Hiiraan online - News and information about Somalia

A Message From Barack - Video

page counter
 

 

Professor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma laha  waa shay la abuuri karo, baabi’ina kara.

Sabtidii la soo dhaafay  oo ay taariikhdu ahayd 20kii Oktoobar 2007, waxaa lagu qabtay magaalada Neuchâtel shir ay soo diyaariyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee Switzerland. Shirkan waxaa lagu martiqaaday Professor Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi iyo xildhibaan Maxamuud Aadan Feero iyagoo halkaa ku soo bandhigay muxaadaro cinwaankeedu ahaa : Qolo iyo Qaran meel ma wada galaan ? 

Ugu horeeyntii waxa hadalka qaatay Prof Gaandi oo si cilmiyaysan oo qoto dheer u soo  hadlay jiritaanka umada Soomaaliyeed, isbadaladii soo maray ilaa iyo maanta.

Profesorku marka uu ka hadlay taariikhda umada soomaaliyeed wuxuu sheegay in umada soomaaliyeed xidhiidh la lahaayeen xadaaraadkii qadiimka ahaa sida: Tii Faraacinada oo dalka xidhiidh la lahaa xiligii dalka soomaaliyeed loo yaqaanay Punt, ka dibna Giriigii iyo Roomaanka, dabadeed dowladihii ka jiray koonfurta carbeed Islaamka ka hor sida : Qatabaan, Maciin, Macaafir, Xadramout iyo Saba. Waxaa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka soomaaliya la lahayd Hindiya, Iiraan iyo Indonisia. Professerku wuxuu kaloo ka hadlay magacyadii loo yaqaanay dalka soomaaliyeed inta uusan soo bixin magaca Soomaaliya, sida Punt, Aromat, Azania, Barbari, Zinji iwm.

Prof Gaandi wuxuu fasiray in soomaaliya leedahay xeeb dhererkeedu yahay 3333 km uuna ahaa wadan furan oo umadaha xidhiidhka la lahaa dadkoodu ay u iman jireen ganacsi ama in ay dagaanba. Profesarku wuxuu xusay in afka soomaaligu ka soo jeedo afafka bahda Kushiitika. Mudane Gaandi wuxuu xusay magaca soomaaliga meesha uu ka yimid iyo nadariyaadka kala duwan ee ku soo arooray mawduucan.

Profeserku wuxuu sheegay in tiirarka bulshada soomaaliyeed ku taagan tahay ee mideeya ay yihiin: Af, Xigto, Xeer, Diin, Deegaan dhaqameed iyo doowlad, isagoo intaa raaciyay in qabiilku dan ku dhasho aayna qasab ahayn in qabiilku yahay u dhalasho ama dhiig, wuxuu muujiyay in bulshada soomaalidu ay la mid tahay sida geedka oo kale oo aan la kala goyn Karin xubnihisa.

Prof. Wuxuu soo bandhigay in qabiilka Soomaaliga ah uu si joogta ah u abuurmo si joogta ahna u baaba’o, uuna ku dhasho dan ee uuna ahayn dhiig. Wuxuu leeyahay tiirar haddii mid la waayo isbahaysigaasu uu baaba’yo. Waxaa ka mid ah dhul, xoolo, xoog ama gaashaan qaad difaaca, duub, lix la taliye iyo magac iyo summad xoolaha lagu dhigto. Is bahaysiganu waa unug yar oo ka mid ah kuwa qaranka Soomaaliyeed. Profeserku waxa uu si qoto dheer u fasiray nadariyaadka ku soo arooray waxa uu yahay qaran

Dhibaatada qabiilku uu ku hayo umada soomaaliyeed

Professorku wuxuu muujiyay in qabiil iyo qaran aaney meel wada gali karin loona baahan yahay in laga guuro qabiilka loona guuro qaran isagoo soo bandhigay habkii looga gudbi lahaa qabyaalada saldhigna uga dhigay in la helo cadaalad laga dhex abuuro bulshada dhexdeeda .

Dhibaatooyinka qabyaaladu ay u keentay umada soomaaliyeed kuwii ugu waaweynaaa waxaa ka mid ahaa burburkii loo geestay dhaqdhaqaaqii gobanimodoon Axmed Guray, Daraawiishtii Maxamed Cabdulle Xasan, ururkii SYL, iyo dawladihii soomaaliyeed ee ka danbeeyay. Sidoo kale adeegsiga qabyaaladu waxey keentay in la burburiyo dowladii qaranka soomaaliyeed ayadoo la adeegsanayo qabiil lana soo celin kari waayo ugu danbeeystiina lagu soo hogaamiyay dalka ciidame shisheeye oo qabsaday.

Ugu danbayntii Prof Gaandi wuxuu ku booriyay qurba joogta soomaaliyeed in ay is abaabulaan ooy midoobaan si dhibaatada dadka iyo dalka heysata wax looga qaban lahaa, dalkana looga xoreyn lahaa cadawga ku soo duulay. Muxaadaran oo ahayd mid aad u xiiso badan waxey dhalisay doodo iyo aqoon is weeydaaris socday in ka badan shan saac.


Cali Maxamed dhagax
Dhaga01@hotmail.com
Switzerland

 

Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2007 Hiiraan Online