4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 31, 2011
Booliiska dalka Kanada oo qabtay nin Soomaaliyeed oo ay sheegeen inuu doonayay inuu ku biiro Xarrakatul Al-shabaab

Khamiis, Maarso 31, 2011 (HOL) – Garoonka diyaaradaha magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa lagu qabtay nin Soomaaliyeed oo la sheegay inuu qorsheynayay inuu u duulo Soomaaliya si uu ugu biiro xoogagga Xarrakatul Shabaab, sida ay Khamiistii baahiyeen ciidamada ammaanka dalka Kanada.

Maxamed Xirsi, ayay ciidamadu sheegeen inuu doonayay inay qabteen isagoo sugayay diyaarad u qaadi lahay dalka Masar si uga sii gudbo dalka Soomaaliya, isagoo qorshihiisu ahaa inuu ka mid noqdo dagaalyahannada Al-shabaab ee Soomaaliya, iyadoo la sheegay in muddo dheer lagu daba-jiray.

Ninkan la qabtay ayaa la sheegay inay ahayd markii ugu horreysay oo uu u dhoofo Soomaaliya. Dalka Kanada ayaa horay looga mamnuucay in la taageero Xarrakatul  Shabaab ama dhaqaale loo ururiyo, iyadoo ku dartay liiska ururrada ay ugu yeerto argagaxisada caalamka kaddib markii ay soo baxday inay xiriir la leedahay Al-Qaacida.

Mr. Xirsi ayay da’diisu ahayd 25-sano iyadoo lagu in maxkamad lasoo taago maanta oo Khamiis ah, eedaha loo haysatana ay tahay inuu doonayay inuu ku biiro Xarrakatul Shabaab oo ay ku sheegeen urur argagxiso ah, dagaalna kula jirta dowladda Soomaaliya.

Booliiska ayaa sheegay in Maxamed Xirsi ay daba-gal ku hayeen muddo lix bilood ah, iyadoo la billaabay baaritaankiisa isagoo shaqaale ka ah shirkad ammaan, waxaana shakiga sii kordhiyay isagoo inta badan ku jiray khadka internet-ka kuna hadli jiray taleefoonkiisa gacanta.

Dowladda Kanada ayaa sidoo kale sheegtay in dacwooyinka loo haysto ay ka mid yihiin isagoo doonayay inuu fal argagaxiso ah ka geysto dalkooda iyo inuu khatar ku ahaa dalka iyo dadka Kanada ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya