SomaliVOA
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Isniin, Feb 8 , 2010

 

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee shalay gaaray Degmada Ceel-Barde ee Goballka Bakool oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.  


Isniin, Feb, 8, 2010 (HOL) Wararka laga helayo degmada Ceel-barde ee Goballka Bakool oo maalintii shalay ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka jireen kulamo xasaasi ah oo ay lahaayeen Saraakiisha horkaceysa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee halkaa ku sugan.

Kulamada labada dhinac oo la sheegay in ahaayeen kuwo siweyn leysugu dheeraaday ayaan dhab ahaan cadeyn waxa looga wada hadlay, laakii ilo xog-ogaal ah oo Saxaafadu soo xigatay ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya kala hadleen Saraakiisha Dowladda Soomaaliya arrmo u badan amaanka, gaar ahaan sidii ay u gadan lahaayeen waajibaadka saaran ee ah in gacanta Dowladda Soomaaliya lagu soo celiyo Goballada Bay iyo Bakool.

Ciidamada Itoobiya ee gaaray deegaannka Ceel-barde iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay ka wadeen deegaannka howlgalo lagu qab qabtay qaar ka mid ah dhaliyarada deegaannka kuwaa oo sida la sheegay Ciidamadu ka shakiyeen, waxaana wararku intaa ku darayaan in qaar ka mid ah dadka la qab qabtay loo kaxeeyay dhinaca dhulka Ismaamulka Itoobiya.

Ma'aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanku gudaha u soo galaan qeybo ka mid ah dalka Soomaliya, laakiin dhaqdhaqaaqyada hadda socda ayaa ah kuwo dadku shaki badan ka qabo maadaama maalmihii aynu soo dhaafnay ay jirtay hajabaado ka soo baxayay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwa oo ku cel celinaya in maalmaha ina soo aadan ay qaadi doonaan weraro ay ku qabsanayaan goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com




Ciidamo loogu talogalay inay ka mid noqdaan AMISOM oo tababar uu uga bilowday Dalka Uganda
08/02/2010 8:25 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Tababar ayaa dalka Uganda uga bilowday ciidamo loogu talogalay inay ka mid noqdaan kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo ay tababarka siinayaan saraakiil u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Biljim.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo codsaday in gacan laga geystaan dhismaha Guriga Ummadda (DAAWO SAWIRRO)
08/02/2010 7:45 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta booqasho ku tagay Guriga Ummadda ayaa ka dalbaday hay'adaha gargaarka iyo shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan dayactirka xarutaas ka socda.
Dowladda Soomaaliya oo ku eedeysay kooxaha ka soo horjeeda inay ciidamo shisheeye ah ka soo dejiyeen Dekedda Ceel Macaan
08/02/2010 7:38 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in xoogagga kasoo horjeeda ay kasoo dajiyeen dekedda Ceelmacaan ee duleedka Muqdisho ciidamo shisheeye ah oo ka kooban Eriteriyaal iyo Itoobiyaan.
Xarrakada Al-Shabaab oo Muqdisho kusoo bandhigtay hub iyo sarfkaal ay sheegtay in uu ka soo goostay Dowladda Soomaaliya
08/02/2010 7:36 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo uu ka mid yahay Afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa soo bandhigay sarkaal ay sheegeen inuu kaso gostay Dowladda iyo qoryo fudud oo gaaraya 50-xabbo.
Maamulka Degmada Laasqoray oo sheegay in ay dib u celiyeen Markab ay kooxo Burcad badeed ah soo afduubteen
08/02/2010 7:35 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Maamulka degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay dib u celiyeen Markab dhawaan ay kooxo Burcad badeed ah ka soo afduubteen Gacanka Cadmeed ,kaasi oo laga lahaa dalka Liibiya.
Duqeymo iyo dagaallo xalay ku dhemxaray Waqooyiga Muqdisho ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha kasoo horjeeda
08/02/2010 4:04 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Ugu yaraan 5-qof ayaa ku dhintay 10-kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymoy xalay ku dhexmaray degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ciidamada Dowladda iyo kuwa hubeysan ee kasoo horjeeda.
Wasiirka Lacagta Soomaaliya oo sheegay in heer gabogabo ah ay marayso soo saarista lacag ay Dowladda Soomaaliya sameynayso
08/02/2010 4:03 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in lacagta cusub ee ay sameynayso Dowladda Soomaaliya ay soo saaristeedu marayso heer gabogabo ah.
Xukuumadda Kenya oo beenisay inay kulamo la qaateen mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
08/02/2010 4:03 AM EST

