4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Buug Cusub



Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal.

Waxaa qortay Shukri Aaden-low

Wuxuu ku saabsan yahay dhacdo dhab ah (True story) dhacday 1934, galabtii magaalada Walwaal xabbadi ka qaraxday. Taas oo sabab u nqotay in Addis Ababa la qabsado, isla markaasna qaxootinimo markisay Boqor Xayle Salaase oo England magangelyo-doon ku imaanaya.

Dagaalkii 2aad oo qarxaya iyo nin Soomaali ah oo Buuro-leyda Xuduuddada Talyaaniga iyo Yugoslavia ka dhex jabhadaynaya, kadibna ku dhaawacmaya, Ninkaaasi waa Aaden Shire Jaamac.

Buuggu waa mid argagax, naxdin, caloolxumo iyo farax isla xambaarsan. Dhacdadu waxay raad qoddo dheer ku yeelanaysaa Soomaaliya, Geeska Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobay!

Xabbaddii Dunioda Gilgishey; Aaden-low iyo dhacdadii Walwaal dhowaan ayaa munaasbad weyn oo Daah-fur ah lagu soo bandhigi doonaa magaalada London. Waa Kitaab Soomali qortay mid ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa. Buuggaas waxaa laga heli kari doonaa meelaha kutubta Soomaalida lagu iibiyo, waxaana lagu soo dalban karaa Posto, iyadoo isla markaas lagu iibsan karo Online ah. La xiriir:

Mobile 07506 142 884 ama 07939 393 645
Email: [email protected]



 





Click here