Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Wadahadalka dawladda iyo maxkamadaha ee Khartuum: Qaadirkow ka dhig mid najaxa

W/Q: Maxamuud Nuur Wardheere

 

Beryahan waxaad moodaa in dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ay talo bixinayaan waxaa taas ka sii muhiinsan inay wada hadlayaan oo wada hadalka uga hormareen dawaldda dhexe iyo maxkamadaha.  Waxaan isku dayayaa in aan ka qayb qaato wadahadalka Soomaalida ee aan ku bilaabo aniga waxay ila tahay.


Waxaan soo dhoweynayaa wadahadalka iyo heshiiska dawladda iyo maxkamadaha midoobay  Waxaanan u rajaynaynaa in wada hadal koodu noqdo mid mira dhala oo umadda Soomaaliyeed ku najaxdo.  Wadahalkiinii hore waxaa uu kudhamaaday guul ka dib markii aad si dhib yar ugu heshiiseen inaad is aqoonsataan iyo in aad dacaayadda iska daysaan.  Sida aan wada ognahay qaladaad badan ayaa dhacay heshiiskaas ka dib taasoo sababtay in aad kala shakisaan oo kala aamin baxdaan.  Hadalo badan oo aan laga fiirsana ayaa idinka soo yeerey taasoo niyad jab ku riday shacabkiinii.  mudanayaal hadalada noocaas oo kale oo aan laga fiirsan iska ilaaliya oo maskaxda ku haya in shacabkiinu idinka sugayo heshiis lagu waaro.  Waxaad u heshiin weysaana meesha ma yaalo


Shacabka Xamar

 

Waa wax ilaahay loogu shukriyo 15 sano iyo bar dhibkii, fowdadii, iyo amaan la'aantii aad ku jirteen in ilaahay idinka qaado oo idinku bedelo nidaam iyo amni.  Markii iigu danbeysay Xamar  culimada masaajidyada Xamar waxay dadka uga digayeen inaan nimcada ilaahay Xamar ku manaystay aan lagu caasin oo dilka, dhaca iyo dulmiga la joojiyo laakiin lama dhegeysan jirin oo dadka waxay u jidbaysanaayeen kacdoonkii qabiilka iyo dulmiga ku salaysnaa ee itoobiya lugta weyn ku lahayd.

 

Bal fiiri kacdoonkan sida uu uga fiican yahay kii hore ee indhaha la'aa.  Kacdoonkan culimadu hogaaminayaan waa lagu diirsaday oo wax fiican ayuu soo kordhiyey Inkastoo culimada wagaas 1991 uusan dadaal u yarayn oo ay weliba soo daliishanayeen aayadda quraanka ee uu ilaahay tusaale u soo qaatay dad deganaa degmo nabad iyo barwaaqo ka badatay oo ilaahay ku caasiyey oo uu ilaahay ugu bedelay cabsi iyo gaajo denbigii ay galeen awgeed

 

وَضَرَبَ اللّهُ مَثَلاً قَرْيَةً كَانَتْ آمِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِّن كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ اللّهِ فَأَذَاقَهَا اللّهُ لِبَاسَ الْجُوعِ وَالْخَوْفِ بِمَا

كَانُواْ يَصْنَعُونَ

Nasiib darro dadka jidbaysnaa waagaas Xamar waa diideen inay dhegaystaan wacdigii culimda Xamar ee codbaahiyeyaasha masaajida ka baahin jireen. Kolkaa ka dib Xamar iyo Soomaaliya waa aragtay cabsi iyo gaajo ku filan maanta waxaan ku faraxsanahay in culimda Muqdisho la dhegeysto oo weliba talada gacanta ku hayaan qofkii dhegaysan waayona ay ciqaabi karaan. 

