4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaali iyo bisha Maarso maxaa kala haysta?

Qore: Maxamed Mukhtaar

Bisha Maarso si gooni ayay ugu dhex muuqataa tixanaha taariikhda Soomaliya gaar ahaan markii dib loo eego taariikhda ku aadan Itoobiya iyo Soomaliya. Waxyaabihii dhacay bishaas waxaa ka mid ah: Maarso 1964tii waxaa sii xoogeystay dagaal u dhaxeyay Somaliya iyo Itoobiya kaas oo bilowday Feberaayo 1964tii. 9kii Maarso 1978dii, Maxamed Siyaad, madaxweynihii Soomaliya ee xiligaa waxa uu amray ciidamada Soomalida in ay ka soo baxaan dhulka Soomali Galbeed. 10 Maarso 1978dii waxa ay dowlada Itoobiya ka codsatay Soomaliya in dhulka Soomali Galbeed aayan dib u sheegan. 19kii Maarso 1988dii, waxaa heshiis nabadeed wada galay Maxamed Siyaad iyo Mengistu, hogaamiyihii Itoobiya ee xiligaa. Bishii Maarso 1990kii, waxaa Maxamed Siyaad ku eedeyay Itoobiya in ay ka baxday heshiiski ay kala saxiixdeen 1988dii welina ay caawinayso mucaaradkiisa. Maarso 1993, Itoobiya waxa ay shir dib u heshiineed u qabatay ururadii isku hayay arimaha Soomaliya. Maarso 1999kii, ciidamada Itoobiya waxa ay galeen magaalada Balanbale. Maarso 2001dii, Itoobiya waxa ay ku martiqaaday dhulkeeda xubno ka mid ah hogaamiyo kooxeedyadii ka jiray Soomaliya, waxayna halkaas ku sameeyteen urur loogu magac daray “Somali Reconciliation and Restoration Council (SRRC).

17kii Maarso 2005tii, shir uu lahaa Baarlamaanka Soomaliya waxaa ka dhacay gacan ka hadal dhexmaray Xubnaha Baarlamaanka kadib markii la isku fahmi waayay dood ku saabsaneyd keenista ciidamo shisheeye gaar ahaan ciidamo ka socda Itoobiya. Haddaba anaga oo maanka ku hayno taariikhdaa, ayaan qoraalkeena waxaan si kooban ugu egaynaa sidii ay arinta Soomaliya isu badashay tan iyo intii ka danbeysay 17kii Maarso 2005tii.

17 Maarso 2005, markii Xubnihii Baarlamaanka Soomaliyeed uu ku dhexmaray dagaal kuraasta la isku adeegsaday, ayaa Cumar Idiris, qoraa Soomali ah, waxa uu qoray qoraal cinwaankiisu yahay “17 Maarso Ma Maalin Sharafeed Mise Maalin Ceebeed.” Qoraaga waxa uu yiri: “[17 Maarso waa] bar madow oo ku soo biirtay taariiqda Soomaliyeed oo aan waligeed ba’aynin.” Barta madow ee qoraaga ka hadlayay waa in Baarlamaan Soomaliyeed laga codsado u codeynta ciidamo ka socdo Itoobiya.

Barta madoow bilowgeeda waxa uu aha kala jabkii ku yimid Xubnihii Baarlamaanka, taas oo ilaa maanta jirta. Inkasta oo ay jiraan Xubno Baarlamaanka oo mowqifkooda dhowr jeer badalay, haddana waxaa jira xubno labada dhinaca ee dooda - garab taagersan Itoobiya iyo garab ka soo horjeeda Itoobiya - mar walba taagnaa. Kala qeybsanaanta Barlamaanka, waxa ay keentay in sharciyo badan lagu tunto ama Baarlamaanka aanu noqon mid waajibaadkii looga bahnaa guta.

Kala qeybsanaantii Barlamaanka ama gacan ka hadalkii dhex maray Xubnaha Barlamaanka 17kii Maarso 2005, waxa ay keentay in casimada Soomaliya tahay meel madaafic la isku garaaco. Dagaalkaas oo u dhaxeeyo Itoobiya iyo taagareyaasheeda iyo dad ka soo horjeeda qabsashada Itoobiya ay qabsatay Soomaliya iyo faragelinta ay ku hayso arimaha Soomaliya.