Isniin 8, Feb, 2010 (HOL) Sarkaal u hadlay Dowladda Kenya ayaa beeniyay inuu jiro kulan dhexmaray saraakiil Kenyan iyo kuwo maamulka degmada Baladxaawo ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Xoogagga gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo xilliyada habeenkii soo bandhiga Fillimo ka tarjumaya Jihaadka.
08/02/2010 4:01 AM EST

Isiniin, Feb, 8, 2010 (HOL) Inkastoo dadka reer Beledweyne aysan u aheyn wax ku cusub Muxaadarooyinka diiniga ee Xoogagga Islaamiyiintu ku soo badhigaan goobaha dadku ku badan yahay kuwaa oo looga hadllo arrimo u badan ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo waajibaadka saaran qofka Muslimka ah.
Maamulka Alshabaab ee Gobollada Jubbooyina oo Diyaargarow ugu jira dagaal ay kaga hortagaan ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya oo la doonayo in ay caawiyaan dowladda Soomaaliya
08/02/2010 3:58 AM EST

Isniin, February 08, 2010(HOL): Ciidamada Xarakatu shabaabul mujaahidiin ee gobollada jubooyinka ayaa waxa la galiyay heegan iyo diyaargarow ciidan oo aad u xoogan iyadoo diyaargarowga ciidan ee ay sameynayaa ciidamada maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka laga dareemayo gudaha magaalada kismaayo ee xarunta u ah gobolka j/hoose.

 
New Somalia government offensive against Al Shabab  -CSMonitor  

08/02/2010 7:09 PM EST  
Johannesburg, South Africa - A long-awaited offensive by the weak, transitional Somali government may finally bring President Sheikh Sharif Ahmed some badly needed legitimacy, but it is almost certainly going to increase the hardship of tens of thousands of civilians who are being forced from their homes.

Japan to offer $35.2 million to Somalia for security, infrastructure  -JapanToday  

08/02/2010 6:04 PM EST  
Foreign Minister Katsuya Okada told his counterpart from the Somali transitional government on Monday that Japan will offer $35.2 million for police assistance, infrastructure maintenance and other purposes, a Japanese Foreign Ministry official said.

Bomb survivors tend to IDPs  -IRIN  

08/02/2010 2:41 PM EST  
NAIROBI (IRIN) – A bomb explosion was the last thing Abdiqani Sheikh Omar, 26, expected on his graduation day, after six years of studying medicine at Somalia’s Benadir University in the capital, Mogadishu.

Al-Qaeda offshoot urges more US attacks  -AFP  

08/02/2010 2:08 PM EST  
DUBAI — Al-Qaeda in the Arabian Peninsula, the Yemen-based group that claimed a botched Christmas Day attack on a US airliner, on Monday called for more American targets to be hit around the world.

Somali Capital Braces for All-Out War  -VOA  

08/02/2010 1:49 PM EST  
Remaining residents within Somalia's battle-torn capital are fleeing as rebel and government forces prepare for new clashes. The Western-backed Mogadishu government has announced its intention of launching an offensive against the Islamist opposition.

Shelling kills at least 9 in Somalia: group  -Reuters  

08/02/2010 8:07 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - An exchange of mortar shells between Somali government forces and rebels killed at least nine civilians and injured 14 others, a human rights group said on Monday.

Minn. Somali Children Document A Tattered History  -AP  

08/02/2010 12:35 AM EST  
MINNEAPOLIS (AP) - At the Minnesota International Middle School, a charter school that enrolls mostly East African students, groups of elders from the local Somali community wander the halls between classes and convene in several "elders corners" throughout the day, always ready to dispense advice and wisdom and serve as good examples.

The historian, his wife and a mistress living under a fatwa  -MailOnline  

08/02/2010 12:32 AM EST  
With their close ties to David Cameron and illustrious careers in academia and publishing, they were a formidable couple.

How the Seychelles became a pirates' paradise  -Independent  

08/02/2010 12:22 AM EST  
A multi-storey cruise ship dwarfs the harbour of Port Victoria, engulfing two fishing trawlers in its considerable shadow. Together, the trio of vessels offer a snapshot of the economy of this Indian Ocean archipelago.

Al-Shabab retreating from Mogadishu, reports say  -PressTV  

08/02/2010 12:16 AM EST  
Al-Shabab fighters have reportedly vacated their strongholds in Mogadishu ahead of a government offensive.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com