Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir guddoominayay shirkii wasiirrada Carabta ee lagu soo gabgabeeyay dalka Masar ayaa sheegay in DFKMG ah ay dalalka Carabta kaga baahan tahay gargaar deg-deg ah.
Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in xukuumadda uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay doonayso inay dalka kusoo celiso ammaan iyo kala dambeyn, ayna gargaar ka doonayso dalalka Carabta.
"Xaaladda dalka Soomaaliya waa ka wanaagsan tahay marka sidii hore marka la barbar dhigo sannadkii hore, markaasoo xilka Madaxweynenimo uu la wareegay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddu ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay dalka ugu soo celin lahayd mid ammaan ah, ayna kooxaha kasoo horjeeda ugu yeertay inay soo fariistaan miiska wadahadallada si loo dhameeyo khilaafaadyada.
"Kaalmo walba oo aan ka helno dalalka Carabta ay dhiirrigelinaysaa howlaha ay DFKMG ah kawaddo dalka gudihiisa iyo in la gaaro xal waara" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ah ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka oo ka badan 1.5-Milyan Dollar looga baahan yahay dalalka Carabta inay gargaar la gaaraan.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka Soomaaliya uu noqday dalka hoggaaminaya ururka Jaamacadda Carabta lixda bilood ee soo socota, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya xilkaan qabato 20-sano ku dhawaad.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
04/03/2010 1:03 PM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL)Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay
04/03/2010 3:19 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL):Duqii degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa Maanta istaqaaladii uu isku casili lahaa waxa uu u gudbiyay Golaha deegaanka degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Bari.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|