Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Qarax miino oo sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca askar kale iyo dad shacab ah ayaa maanta ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula beegsaday Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir .
Ciidamada Qaraxa lala beegsaday ayaa ahaa kuwo lugeynayay, iyadoo kooxihii la beegsaday qaraxa ay goobta ka baxsadeen, waxaase rasaas ay fureen ciidankii ka badaaday qaraxa ku dhaawacmay 5-qof oo rayid ah.
"Qarax ayaa ka dhacay albaabka hore ee Iskuulka 21-ka Oktoobar, waxaan arkay askari dhintay oo dhulka yaalla iyo 5-askari oo kale oo uu ka da'yay dhiig badan, askar kalena rasaas ayay furayeen" ayuu yiri goobjooge Cali Nuur oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.
Goobjoogahan wuxuu sheegay in ciidamadu ay xireen jidka oo dhan ayna xaafadaha galeen, iyadoo dhimashada askariga iyo dhaawacyada askarta kale ay meesha ka qaadeen gaadiid ay leeyihiin ciidamada Dowladda.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan ka hadlin qaraxaas, sidoo kalena ma jirto cid loo qabtay qaraxa iyo weliba cid shegatay mas'uuliyaddiisa, iyadoo muddo kooban uu xirnaa isku socodka gaadiidka isticmaala waddada uu qaraxu ka dhacay.
Waa markii labaad oo ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya qarax lagula eegto muddo bil gudaheed ah, iyadoo qaraxan kii ka horreeyay lala beegaday gaari ay wateen ciidamada ayna ku dhinteen dhowr askari.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya