World Remit
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Khamiis, Feb 25, 2010

 

Xarunta Gobolka Banaadir oo maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho  


Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas markuu dhamaaday saxaafadda la hadlay Afhayeenka Gobolka Maxamed C/llaahi Cariig.

"Kulankii maanta waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee ammaanka, waxaana looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin wax ka qabashada ciidamada sida macna-darrada ah u dhexmaraya waddooyinka Muqdisho iyo tuugada" ayuu yiri Afhayeenka Gobolka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddigii kulanka isugu yimid ay go'aansadeen in loo howlgalo sidii gacanta dowladda dib loogu soo celin lahaa Magaalada Muqdisho oo dhan waxna looga qaban lahaa ammaan-darrada.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee wax laga qabto lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in laga hortago tuugada dhibaatooyinka ku haya dadka shacabka, caruurta jidadka ku dhuuqa maandooriyaha iyo waxyaabaha aan diinta Islaamka ku wanaagsanayn.

"Ciidamada waxaa loogu baaqay inay ku sinnaadaan xeryahooda haddii lagu helo iyagoo wareegaya jidadka Magaalada waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharci ah" ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir oo sharraxayay wax ka qabashada amaanka Muqdisho ee laga soo saaray kulankii maanta.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in la dhisayo guddi ammaan oo isugu jira heer Gobol iyo heer degmo, kuwaasoo laga doonayo inay muddo kooban wax kaga qabtaan xaaladda Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inay la wareegayso guud ahaan gacan ku haynta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay hadda kaga sugan tahay qayb yar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Munaasibad lagu xusayay maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)
25/02/2010 9:15 AM EST

Khamiis, 25 February 2010 (HOL)-Xuska maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo ku beegan berry oo Jimce ah, kana qayb galeen masuuliyiin sarsare oo ka socda Qolayaasha Dawladda Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Ururka Ahlusunna oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay dagaalka kula jiraan
25/02/2010 8:35 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula jira Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan kooxahan.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha SHARMOC oo dal badalay in shuruud la'aan lagu sii daayo wariyaha lagu haystso Soomaaliya
25/02/2010 8:34 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa xariga iyo Afduubka Al-Shabaab kula keceen weriyaha Idaacadda Somaliweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose Md. Ali Yuusuf Aden oo taariikhdu markii ay ahayd 21/02/2009 ay ka qabteen degaanka Wanlaweyn.
Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Calaamiga Soomaaliya oo sheegay in lacagta cusub ee loo sameynayo Soomaaliya aanu xilligeeda dhaweyn
25/02/2010 4:04 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in lacagta loo sameynayo dowladda Soomaaliya xilligeedu uusan dhaweyn.
MADOOBE NUUNOW MAXAMED: "Dastuurka loo sameynayo dalka waxaa asal u noqon doona fikiradaha shacabka, waxaana la waafajin doonaa diinta Islaamka"
25/02/2010 4:01 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya ay asal u noqon doonaan fikiradaha shacabka oo la ururiyay.
Midowga Yurub oo isku raacay in burcad badeedda Soomaaliya lagula dagaallamo xeebaha oo ay sheegeen inay yihiin saldhigyadooda
25/02/2010 4:01 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Midowga Yurub oo shir ku yeeshay Magaalad Mallorca ee dalka Faransiiska ayaa isku raacay in la xoojiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaaliya.
Golaha Dhaqanka iyo Midnimad Beelaha Hawiye oo sheegay inay ku guuldareysteen sii daynta Lamaanaha u dhashay dalka Ingiriiska
25/02/2010 3:59 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ka dhawaajiyay in kooxaha gacanta ku haya labada qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ay diideen waanwaan ay doonayeen inay kaga sii daayaan lamaanahaas.
Xildhibaan ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay ku guuldareysatay inay fuliso hadafyadii loo dhisay
25/02/2010 3:56 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xukuumaddu inay ku guuldareysatay inay fuliso hadafyadii loo dhisay oo ay ka mid tahay dhaqangelinta dastuurka Federaalka ah.
Maamulka Puntland oo la sheegay in la Taageerayo Kor u qaadista Tayada Waxbarashada
25/02/2010 3:54 AM EST

Khamiis 25, Feb 2010 (HOL)Madaxda Wasaarada Waxbarashada ee Puntland iyo hayado Waxbarashada Qaabilsan oo shalay Galinkii danbe kulan ku qaatay magaalada Garowe ayaa ka wada hadlay Halka ay marayaan hawlaha waxbarasho ee Puntland.

 
Puntland Guards Beat Journalist inside Courtroom  -NUSOJ  

25/02/2010 2:23 PM EST  
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is angered by the beating, by the court guards, of a local journalist inside the high court in Bosaso town, the commercial hub of the semi-autonomous regions of Puntland.

Somali journalists face death threats, kidnappings  -AP  

25/02/2010 1:00 PM EST  
NAIROBI, Kenya -- Islamist insurgents blindfolded journalist Ibrahim Mohamed Hussein, tied his hands behind his back and ordered him to face Mecca. Then a man put a knife to his throat.

Minister visits East End Somali centre helping migrants integrate  -EastLondon  

25/02/2010 12:52 PM EST  
SOMALI community leaders met the Government's Charities Minister Angela Smith at their new centre in London's East End this-afternoon.

Somali pirates seize Indian-manned ship: watchdog  -AFP  

25/02/2010 8:33 AM EST  
NAIROBI (AFP) - Somali pirates have hijacked a small cargo ship with a crew of nine Indians, an NGO monitoring maritime activity in the region said Thursday.

Somalia can handle more funds directly: AU  -Reuters  

25/02/2010 8:22 AM EST  
NAIROBI (Reuters) - Somalia has made progress restoring state institutions and accountability and its administration can now handle more funds directly, the African Union's deputy head of mission to Somalia said.

K'naan's song goes global  -GlobeandMail  

25/02/2010 12:14 AM EST  
It was a warm, wet night in Manhattan in 2006, and K’naan was taking a walk alone, trying to shake off some disturbing news. It might have been something immediate, or perhaps something that had happened in Somalia,

Alta. homicides worry Somali-Canadians  -CBC  

25/02/2010 12:01 AM EST  
Members of Toronto's Somali community are concerned after two Somali-Canadian men were murdered in northern Alberta last week.

The Somali community needs to learn to deal with the reality of Mental illness  -BSMG  

24/02/2010 11:30 PM EST  
Mental health is a very real and difficult issue which many in society face. Mental health concerns how those with mental illness think, feel and consequently behave. According to the National Health Service (NHS) of Great Britain one in four people in the UK have a mental health problem at some point in their lives that affects their daily life, relationships or physical health.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com