Xaaji Xasan Cabdi Camalow “Giyaajo” wuxuu ku dhashay magaalada Bulo Burte 1929kii. Wxuu ku barbaray kuna soo koray magalada Muqdisho oo uu soo galay 1939kii xilligii Talyaaniga haystay dalka. Xaaji xasan wuxuu dugsiga hoose iyo kan dhexe wax ka bartay Scoula Indusdriale ee magalada xamar.
Wuxuu shaqoyiin kale duwan ka qabtay isla Magalada Xamar. Wuxuu ku biiray ururkii SYL sannadkii 1943oo markaaas la aasay.
Magaca Giyaajo wuxuu ugu baxday asaga oo wadi jiray gari barafka loogu qaado oo lagu geeyo guryaha iyo maqaayadaha Talyaaniga. Habeenkii wuxuu gariga shaqada ku qaadi jiray xubnaha ka tirsan SYL si ay shirarkooda qarsoodi uga qabsadaan bacdama aan habeenkii loo ogolaan jiriin inay dadku shiraan.
Xaaji Xasan wuxuu ka mid ahaa halgamaaasha SYL, wuxuuna madax ka noqday ururka shaqalaha Somaaliya 1954tii oo shirar badan Oo ay madaxdii Africa isugu iman jirtay oo ka mid Ahaayeen Tom Mboya, Julius Nyere iyo Jomo Kenyatta. 1955 Xaaji Xasan waxaa loo diray dalka Talyaangi si loo baro maamulka uu ka mid ahaa Dadkii loo diraarinaayey inay Talyaaniga oo markaas dalka xuriyadda ka qaadanaayey.
1958 Xaaji Xasan waxaa laga magacaabay maareeyahii ugu horeyay ee Shirkadda Caymiska Somaaliya (CASS).
1961 wuxuu tababar maareeyanimada ku soo qaatay dalka Mareeykanka (Social Security Administration.), jagadaas Mareeyanimada wuxuu hayey ilaa iyo sannadkii 1963kii
1963 wuxuu aasaasay shirkadda AMPO Spa, agaasimana uu ahaa. Shirkaddaas oo wakiil ka ahayd shirkado badan oo dalka ka jiray sida Shirkadda Baabuurta ee FIAT.
1969 wuxuu tartan u galay xildhibaanadii la soo dooranayey, wuxuuna ku waayey 13 cod oo kaliyah.
Xaaji Xasan wuxuu ka qayb galay dhamaan heeshiisyadii loo qabtay ummadda Soomaliyeed ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya..
2007 wuxuu ka noqday gudoomiyaha Jaaliyaha dibedda shirkii dib u heeshiintaSoomalida.
Xaaji Xasan wuxuu mar waliba jeclaa in uu noloshiisa ku dhameysto dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada uu ku dhashay ee BuulBurte. Sannadkii 2009 ayaana ahayd markii ugu dambeysay ee uu soo booqdo dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Xaaji Xasan wuxuu ifka kaga tagay 2 Xaas iyo 73 qof ah caruurta iyo waxay sii dhaleen