5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2011
Wilaayada Islaamiga ah ee Gobolka Shabeellada hoose oo soo gabgabeysay qaybinta Zakada Xoolaha nool (SAWIRRO)


Sabti, 22 Janaayo, 2011 (HOL) – Wilaayada islaamiga ah ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa si rasmi ah u soo gabgabeysay qaybintii Zakada xoolaha nool oo toddobaadkii lasoo dhaafay laga bilaabay degmooyinka gobolkaas uu ka kooban yahay, halkaasoo lagu qabiyay kumannaan xoolo ah.

Xoolaha, uu maamulku qaybiyay oo isugu jiray Lo’ iyo Ari, ayaa waxaa Zako ahaan looga soo qaaday xoolo-dhaqatada ku nool wilaayada islaamiga ah ee Shabeellada hoose, waxaana howshaan u xil-saarnaa xafiis loogu magac daray (Maktabka diiwaanka Zakada ee wilaayada Shabeellada hoose).

Degmada

Tirada Zakada ariga la qaybiyay

Tirada Zakada Lo’da la qaybiyay

Wanlawayn

                   1600 neef

                     waxba

Awdheegle

                    230 neef

                     139 neef

Jannaale

                    110 neef

                      330 neef

Qoryooleey

                    395 neef

                       90 neef

Buulo-Mareer

                    179 neef

                       10 neef

Kuntuwaareey

                    496 neef

                       500 neef

Baraawe

                    700 neef

                       190 neef

Marko

                    267 neef

                        3 neef

Afgooye

                    380 neef

                        51 neef

  Tirada guud

                    4,357 neef

                      1,313 neef


Xoolahan ayaa waaxa loo qaybiyay dad masaakiin ah, wuxuuna qof walba oo ka mid ah uu helay shan neef oo ari ah ama laba neef oo Lo’ ah, halka degmooyinka qaar oo ay masaakiintu aad u badnaayeen, xoolaha laga soo uruuriyayna ay yaraayeen lana siinayay qofkiiba saddex neef oo ari ah ama hal neef oo lo’ ah.

Guud ahaan, dadkii masaakiinta ah ee Zakada loo qaybiyay ayaa si weyn ugu farxay xoolaha ay heleen, iyagoo u mahadceliyay Allaah (SW), kaddibna dadkii soo dhiibay Zakada iyo kuwii soo gaarsiiyay.

Sannadkan, ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay wilaayada islaamiga ah Shabeellada hoose sidaan oo kale u qaybinayso Zakada xoolaha nool, taasoo laga qaadayo dadka ay ku waajibtay lana siinayo dadka ay u waajibtay, arintaasoo isbadal wanaagsan iyo isku dheeli-tirnaansho dhanka nolosha ah ka dhalisay wilaayada Shabeellada hoose.

Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ka talisa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dib u soo nooleysay Zakada oo ah tiirka saddexaad ee Islaamka, kaddib markii ay inta badan bulshada Soomaaliyeed ay iska ilaaween hir-gelinteeda, iyagoo ku ekaaday inay ka akhriyaan kutubada diinta Islaamka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya