Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Dalsan: Dad masaajid dhisaayey dhaceen doolarkoodiye!

By Cabdullahi Maxamed

Dalsan waxay ahayd shirkad weyn oo xawaaladaha lacagaha ka shaqeysa, xafiisyona ku leh magaalo kasta oo Soomali tiro badani degan tahay. Bishii Maayo (May) ayaa shirkadaas albaabada loo xiray. Shirkadda hantideeda waxay ahayd toban malyuun oo doolar. Dalsan waxaa maal gashaday 450 qof. Qof kastoo ka mid ah 5 ilaa 6 ehela ayaa kula jirey maalgelintaas.

Nasiib darro, dadka tiradaas leh oo aaminey shirkadaas, waxaa maalkoodii oo dhan dhacay dad tiro yar oon tiradoodu dhaafayn 20 nin, oo iskugu jira asaasayaashii Dalsan, shaqaale iyo wakiilo.

Lix iyo toban sanno ka hor, dalkeenii Soomaliyeed qarnimadiis, midnamadiisii, nabadiisii, iyo dhaqaalahiisii waxaa burburshey dad ku tagri falaayey hantidii dadweynaha, waana kuwa banaanka inooka soo saaray dalkeenii hooyo.

Maanta dadka Soomaliyeed inta badan waxay ka hadlaan qabqable dagaal ( warlords) ee dagaalka qoriga ka wada dalka Soomaliyeed, laakiin waxaa beryahan soo baxay qabqablayaal burcada oo u soo guntadey inay dadka Soomaliyeed hantidooda dhacaan.

Madaxda Dalsan ee lacagta shirkadda maamulaayey waxaa hormood u ah :Huruuse nin ganacsi weyn ku leh Kenya iyo Soomaliya iyo Maxamed Sheek Cismaan, oo ah sheekh Soomaliyeed oo dadweynaha Soomaliyeed cilmigiisa diiniga ku aamineen. Buwaagta xisaabta ee shirkadu waxay sheegeen in midkiiba ay $2.4 malyuun ay ku maqan tahay.

Mukhtaar sheek Cismaan, waa  Maxamed Sh. Cismaan walaalkiis oo lagu eedeynaayo inuu lacag badan shirkadda ka lunsaday. Cabdirisaaq Maxamed, Huruuse seedigiis oo ahaan jirey shaqaale Dalsan, oo dhowaan guri weyn oo dhowr boqol oo kuna oo doolar ka gatay Qaahira, dalka Masar. Cayrow oo gacanta ku haya  guri weyn oo ay  shirkaddu ku leedahay Xamar, xoolo badana ku maqan yihiin.

Dadku waxay kaloo sheegayaan in Sodonle iyo Cabdullahi sheekh ay hantidaas ay qaar gacantooda ku jirto.

Ibraahim, oo ahaa xisaabiyihii Dalsan,  Daafeedow, madaxa qaybta Dalsan ee

Waqooyiga Amerika iyo qof kasta oo maamul sare ka haayey shirkadda Dalsan ayaa iyaguna xogogaal ka ah meesha xoolihii dadku ay mareen.

 

Nin agoon ku xaday qalin khayr kama macaashee!

 

 

Xeeladaha burcadda Dalsan  ay isticmaalayeen intii shirkaddu soconaysay:

1-     Si loo marin habaabiyo saamilayda waxaa qof kasta  loo diri jirey warbixin xisaabeed sheegaaya  inay faa’ iido badan ugu korodhay xoolahooda.

 

2-     Maamulka Dalsan waxay qaadan jireen mushahar xad dhaafa, waxayna  had iyo jeer ku jireen dalxiis ay u goola baxaan goobtay doonaan.

 

3-      Maamulka Dalsan  waxay ogaayeen shirkaddu inay sii janjeerto, lacagtoodiina hore ugala baxeen, iyagoo ganacsi kale asaastay ka hor intaan shirkaddu burburinba.

 

4- Saro shirkadu leedahay ayaa  dad aan waxba gashan shirkadda  ay dukaano ka  furteen wax ijaarana ma baxshaan.

 

5-     Maamulka shirkadu waxay saami beena u qoreen dad badan, kuwaasoo lacagaystay  saamigii beenta ahaa.

