5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 2 , 2011
Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP oo Magaalada Muqdisho ku qabtay xaflad lagu xusayay 1-da Luuliyo (SAWIRRO)



Sabti, July 02, 2011 (HOL) – Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii Waqooyi iyo Koofur ayuu xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP wuxuu shalay ku qabtay hoteel Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga PDP iyo marti-sharaf kale, waxaana heeso wadaniyadeed kusoo bandhigay fanaaniintii kasoo qaybgalay kulanka.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Maxamed Sheekh Xasan Faqiih isagoo sheegay in 1-da Luuliyo ay tahay maalin ku weyn dhammaan ummadda Somaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xuriyadda wuxuuna tilmaamay haddii dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo isku-duuban in hormar la gaari karo.

Sidoo kale munaasabadda ballaaran ayaa waxaa ka hadlay Dr. Nuurto Sheekh Maxamuud waxayna sheegtay in maalintaan ay tahay maalin qiimo weyn, iyadoo xustay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku lahaayeen xurriyada waxayna tilmaantay in haweenka badan la xiray xiliggii xorriyad doonka.

Munaasabaddu intii ay socotay ayaa qaar ka mid ah dhallinyarada xisbiga Nabada iyo Hormarka waxay soo bandhigeen majaajilooyin ay ku cabirayeen xaaladda uu dalku marayo.

Sidoo kale dhallinyarada ayaa qaadayay heeso wadani ah oo ku aadan maalintii xorriyadda dalka oo ay kasoo wareegtay 51-sano.


Guddoomiyaha xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud oo xafladda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed maalinta xorriyadda, isagoo sheegay in dadka iyo dalka ay iminka qabaan dhibaatooyin badan isla markaana xisbiga Nabada iyo Hormarka uu u taagan yahay in mar kale la istaajiyo xorriyaddii Soomaaliya.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay meel iska dhigaan isku dayadii hore oo dowladnimada lagu keeni waayay oo aan wax kale isku dayno, taasoo dalka iyo dadka u horseedi karta nabad iyo baraare waara," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha xisbiga Nabadda wuxuu sheegay in dalka ay u rabaan dowlad ay dadka Soomaaliyeed wada leeyihiin oo keentay haybadda iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, ayaa waxaa munaasabadda lagu soo xiray heesta caanka ah ee ah: 'Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada', iyadoo ay si wadajir ah ugu luuqeynayeen qaar ka mid ah golaha dhallinyarada ee xisbiga iyo dadweynihii munaasabadda kasoo qaybgalay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya