Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula jira Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan kooxahan.
Madaxa Dacwadda ee Ahlusunna Sheekh Aadan Qudubi oo maanta kula hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay in ururkooda uu xoojin doono dagaallada uu ku jiro.
Mudaaharaadyo lagu weynaynayo maalinta dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) ayaa ka dhacay maanta degmooyinka Gobolka Galguduud oo ay gacanta ku hayaan Ururka Ahlusunna Waljamaaca.
Afhayeenka guddiga loo saaray inay soo diyaariyaan qaabka loo xusayo Nebiga sannadkan oo ay saraakiisha ururkaaan sheegeen inuu ka weynaan doono sidii hore Sheekh Cusmaan Yuusuf Cali ayaa isaguna sheegay in xafladaha ugu waaweyn ay ka dhici doonaan Gobolka Galguduud.
Sheekh Aadan Qudubi wuxuu sidoo kale sheegay in ururkooda uu sannadkan la wareegi doono inta badan Gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay hadda gacanta ku hayaan Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
Dhanka kale, Xarrakada Al-shabaab ayaa Muqdisho ka furtay aqoon-isweydaarsi looga hadlayo xuska dhalashada Nebiga iyagoo ku tilmaamay in xaflado loo sameeyo bidco aan diinta Islaamka wax shuqul ah ku lahayn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya