May-21-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2011
Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo kaalin fiican ka galay cayaaraha tartanka Orodka Koobka Qaramada Yurub (EK Cross)


Khamiis, December 15, 2011 Ciyaaryahan Cabdi Nageeye waa wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada Nijmegen ee dalka Holland, islamarkaana u orda dalka Holland oradada dhaadheer .

Cabdi Nageeye ayaa todobaadii laga soo gudbey wacdaro ka soo dhigey koobka cayaaraha Qaramada Yurub ee lagu qabtey magaalada Velenje ee dalka Slovenia.

Isagoo joogo magaalada Velenje ayaa qadka Internetka kula xiriirey si aan wax uga ogaado tartanka uu ka qayb galey iyo kaalinta uu ka galey iyo guud ahaan xaaladiisa  ayaa wuxuu ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey  guusha iyo horumarka u sameeyay labadii bilood ee la soo dhaafey, marka loo eego sanadkii hore heerka uu taagnaa  sida uu yiri ciyaaryahankaan Soomaaliyeed.

Hada mar walbo waan sii wanaagsanaanayaa, waxaana dareemayaa isbadal xaga oradkeyga, waxaan helay macalin cusub oo la yiraahdo Joshua Mols.

Koobkii oradada dalka Holland oo dhan oo aan ka soo qayb galey sanadkaan  2011, waxaan ka galey kaalinta sadaxaad (NK 3de), sidaa daraadeed waxaa toos ugu gudbey inaan ka qayb galo ciyaaraha koobka oradada Qaramada Yurub (EK Cross).

Waxaana rajeynayay inaan ka mid noqdo 15-ka ugu wanaagsan (Top 15),markii oradka biloowdey islamarkiiba waxaa galey kooxda ugu horeysa, kalsooni buuxdana waan dareemay si aan ula jaan qaado tartamayaasha dalalka Yurub ka kale yimid, 4 sanadood oo waayo aragnimo ah, oo aan lahaana way i saacideysay, waxaan qaatey go’aan wanaagsan, wax qalad ah ma sameynin intuu u socdey oradkaan, waxaan ugu dambeyntii ka galey kaalinta Lixaad (6de),iyadoo aan kula loolamayay ciyaaryahano tiradoodu aheyd 105 qofood,kuwaasoo ka kale yimid dalalka Yurubta oo dhan.

Marka  aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahey guushaan islamarkaana waxaan dareemayaa inaan yoolkii aan islahaa gaar  oo aheyd 15 –ka ugu sareysa ama ugu wanaagsan inaan dhaafey oo  aan galey kan Lixaad Alxamdulilaahi ayuu yiri Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo aad ugu faraxsan warbixinta uu iga siinayay tartanka dalka Slovenia .

Meesha aan ka imid oo aan tagnaa Yusufoow labo bilood ka hor iyo maanta oo ay iga dhineyd 10 second kaalinta koowaad,  aniga iyo ciyaaryahanka kaalinta koowaad galey ee guusha ku raacdey tartankaan,waxaan u arkaa guul, run ahaantii  waxaa iga dhinaa inyar oo fagaxdii ugu dambeysay ah oo aan ka gaabiyay, balse taas oo aan xooga saari doono xaga tababarka insha Allah, si aan horumar kale u sameeyo ayuu  yiri isagoo faraxsan ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee u orda dalka Holland ciyaaryahan Cabdi Nageeye.

Waxaa ka qayb galayaa   dhawaan 31 December 2011 tartanka lagu qaban doono magaalada Soest oo ku taal bartamaha dalka Holland(Regio Utrecht) tartanka oradka ‘’Silvester Cross ‘’, waxaana rajeynayaa inaan ku soo qatimo oradkaas  anigoo masraxa saaran oo guuleystey  insha Allah.

SSPAMEDIA waxay u rajeynaysaa guul wacan ciyaaryahan Cabdi Nageeye, waxayna jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Holland  ugu baqayaa maalintaas inay tagaan goobta lagu qabanaayo tartanka si ay u taageeraan wiilkan Soomaaliyeed una dhiiragaliyaan.