 

Maqaalkan oo gabay yari ku xigo waxaan ku soo gabogabeyn lahaa 3 talo:

 

Talada kowaad dadweynaha Soomaliyeed waxaa kula talin lahaa inay xadiiskii

Nebi Muxamed(CSW)  xusuustaan uu ku lahaa: Walaalkaa u gargaar haddii la dulmay  iyo haddu wax dulmayba. Asxaabtuna ay nebiga weydiiyeen su’aasha ah garanay nebi Allow sidaan ugu gargaari lahayn kan dulman, laakiin sidaan ugu gargaarnaa kan dulmiga wado. Wuxuuna nebigu(CSW)  ku jawaabay: Ka qabta dulmiga.Markaas hadaad garanaysid ood qaraabo ama saaxiib la tahay nimankaas fadlan kula taliya inay xoolahaas u ceshaan dadkii xaqa ulahaa.

 

Talo ku socota Sheekh Maxamed iyo kooxdiisa: Caruurtiina iyo ehelkiina ha quudin xoolo xaarana. Adiga iyo kooxda kula shaqaysaa wada hadla, ammaanadaas idinku maqan meeshay lahayd gaarsiiya.

Xoolahaad haysid dad baa iska leh, caruur kale ayaa ka gaajeysan.

 

Dadka Xoolahoodii ka maqan yihiin: tiradiina waa 3000 oo qof .  Dadka xoolaheenii haysta waa 30 qof. Hadal iyo qoraal ku cabir dhibta laguu geystay.  BBCda, TVS iyo Raadiyaasha magaaladaada  ka hadal . Booliska u sheeg hantida lagaa dhacay. Masuulka guriga odayaasha ee degmadaada ,iyo senetarka la hadal. Ha lagu dadaalo sidii nimaankaas shuftadda caalamiga  ah lo xirxiri lahaa.

Shirkadaha Maraykan ee MCI iyo Enron oo dhac maamulkeedu sameeyeen maanta xabsi bay ku jiraan. Soomaliya way dawlad la’dahay, aduunkuse ma xukun iyo sharci la’.

 

Haddii aad ka mid tahay dadka la dhacay, iyo hadaad faalo ama fikrad dheeraada  aad nagu biirin  kartid, fadlan la soo xiriir e-mailkan. Wadajir bay ilko wax ku gooyaan

E-mailkan: [email protected]

 

Fadlan gabaygan hoos ku qoran fiiri.

 

Weligay ma gabyin, laakiin taliska Dalsan dulmaygay wadaan ayaa gabaygan iga keenay:

 

Waa duni ninkii sheekh ahaa ku dulmiyaaye!

Waa duni damac uu kormaray sharaftii diineede!

Waa duni ninkaad aamintaa dabinno ku qoolin!

Waa duni la kala boobayoo, nala dareensiine!

Waa duni Akhiro xisaabteed layska daah saaray.

Waa duni xaqii aad lahayd debedda loo tuuray!

Waa duni dhac iyo soo dilkii  laysku kaashanaayaa!

Waa duni agoon soo dhaceed loo durbaan tumanee!

Waa duni nin daalini hantiyey  doolarkayagiiye!

Dareen ma laha nimankaas Dalsan boobay duhurkaase!

Darxumu u dhiman kii agoon duudsinaayaayey!

Aakhirona hoygiisu waa dab iyo naaritiiye!

Daarey ka sii iibsadeen doolarkayagiiye.

Dalxiis bay ka wada gooshayeen doolarkayagiiye.

Bal dayaayey nimankaas hantiyey doolarkayagiiye!

Dad xajkii ujeeday dhaceen doolarkoodiiye!

Dad masaajido dhisaayey dhaceen doolarkoodiiye!

Dad miskiin waxtaraayey dhaceen doolarkoodiiye!

Dalsan bay keligood disheen doolarkeediiye.

Dubbay iyo Nayroobi bay dhigteen doolarkayagiiye!

Waa duni nin daalini hantiyey doolarkayagiiye!

Nimanyahow  dib u garwaaqsada xoolahaad  dugga dhigateene.

Nimanyahow dib u xisaabtama Aakhiiraa loo durkaayaaye.

 

 

Waxaa qoray

Cabullaahi Maxamed

[email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


Add Comment-- View Comment 
0 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online