 

 Xamar waxaa ay gaartay in dulmiga heerka uu gaaray qof nool la afduubo oo madax furasho la weydiisto.  Wiil da yar oo degan Xamar oo ka mid ah dhalaankii soo kacay waqtiga fowdada ayaan email ku weydiiyey Xamar ka waran mar dhowr sano hadda laga joogo waxaa uu iigu jawaabay "Maxaan Xamar kaaga sheegaa waxaan ahay qof joogo beledkiisii oo aan xor ahayn oo meeshii gabalka ugu dhaco seexda oo aanan fahmi karin wax saan i baday"  Ilaahay ku shukriya amaanka iyo nimcada uu idinku manaystay.  Ku raaxaysta amaanka mudada dheer la idiin diiday waa wax aad xaq u leedihiin oo dunida badankeed waxay ka tahay xaquuq asaasi ah.

 

Waxaan ka mid ahaa dadka had iyo jeer ka welwela sida Soomaaliya oo dhan nabad iyo nidaam horumar leh uga hirgeli lahaa Xamarba ha ugu darnaatee oo yiraahda cidna uma maqna ceelna uma qodna. Waan filayay in kacdoon loo baahnaa laakiin ma garanayn nooca ku haboon Xamar.  Ilaahay adoomadiisa ciddii uu doono ayuu isticmaalaa.  Maxkamadaha iyo shacabka Xamar waa junuud ilaahay oo keligood ayaa xamar dulmiga ka saari karayay.  Wixii nalooka baahnaa iyo xilkii na saarnaa baad naga gudeene mahadsanidiin. Intii naga dhimatay ilaahay ha u naxariisto intii naga dhaawacantayna ilaahay ha caafiyo  Waxaase hubaal ah in June 5, 2006 taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka gashay!  

 

Asssociated Press  (AP) iyo warxumo tashiil

 

Nabada iyo wanaagga Xamar ka socdaa waxaa jira hayado warfaafineed oo aan runta ka sheegin.  Nin suxufi weyn oo hawl gabay ayaa igu yiri weriyeyaasha caalamiga ee AP sumcadooda waa sii xumaanaysay waayadan danbe asagoo sabab uga dhigay sida aanay wararkooda isku halayn u lahayn.  AP waxay noo sheegtay in Xamar carab ka dagaalanto, maxkamadaha midoobay ku duulayaan Baydhabo, isku fidinyaan gaalkacyo, Ethiopia qatar ku yihiin iyo caalamka.  AP ma sheegaan badanaa wanaaga maxkamadaha sida burcad badeedka ay adduunka ka qabteen ee waxay jecel yihiin oo ay is yiraahdaan durbaanka dagaalka ayuu dhawaaq dheer u yeelayaa ayay buun buuniyaan.  AP iyo kuwa la mid ka ah waa inaysan ku guulaysan inay  kala fogeynta dawladda dhexe iyo maxkamadaha kuwaasoo ah horumar bilow ah.

 

Waxay had iyo jeer inoo sheegaan qatarta ay leedahay shareecada islaamka iyo qatarta adduunka kaga soo fool leh Soomaaliya. Durbaanka dagaalka ee AP ay garaaceyso waxaa ugu darnaa markii ay isku qaseen oo isla doonteen banaanbixii Xamar ee lagu diidanaa dagaalka bariga dhexe iyo ficilkii agaggixisada ee London ka dhici gaaray kaasoo lala beegsaday diyaarado shicib.  Dad badan ayaa dhaliilay habka ay AP isugu xirtay labada dhacdo oo aan waxba ka dhaxayn. Sidoo kale maalin ka dib markii Xamar laga dhigay banaan bax maalin jimco ah waxaa Sabtidii mid ka daran laga dhigay Washington DC ka soo horjeedka White House  -Cajiib - AP banaan baxaasi kuma lifaaqin dhacdada London. Waxaan arrin u daynayaa aqoonyahanada Soomaalida inay wax ka qabtaan oo aanay ogolaan durbaanka dagaala ee iyo kuwa la midka ah. Xaggee jireen mudadada dheer dhibta lagu hayey dadka Soomaaliyeed? Maxay hadda noo leeyihiin cirka ayaa soo dumayaa?

 

Waa socdaa.......1 | 2 | 3 Bogga labaad>>>>>


Add Comment-- View Comment 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online