Yusuf Yusuf, SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com

 



15/12/2011 8:42 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan jirin wax xil ah oo laga qaaday, isagoo xildhibaannadii xilka ka qaaday ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda Roadmap-ka oo doonaya inay fowdo abuuraan.

15/12/2011 8:24 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta amniga dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxqabadka xukuumada, miisaaniyad-sanadeedka dowladda, shirka wadatashiga ee lagu ka dhici doona Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.

15/12/2011 8:19 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Saddex kun iyo shan boqol oo qof oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa si weyn uga cawday hay’adda UNHCR, taas oo ay ku eedeeyeen inay ka jareen raashin iyo waxyaalihii nolosha u aasaasiga ahaa in lagu noolaado oo ay hore u siin jirtay balse afar sanadood aanay arag caawimadii loogu talogalay qaxotoogin oo ay sheegeen in laga jaray.

15/12/2011 7:15 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Hay'adda samofalka Yardim Eli oo Turki ah ayaa sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo loogu magac-daray "Walaaleynta Qoysaska" kaasoo lagu caawinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatada badan soo maray.

15/12/2011 7:09 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Saraakiishii horay uga soo goostay Xarakada Al-shabaab oo ku biiray DKMG ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay x taliskii ciidamada badda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ku xareysan yihiin ayaa iska fogeeyay inay ka dambeeyaan qaraxyada isdaba-joogga ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

15/12/2011 5:59 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Shir balaadhan oo lagaga hadlayo nabadgalyada, horumarka, waxbarashada iyo khilaafkii dhaqan ee gobolka Awdal ka jiray ayaa shalay ka furmay Hotel Rays ee magaaladda Boorama.

15/12/2011 5:54 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday hay’adaha samafalka in ay gargaar biniaadanimo gaarsiiyaan dadka ku dhibaateeysan goobihii ay dhawaan kala wareegeen xoogaga Alshabaab ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

15/12/2011 5:51 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Maamulka Xarakada Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka jubada hoose ayaa maanta isugu yeeray qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaaladaasi, iyadoona ay masuulyiinta sar-sare ee maamulka Al-shabaab ee Kismaayo iyo ganacsatadu ay maanta kulamo ku leeyihiin xarunta maamulka degmada ee Kismaayo.

15/12/2011 5:51 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Raisul wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, ahna wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise ayaa shir guddoomiyay shir laba maalmood socday oo looga hadlay arrimo la xiriira ammaanka Soomaliya kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya labadii.

15/12/2011 5:30 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Wafdi ka socda dawlada ingiriiska ayaa gaaray degmada dolow ee gobolka Gedo, iyadoo wafdigu la kulmay maamulka degmadaas oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Cabdirashiid Janan waxayna kawada hadleen arrimaha gargaarka.

15/12/2011 5:12 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 168 dhallinyaro ah, kana kooban 114 rag ah iyo 54 dumar ah, ayaa shalay laga sii daayay Xabsiga weyn ee ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya.

15/12/2011 2:01 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xildhibaannada baarlamaanka qaarkood u doorteen guddoomiye ku meel gaar ah oo ay ku bedeleen afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan.

15/12/2011 2:01 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Ciidamada dalka Kenya ayaa waxay labadii maalmood ee ugu dambeeyay saxafiyiin ka socda hay'ado warbaahineed geynaysay deegaannada ay kaga sugan yihiin ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG ah koonfurta gobolka Jubbada hoose.

15/12/2011 1:51 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Arbaca, December 14, 2011 (HOL)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa u mudeeyey dadka hunguri ka hayo inay isku soo sharaxaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi inay ku keenaan araajidooda ay ku codsanayaan inay jagooyinkaasi u tartamayaan.

15/12/2011 1:46 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Carwo Ganacsi balaadhan oo Caalami ah ayaa maalinta sabtida ee soo socota laga furi doonaa Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, sida ay shaaciyeen guddida qabanqaabadda carwadan.

15/12/2011 1:41 AM EST
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood ayaa waxay sheegeen in muddo bil ah aysan helin wax gargaar ah iyagoo sheegay inay lasoo gudboonaadeen culeysyo dhinaca nolosha ah.