4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2011
Maamulka Xarrakatul Shabaab ee degmada Beledweyne oo xukun gacan goyn ah ku fuliyay wiil dhalinayrro

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee degmada Beledweyne ayaa xukun isugu jiray gacan goyn iyo tasiir waxaa ay ku fuliyeen labo wiil oo dhalinayarro ah kuwaasoo lagu soo eedeeyay in ay fal xatooyo ah ka geysteen goob ganacsi oo ku taal deegaannka Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Maxkamada degmada Beledweyne ee xarrakada Al-shabaab ayaa markii ay dhageysteen dacwada labada dhalinyarrada ah, waxaa ay ugu danbeytii ku riday mid ka mid ah in laga gooyo gacanta Midig, halka kan kalana maxkamadu ku xukuntay in la ''Karbaasho''.

Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maxkamada oo ay HOL weydiisay sababta keentay in labada dhalinyarada ah ee xatooyada lagu soo wada eedeeyay mid ka mid ah la tacsiiro, waxaa ay sheegeen in wiilka gacanta lagu gooyay uu qaatay hanti u dhigtay xadka gacanta looga jari karo qofka xatooyada ku dhaqaaqa, halka kan kalana uu qaatay lacag aad u yar taasoo kaantay in lagu fuliyo xukunka tacsiirta ah.

Ma'aha markii ugu horeysay oo xukun noocan oo kale ah ay ku fuliso maxkamada degmada Beledweyne dhalinyarro lagu soo eedeeyay in ay gaysteen falal xatooyo ah, waxaana xusid mudan in kol hore maxkamada degmada Beledweyne xukuna noocan oo kale ah ku riday labo wiil oo dhaliyarro ah kuwaasoo lagu eedeeyay in geysteen falal xatooyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya