World Remit
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2010

 

Duqii Degmada Caluula oo Is Casilay  


Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL): Duqii Degmada Caluula Xareed Ciise Cumar ayaa Maanta istaqaaladii uu isku casili lahaa waxa uu u gudbiyay Golaha deegaanka degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Bari.
 
Waxaa La sheegay In Salaad Xareed laga Aqbalay istiqaaladiisa ,iyadoo arintaa loo aanaynayo xanuun aad u daran oo soo food saaray.
 
Odayaasha Degmadaasi oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono doorasho cusub ,taasi oo lagu soo dooranayo Cid la wareegta Maamulka.
 
Salaad Xareed Maadaama uusan xilkan sii wadi karin waxey dantu keentay in aan doorasho qabano"ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Caluula.
 
Is Casilaada Salaad Xareed duqii degmada Caluula ayaa ku soo beegantay Labo Maalin ka dib Markii degmada Caluula lagu soo gaba gabeeyay Caleema saarkii Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin.
 
Ugu danbaynta Golaha deegaanka Degmada Caluula ayaa laga sugayaa in ay Cod fartaag ah ku soo doortaan Godoomiye Cusub,si looga baxo Maamul la,aanta halkaasi ka jirta.
 
Faisel Maxamed Hassan (Boston), Hiiraan Online
boston@hiiraan.com
Boosaaso, Soomaaliya




Maamulkii hore ee Jubooyinka oo la badalay iyo Maamul Cusub oo la magacaabay
04/03/2010 1:03 PM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL)Kadib Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka oo ka dhacay xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo eek u taal nawaaxiga saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu magacaabay xubno cusub oo uu yeesho maamulka xarakada alshabaab ee gobollada Jubooyinka.
AXMED-SIILAANYO: “Lammaanaha Ingiriiska ah ee lagu haysto Mandaqadda aynu ku nool nahay waxa ka soo gaadhaya ceeb”
04/03/2010 7:59 AM EST

Khamiis, 04 March, 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay lammaane Ingiriiska u dhashay oo Koox Dabley ahi ku haystaan Koonfurta Soomaaliya.
MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda waa inay soo fariistaan miiska wada hadallada si ay dowladda ugu biiraan"
04/03/2010 7:58 AM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ugu baaqay Xarrakatul Shaabab iyo Xisbul Islaam inay nabad-qaataan ayna la hadlaan dowladda.
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somalia oo sheegay in xukuumaddiisa ay dalalka Carabta ka doonayso gargaar
04/03/2010 7:58 AM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir guddoominayay shirkii wasiirrada Carabta ee lagu soo gabgabeeyay dalka Masar ayaa sheegay in DFKMG ah ay dalalka Carabta kaga baahan tahay gargaar deg-deg ah.
Burcadbadeeddii qabsaday Markabkii laga lahaa Sucuudiga oo sii dayntiisa ku xiray lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 20-Milyan oo Dollar
04/03/2010 7:57 AM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Burcadbadeedda gacanta ku haya Markabka shidaalka qaada ee laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa dalbaday 20-Milyan oo madaxfurasho lacageed ah si ay u sii daayaan Markabka iyo 14-shaqaale ah oo la socda.
Mas'uul ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu u adeego shisheeye ururkoodana uusan ka tirsanayn
04/03/2010 7:56 AM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo Sheekh Farxaan Cabdi Ciil-Mooge oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) uusan ka tirsanayn ururkooda.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daynayo Lamaanayaasha u dhashay Britain
04/03/2010 7:55 AM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lagu doonayo in lagu sii daayo labada qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu hayso Soomaaliya.
Soomaaliya oo 20-sano kadib shir gudoomineysa kulanka Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta.
04/03/2010 7:55 AM EST

Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Mudo ku dhaw 20-sano kadib ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Wasiir Soomaaliyeed shir gudoomiye ka noqday kulan ay leeyihiin Wasiirro Arrimo dibadeedka Wadamada Carabta kaa oo dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Xukuumadda Somaliland oo masaafurisay Dad Ajaanib ah oo muddo shan bilood ah ku xidhnaa Berbera
04/03/2010 3:17 AM EST

Arbaco, 03 March 2010 (HOL)- Todoba qof oo u dhashay dalka Hindiya oo ka mid ahaa 14 shaqaale ka ah Markab muddo shan bilood ah lagu haysto magaalada Berbera, ayaa loo duuliyay dhinaca magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Roobab khasaare geystay oo ka da’ay Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo baaq u jeediyay Xukuumadda
04/03/2010 3:16 AM EST