Tan iyo Maarso 2005tii, waxaad u malaysaa garbaha kala duwan ee Soomaliyeed jaceylka iyo naceybka u qabaan Itoobiya in uu sii batay. Cumar qoraalkiisii uu sameeyay Maarso 2005kii waxa uu ku yiri: “Dad badani waxa ay is waydiinayaan, haddii ay Itoobiya Cabdulahi/Geedi abaal u gashay, miyaanay jirin in si kale oo ay ugu abaal gudi karaan oo aanan ahayn in Dadka, Diinta, Dalka sharafta iyo xornimada loo loogo?” Jacelyka badan ee Cabdulahi garabkiisa u qabaan Itoobiya waxaa ka turjumaya sida ay uga hadleen arimaha Soomaliya. 23dii Feberaayo 2007dii, Cabdulahi Yusuf mar uu la hadlayay xubno ka tirsan jaaliyada Soomalida ee London ayuu ku sheegay in qorsho uu sameeyay ka dibna isaga oo kaalmaysanaya Itoobiya in gacanta uu ku dhigay caasimada Soomaliya. 29kii Diseember 2006dii, Geedi oo ah Raisul Wasaare Soomaliyeed waxa uu magaalada Muqdisho galay isaga oo ay galbinayaan ciidamo Itoobiyaan ah. Bilowgii bishii Janaayo 2007, Xuseen Caydiid, Wasiirkii Arimaha Gudaha, isla markaana ahaa Raisul Wasaare Kuxigeen, waxa uu sheeegay: “in Itoobiya iyo Soomaliya walaalo yihiin, isla markaana in ay haboon tahay in hal basaboor wada qataan”. Dhanka kale, Xubnaha Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Dowlada iyo dhibaatooyinka ka jira wadanka gaar ahaan caasimada waxa ay ka turjumaysaa sida qaybo ka mid ah bulshada uga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ay joogaan gudaha Soomaliya. Naceybka iyo Jaceylka ku aadan Itoobiya oo ay mujiyaan xubinihii Barlamaanka Maarso 2005, ayaa waxaa Maarso 2007 laga dheehan karaa magaalada Muqdisho, inkasta oo halkii kuraasta ay badashay madaafiic.

17kii Maarso 2005, dowlada Soomaliyeed waxa ay aheyd mid dibad jooga ah oo ka howlgasha magaalada Nayroobi. Bishii June 2005tii, dowlada waxa ay xarun ku meelgaar ah ka dhigatay magalaada Jowhar. Bishii Feberaayo 2006dii, mar kale waxa ay dowlada u guuray magaalada Baydhabo. Bishii Janaayo 2007da, madaxda Dowlada Ku Meelgaar intooda badan waxa ay yimaadeen magaalada Muqdisho, inkasta oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka amar qaata Dowlada gacanta ku hayaan magaalada Muqdisho. Dowlada waxa ay weli ka howlgashaa Baydhabo, welina uma suuragelin in ay si rasmi ah uga howl gasho caasimada.

Dowalada Ku Meelgaarka ah ujeedadii loo abuuray oo aheyd in ay dib u heshisiin ka dhex ridda dadka Soomaliyeed iyo in ay wadanka ka qaban qaabiso doorasho xisbiyo badan sanadka 2009 ayaa u muuqata in labadaas arinba ku guuldareystay. Arintii dib u heshiisiinta waxa ay geed ku laalantay markii Dowlada Soomaliyeed ku soo dhaweystay Itoobiya in ay wada qabsato Soomaliya.

31dii Maarso 1994 ayay aheyd xiligii ciidamada Mareykanka isaga baxeen guud ahaan Soomaliya, kadib markii fashil ku yimid howlgalkii ay ka bilaabeen Soomaliya 9kii Diseember 1992dii. 3dii Maarso 1995tii, howlgalkii ay ka waday Qaramada Midoobay ee loogu magacdaray “Operation United Shield” ayaa la soo af jaray. Maarso 2007da ayaa ciidamo ka kala socd dawlado Afrikaan ah ku soo bilowdeen in ay yimaadaan Soomaliya, ayada oo ayna jirin waanwaan badan oo xaga siyaasadda. Ciidamah ugu horeeyay ee yimid oo ka socda Uganda waxa ay markiiba la kulmeen xasilooni daro. Haddaba su’aasha meesha taal ayaa ah muxuu noqon doonaa mustaqbalka Soomaliya bisha Maarso ee sanaddada soo socda?


Mohamed Mukhtar
London, UK
Email: [email protected]