Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

GOLIHII SHAYDAANKA (Gabay)

Anigoo ah Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon waxaan tixdaan gabayga ah u tiriyey Golihii La dagaalanka Argagixisada ee Midowga Maxkamaduhu Xamar ka ceyriyeen har cad. Dad badan oo aan saaxiib nahay ayaa iga codsaday inaan tix ka tiriyo isbedelka Xamar ka dhacay, sidaas ayaana tixdaan ku timid. Tixo kale ayaa soo socda laakiin maadaama isbeddelladu weli ay cusub yihiin ma doonayo inaan ka hordhaco. Tix walba waqtigeeda ayaan tirin doonaa inshaa Alaah. Tixdaan gabayga ah ee gaaban waxaan u haddiyadeynayaa shacabweynaha reer Xamar. waxaana ugu talo galay in ay kor ka xafidaan, si ay halhays ugu noqoto caruurta iyo cirroolahaba.

 

Gantaalada ridada dheer raggii nagu garaacaayey

Gacal iyo qaraababa raggii gubayey jiidhkooda

Raggii gabar hadoodilan barqada garac ku reebaayey

Ee biru ma-geydada harkii madaxa goynaayey

Garabkood Ilaah baa ka baxay golihii shaydaane

Gurmad iyo gargaar kama ay helin gaaladii diraye

Gadoodkii dadweynahaa kor maray guuto bahalleeye

 

Gunnimada raggii noo horkacay, gaabshay magaceenna

Raggii noo gafee waaya badan, gadayey Soomaali

Ee goosan weer galay sidii, shacabkii goobeeyey

Gabbal dumay raggii naga dhigee, quusta laga gaaray

Garabkood Ilaah baa ka baxay golihii shaydaane

Gurmad iyo gargaar kama ay helin gaaladii diraye

Gadoodkii dadweynahaa kor maray guuto bahalleeye

 

Garoonkii diyaaradaha eeg, waa god bahaleede

Geedaa ku baxay hoolashii, gogoshu saarneyde

Guryihii ma nooloo burbure, gebi ahaantoode

Dhowr iyo toban sanaa noogu go’ay, oy goblan ahayde

Raggii Xamar gawaankaas ka dhigay, laga galiilyoodo

Garabkood Ilaah baa ka baxay golihii shaydaane

Gurmad iyo gargaar kama ay helin gaaladii diraye

Gadoodkii dadweynahaa kor maray guuto bahalleeye

 

Gegidii maraakiibta dhugo, waa gar hadalkaane

Gaandheri xun baa lagu salladay, loogu geliwaayey

Markaas baa ka guur lagadhigiyo, goof cidloo marane

Raggii naga gufeeyee xidhxidhay, goobihii qaranka

Garabkood Ilaah baa ka baxay golihii shaydaane

Gurmad iyo gargaar kama ay helin gaaladii diraye

Gadoodkii dadweynahaa kor maray guuto bahalleeye

 

Raggii godobta weyn naga galee, gebi na aasaayey

Ee guri bedqaba naga marshaye, goor xun miranaayey

Ee gabar yar iyo hooyadeed, gogol ku fuulaayey

Nabsi goobayaa soo xidhxidhay, mici gamaarreeye

Garabkood Ilaah baa ka baxay golihii shaydaane

Gurmad iyo gargaar kama ay helin gaaladii diraye

Gadoodkii dadweynahaa kor maray guuto bahalleeye

 

Gobannimadu waa wadajirkiyo gacal walaalaahe

Shacabkii guddoonku u dhexyaa gaara meel sara’e

Gobollada Waqooyiga raggaas, geesta ula leexday

Garoowiyo Qardhiyo Mudug kuwaas gadaya kheyraadka

Ku meel gaarka nimankaas la baxay Baydhaba u guuray

Haddii aysan gacan qaban kuwaas, guusha soo dhaliyey

Gabbal dumay inay wada yihiin geliya laabtiina

Ama garab ka mida ay yihiin golihii shaydaanka.

 

Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
E-mail: [email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 


Add Comment-- View Comment 
3 comment(s) with
9 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online