Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Burcadbadeedda gacanta ku haya Markabka shidaalka qaada ee laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa dalbaday 20-Milyan oo madaxfurasho lacageed ah si ay u sii daayaan Markabka iyo 14-shaqaale ah oo la socda.
Markabka oo lagu magacaabo Al-Nisr Al-Saudi ayaa lagu haystaa xeebta degmada Garacad ee Gobolka Mudug, waxaana ay kasoo afduubeen Isniintii lasoo dhaafay badda cas, isagoo kusii jeeda Magaalada Jiddah ee dalka Saudi Arabia.
Shaqaalaha la socda Markabka ayaa oo 13 ka mid ay isku jinsiyad kasoo jeedaan halka kabtankuna uu dalka Giriigga kasoo jeedo ayaa xaaladdooda caafimaad la sheegay inay tahay mid wanaagsan.
Mas'uul u hadlay shirkadda markabka iska-leh oo aan ismagacaabin ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin kooxaha haysta markabka, balse ay ogol yihiin inay bixiyaan Madaxfurasho lacageed.
Dalka Saudi Arabia ayaa horay looga afduubay markab shidaalka qaada oo lagu magacaabi jiray Sirius Star kaasoo ay kooxihii qabsaday ka qaateen lacag aad u fara badan, inkastoo markabka hadda ay qabsadeen uusan wadin wax shidaal ah.
Burcadbadeedda Soomaaliya ayaa waxay haystaan maraakiib fara badan oo ay ku doonayaan lacago madaxfurasho ah, kuwaasoo ay saaran yihiin shaqaalihii la socday oo ka badan 300-qof.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
04/03/2010 1:03 PM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL)Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay
04/03/2010 3:19 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL):Duqii degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa Maanta istaqaaladii uu isku casili lahaa waxa uu u gudbiyay Golaha deegaanka degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Bari.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|