Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lagu doonayo in lagu sii daayo labada qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu hayso Soomaaliya.
"Waxaan socda wadahadallo sababi kara in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daayo labadan qof" ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku daray: "Waxaa laga yaabaa in lagu sii daayo 10-maalmood gudahood".
Afduubayaasha haysta labadan qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxay dalbadeen lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 1.3-Milyan Dollar, iyagoo sheegay inay dili doonaan haddii an lasiin lacagtaas.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka wuxuu sheegay inay ergo u direen kooxaha haystay Chandlers ayna dhawaan sii daynayana, isagoo sheegay in wadahadalladu ay ku dhow yihiin gabogabo.
"Waxaan Magaalada Xarardheere u dirnay ergo la xaajoota kooxaha haystay labada qof, waxaana ku kalsoonahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii dayn doono" ayuu yiri Prof. Dalxa oo xusay inay todobaadyadii lasoo dhaafay socdeen wahadallada lagu sii daynayo labadan qof.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inuu aad ugu rajoweyn yahay in labadan ruux ay dib ugu laaban doonaan todobaadyada soo socda dalkooda ayna la midoobi doonaan eheladooda iyo caruurtooda.
Paul Chandler oo 60-jir ah iyo xaaskiisa Richel Chanlder oo 56-jir ayaa afduub ahaan loo qabsaday bishii Oktoobar ee sannadkii hore, xili ay dalxiis ku marayeen inta u dhexeysa dalalka Seychelles to Tanzania.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
04/03/2010 1:03 PM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL)Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay
04/03/2010 3:19 AM EST
Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL):Duqii degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa Maanta istaqaaladii uu isku casili lahaa waxa uu u gudbiyay Golaha deegaanka degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Bari.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|