May-21-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2010
ABWAAN GAARRIYE: “M/weyne Rayaale waxaan leeyahay wixii umaddu kuu dhiibatay badka soo dhig”

Jimco, 05 March, 2010 (HOL)- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ugu baaqay in ay ka waantoobaan muranada siyaasadeed, isla markaana ay umadda codkooda siin doonaan kii u soo bandhigaan barnaamijyo siyaasadeed oo ay umaddu ku qanacdo.

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka hadlayay munaasibad loo qabtay qalin-jebinta dufcaddii  u horraysay ee Mac-hadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin dalka magac ku leh, sida Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Madaxweyne Rayaale iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay inay umadda u soo bandhigaan barnaamij siyaasadeed oo dimuqraadi ku dheehan tahay. “Waxaanu idin leenahay shidaalkii aad ku dhaqaaqayseen waa anaga oo Bulshada ah, waxaananu dooranaynaa cidda Xisbigiisa aanu ka dhex aragno Dimuqraadiyad.” Ayuu yidhi Abwaan Gaarriye.

Abwaanku mar uu madaxweyne Rayaale la hadlayay waxa uu yidhi, “Madaxweynae Rayaale waxaan leeyahay wixii laydiin dhiibay Badka soo dhig oo si sharaf leh u soo dhiga ha laydinkula tartamee, mar kale badka soo dhiga, taas ayaa karaamo iyo sharaf kuu ahe.” Ayuu yidhi Abwaan Gaarriye. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Haddii aanad wadan Beelaha Borama bariga ka xiga dalka xukumi kari maysid.”

Sidoo kale, waxa uu Abwaanku la hadlay labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), “Waar waxaan idin leeyahay mucaaradow, haddii aydaan wadin reer Borama, xil aad helaysaan oo aad ku guulaysanaysaan ma jirto.” Ayuu yidhi Gaarriye. Waxaanu mar uu wada-jir ula hadlayay uu yidhi, “Waxaanu idin leenahay dalkan waxa madax ka noqonaya ninkii aanu u garano, inta kalena waa in aanay ku xag-xagan ee ay u hannayso.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland



05/03/2010 1:37 PM EST
Jimco, March 05, 2010(HOL): Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa maanta ka furmay shir ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha suxufiyiinta qaarada afrika qaarkood. Shirka ayaa waxaa daaha looga qaadayay ololaha caalamiga ah ee lagu hormarinayo Anshaxa Saxaafadda (Ethical Journalism Initiative - EJI).

05/03/2010 7:15 AM EST
Jimco, Mar 05, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo hojeeda ayaa saakay ka dhacay qaybo ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

05/03/2010 7:14 AM EST
Jimco, Mar 05, 2010 (HOL) Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqbashay gabi ahaan qodobbadii kasoo baxay wadahadalladii Dowladda iyo Ahlusunna ku dhexmaray dalka Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgaleen Ururro caalami ah, sida IGAD.

05/03/2010 7:14 AM EST
Jimco, Mar, 05, 2010 (HOL): Kooxo hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa ku toogtay koonfurta Galkacyo nin Ganacsade ah oo si wayn looga yaqaaney Gobolka ,kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Max'ed Cali.

05/03/2010 7:13 AM EST
Jimco, Mar, 05, 2010 (HOL) Maamulka DGPl ayaa markii ugu horaysay ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray DFKG ah ee Somaliya,kaasi oo ku aadanaa in Maamulada ka jira Somaliya aysan heshiis laga galin karin hayadaha Qaabilsan Mashaariicda waa wayn sida Shidaal Qodista.

05/03/2010 7:13 AM EST
Jimco, Mar 05, 2010 (HOL) Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday Jaaliyadaha ku nool dalka dibaddiisa inay dadka ku dhibaateyesan gudaha dalka gargaaraan.

05/03/2010 7:11 AM EST
Gudoomiyaha Cusub ee Shalay gelinkii Danbe loo magacaabay Gobollada Jubooyinka Abuukar Cali Aadan ayaa saaka waxa uu codsi u soo jeediyay Odoyaasha, Waxgaradka, ganacsatada, Aqoonyahannada iyo Culumaa’udiinka ku dhaqan gobollada jubooyinka isagoona gudoomiyuhu codsaday in ay taageeraan islamarkaana ay garab istaagaan Maamulka cusub ee laga hirgeliyay Gobollada Jubbooyinka.

05/03/2010 1:42 AM EST
Jimco, Mar, 05, 2010 (HOL) Ku dhawaad 16 oo ayaa ku geeriyootay in ka badan 40 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo labo Maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray deegaannka Camaara oo ka tirsan Goballka Mudug, halkaa oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka jirtay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa beelaha dirirtu dhaxmaray.

05/03/2010 1:41 AM EST
Jimco, Mar, 05, 2010 (HOL) Inta laga warqabo 4 ruux ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax ka dhashay Bam sida la sheegay la dhigay goob aan ka fogeyn Masjid ku yaala deegaannka Goldogob ee Goballka Mudug halkaa oo ay ku sugnaayeen Culima'udiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.