Arbaco, 03 March 2010 (HOL)- Roobab shalay ilaa xalay ka da’ay deegaano ka tirsan Deegaannada Somaliland, ayaa keenay khasaare kala duwan, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dhibaato gaadiidleyda iyo dadka ku safra ku qabaan waddada isku xirta Magaalada Beledweyne iyo Degmada Jowhar ee Goballka Shabeellada Dhexe
04/03/2010 3:16 AM EST

Khamiis, Mar, 04, 2010 (HOL) Ma ahan wax sahlan in aad ku safarto wadada isku xirta Magaalada Beledweyne ilaa laga gaaro degmada Jowhar ee xarunta u ah Goballka Shabeellaha dhexe bur burka ku dhacay wadada awgeed taasoo dhibaato weyn ay ku qabaan gadiidleyda iyo dadka isticmaala intaba.
Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo howlgalo ka sameeyay deegaanno horay ugu sugnaayeen Xoogagga Ahlu Sunna
04/03/2010 3:15 AM EST

Khamiis, Maarso 4, 2010 (HOL) Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan ayaa sacaadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaanno maalmo ka hor ay ka sugnaayeen Ciidamada Xoogagga ka soo horjeeda ee Ahlu Sunna Waljameeca.
Xarakada Alshabaab Iyo beel kamid ah beelaha dega gobolka J/hoose oo Heshiis gaaray
04/03/2010 12:26 AM EST

Khamiis, Mar 04, 2010 (HOL) Wafdigii ka socday xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee mudooyinkii danbe ku sugnaa gobolka j/hoose ayaa waxa ay dhawaanahanba kulamo kala gooni gooni ah la lahaayeen odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubooyinka.

 
Hay’adaha Qaramada Midoobi ee Nairobi ma u wareegi kartaa Xamar?  -Tafatirka Hiiraan Online  

04/03/2010 11:24 PM EST  
Waxaa jirta dood ka dhex socota hay’adaha qaramada midoobi ee Nairobi kuna saabsan sidii shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobi ee hadda ku sugan magaalada Nairobi ay uga hawlgali lahaayeen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

US looking into helping train Somali forces  -AP  

04/03/2010 10:46 AM EST  
BRUSSELS (AP) -- The U.S. is considering joining a European Union effort to train a new army for Somalia, whose government is fighting a massive rebellion by Islamic militants.

SOMALIS IN GRAND FORKS: Dueling centers, shared objectives  -GFH  

04/03/2010 10:39 AM EST  
With the urgent intensity of a general in the field, Mohamed Ismail maneuvers easily from Somali to English and back to Somali as he reviews the day’s assignments: nouns, common (as in “city” and “country”), and nouns, proper (as in “Grand Forks” and “United States”).

Pirates ‘to free yacht couple in 10 days’  -LEN  

04/03/2010 9:26 AM EST  
The British couple held hostage by Somali pirates could be freed within 10 days, it emerged today.

UN, agencies should return to Somalia-UN envoy  -  

04/03/2010 8:11 AM EST  
NAIROBI (Reuters) - The United Nations and other international agencies working on Somalia should move to the Horn of Africa nation from neighbouring Kenya to be more effective, the U.N. special envoy to Somalia said.

Spanish ship escapes Somali pirates after firefight  -DPA  

04/03/2010 8:10 AM EST  
London/Nairobi - Somali pirates fired a rocket-propelled grenade at a Spanish fishing vessel, which responded with gunfire, during a hijack attempt in the Indian Ocean, European Union naval forces said Thursday.

Confessions of a human smuggler  -Standard  

04/03/2010 1:58 AM EST  
He is facing charges related to piracy in the Indian Ocean coastline in Somalia, but Ahmed Mohamed Omar vows he is not a pirate.

Lanka hold talks with Saudi Arabia on hijacked Lankan seamen  -SL Guardian  

04/03/2010 1:46 AM EST  
March 04, Colombo, Sri Lanka Guardian - The Ministry of Foreign Affairs says that it is holding discussions with diplomatic quarters in Saudi Arabia on securing the release of the Sri Lankan crew members on board a Saudi ship which has been hijacked by Somali pirates.

Supreme Court appears split on Somalia torture case  -LA Times  

04/03/2010 1:41 AM EST  
Reporting from Washington - Barre Yousuf, a Somali businessman living in the state of Georgia, spent much of the 1980s in a small, dark and windowless cell in Somalia.

Supreme Court: Justices Weigh Claims Over Torture in Somalia  -NY Times  

04/03/2010 1:37 AM EST  
WASHINGTON — After the Supreme Court heard an hour of technical arguments Wednesday about whether foreign officials may be sued in the United States over torture claims, one of the plaintiffs in the case stood on the steps outside and recalled what had happened to him in Somalia in the 1980s.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com