bandhigi doona iyo qorshooyinkiina Qarsoon ,  Ururkii ugu horeeya ee diin ku qaraabta ma tihiin , Kan ugu dambeeyana ma noqon doontaan, Laakin hal arrin ayaad wadaagtaan hadii aad tihiin ururada Magaca Islaamka ku qaraabta , taas oo ah inaad qorshooyin Hoose wadataan, Ururrada islaamiga ah ee aduunyada qaska iyo labta ka wada taariikh ahaan hadii aan u tix raacno, Waxaa cadaanaya inay ka soo farcameen afkaartii lunsanaa ee Sayd Qudub, Xasan Al banna Iyo waliba Cumar al Telmesaani, runtii sheekadaasi waa sheeko dheer waxaan jeclaan lahaa in fursad websitekaan qiimaha badan aan  ka helo si aan dadka ugu soo bandhigo Qoraalo badan oo aan rajaynaayo in wax badan ay ka faaiidaysan doonaan, Qoraaladaas waxaa ka mid ah kitaab e-book ah oo aan wali qoritaankiisa ku jiro oo la yiraahdo "Cimaamad, Kitaab Iyo Bunduq" kitaabkaas oo qofkii aqriya uu kala fahmi doono Ururadaan waxay yihiin, Fikirkooda muuqda iyo ka Qarsoon, !@ Insha allah Hadii aan xitaa websitekaan fursad ka heli waayo , Websiteyo kale ayaan galin doonaa hadii EEBBE idmo.!@ Waxaan Ku jirnaa Casrigii Fitnada, Nimankaan sheekooyinka caatada ah la war wareegaysanaaya waxay rabaan inay Jahligeena ka faaiidaystaan, Laakin waxaan ku dadaali doonaa inaan luuq walba ay galaan inaan ka daba galno , Mara kasta oo ay isku dadaan inaan ka faydno si cawradooda iyo beentooda Somalidu u aragto,,!
abdi4017@yahoo.com
 Logos,

Wali dadka afsomaliga ku hadlaad jihada inaad ka dhumin karto is mooddaa!!

Maxay tahay qaabka fikirka loo qariyo Al-taqiyah aad hoos ku qortay?!

War waxaan ku leeyahay sheekadaas ula tag Frankists aniga ha nooga soo guurinin.

Dad mulim ah oo fikirkooda qayaano u qarsado maad adiga aragtay!.
 Logs,

Sorry, Abti inaad ii noqon karto in theory Ma ogoli, raali ahaw.

Islaaxa aad sheegayso waxaan ka aqriyaa HOL, wax aan amuurahood kaala
hadlayna ma leh oo dadka kaloo ka hadlayba uma jawaabin.

I dhagayso Logos, Beentaad ku hadashay waa lagula fahmay,jawaabtaad af carabi
ku bixisayna waa qoran tahay oo laguu soo qoray waliba.

Markaan kugu qabtay sunta aad afuufayso oo an Islaaxa aad sheegaysaba shaqo ku
lahayn waxaad ku jawaabtay inaan run sheegay waxaa ka marqaati ah sadex comment aad soo qortay.

Haayee ma ka jawaabtay sadexda comment waxa ku qoran.

Dhagayso, horaan kuugu sheegay haddaana kuu sheegaa ilmaha yar ee 4 jirka ku saxaaya markay
been ka sheegidda islaamka gaarto inaad noo soo guuriso Afkaarta Sabbatei tsvei.

Orodoo shaqa yeelo,tan ma kuu soconaysee, Sidaad hadda ku baddashay ku wad ,Islaax iyo xumaantooda
ka hadal,arag in laguu jawaabo markaas. Laakiin markaad islam ka been sheegto,iga war sug aniga,waan
ku tusaa meeshaad ka soo biya cabtay.
 Soomaalijecle
Kuwani ma xeer hoosaadka ururkaa?

1) Wadahadal iyo dibuheshiin Soomaalida dhexdeeda ah ayaa xal u ah dhibaatada Soomaaliya.
2) Taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood leh.
3) Xoojinta midnimada bulshada iyo ka hortegidda waxyaabaha kala qaybin kara
4) Xoojinta bulshada Rayidka ah
5) Ka fogaanshaha adeegsiga xoogga si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed
6) Adeegsiga habka nabadda iyo isqancinta si loo gaaro isbedel waara
7) Inaan la garabsan dawlado shisheeye oo faragelin Soomaaliya ku sameeya

haddi jawaabtu haa tahay, shareeco islaam iyo diin meelna kagama
jirta'e xaa dhacay?

Xoog mar aan laga maarmin ma jiraa haba yaraatee? Markase
kii xaq daradda waday uu xoog isticmaalayo kii Xaqa wadayna
ma waxaad leedahay xoog ha isticmaaline hadal wanaag iyo
suma salaax wax ku wad? Ilaa goorma?



Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2009 Hiiraan Online