4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2012
Dib u dhiska adeega duulimaadyada ee dalka Soomaaliya (Sawiro)

Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) - Ibraahim Abiikar Nuur iyo Axmed Climi Guure oo ka mid ahaa duuliyayaashii Somali Airlines ayaa booqday dugsigii ay ka qalanjibiyeen muddo soddon sanno ka hor. Dugsigaas oo lagu tababaro duuliyayaasha sharikadda Lufthansa laguna magacaabo Lufthanse Airline Training Center ayaa wuxuu ku yaalaa magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka.

Madaxa dugsiga Matthias Kippenberg oo horay uga qalinjibiyey isla dugsigaas ayaa halkaas ku soo dhaweeyey duuliyayaasha, wuxuuna warbixin ka siiyey isbeddelka weyn ee uu sameeyey dugsiga mudada soddunka sanno ahayd; isaga oo ku soo wareejiyey qaybaha kala duwan ee uu dugsigu ka kooban yahay

Duuliyayaasha ayaa uga warbixiyey xaaladda uu waddanka Soomaaliya soo maray mudadii 20ka sandood ahayd gaar ahaan sida uu u burburay adeegyadii duulimaadyada ee dalka Soomaaliya. Waxayna u sheegeen in xaaladda Soomaaliya ay hadda soo wanaagsanaaneyso lana soo gaaray xilligii dib loo dhisi lahaa khadadka duulimaadyada ee Soomaaliya. Duuliyayaashaas ayaa waxay ka  codsadeen sharikadda Lufthansa oo xiriir dheer oo dhanka tababarada la lahyd sharikaddii Somali Airlines ka kaalmeyso sidii dib loogu dhisi lahaa sharikaddii Somali Airlines. Waxaa ay si gaar ah uga codsadeen in arday cusub oo Soomaaliyeed loogu tababaro si ay qayb uga qaataan dhismaha sharikadda.

Madaxa dugsiga Matthias Kippenberg ayaa dhankiisa soo dhaweeyey codsigaas una ballanqaaday in uu kaalmo ka geysandoono intii karaankiisa ah sidii dib loogu dhisilahaa sharikadda Soomaali Airlines.

Sharikaddii Somali Airlines oo ka mid ahayd sharikaddihii ugu firfircoonaa ee Geeska Afrika ayaa khadka ka baxday ka dib markii xukunka laga tuuray dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyad Barre. Sharikadda Dayuurdaha ee dalka Turkiga ayaa dhawaan duulimaadyo ka bilowda dalka Soomaaliya taas rajo weyn galisay dib u soo celinta dhismaha duulista ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya