Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa xariga iyo Afduubka Al-Shabaab kula keceen weriyaha Idaacadda Somaliweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose Md. Ali Yuusuf Aden oo taariikhdu markii ay ahayd 21/02/2009 ay ka qabteen degaanka Wanlaweyn.
Weriye Ali Yusuf Aden ayaa sida ay inoo xaqiijiyeen Madaxda Idaacadda Somaliweyn ee uu ka howl geli jirtay waxaa loosoo gudbiyey xabsiga Magaalada Marka, ilaa iyo haddana ma jirto wax Maxkamad ah oo Lasoo taagay, waxaa kaloo aan loo ogolaanin in Dhibane Ali Yusuf uu qabsado qareen u dooda ama uu la xariiro Ururada Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Qaanuunka ee Somalia.
Ururka Al-Shabaab ayaa xarigga weriye Ali Yusuf ku saleeyey in uu Gobalka ka sameeyey warar aan dhab ahayn waa sida hadalka ay u dhigeene, waxaase arrintaas gaashaanka u daruuray Madaxda Idaacadda Somaliweyn oo sheegay in weriye Ali uu ahaa Saxafi ka adag shaqadiisa isla markaana ilaaliya Anshaxa iyo Xaqiiqda Warka uu usoo gudbinayey Shacabka Soomaaliyeed.
Weriye Ali Aden ayaan loo ogolaanin in ay arkaan eheladiisa, waxaanan war laga hayn xaaladdiisa Caafimaad, waxaana Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee Sharmoc uu ka dalbanayaa Ururka Al-Shabaab in ay si shuruud la’aan ah kusii daayaan weriye Ali Aden, ilaaliyaanna Madax Banaanida Saxaafadda iyo Xuriyadda hadalka.
Afduubka iyo Xarigga loo gaystay Weriye Ali Yusuf Aden ayaa ah mid kasoo horjeeda Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha qodobkiisa 19-aad ee Caddeynaya Xurriyadda Hadalka iyo qodobka 3-aad ee isla baaqaas ee dhigaya in qof walba Xaq u leeyahay nolol iyo Ammaan, waxaa sidoo kale Xarigaan uu ka hor imaanayaa Shareecada Islaamka ee Kafaala qaaday Xuriyada Hadalka joojisayna isku xadgudubka iyo dhaqanka wanaagsan ee Somalida oo weriyeyaasha kamid dhiga indhaha Umadda iyo horjoogayaasha Shacaka Somalida.
Ugu dambayntii Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) Waxa uu ugu baaqayaa Ururka Al-Shabaab in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usiidaayaan Mudane Ali Yusuf Aden dibna usiiyaan Xurriyad Buuxda, waxaana Al-Shabaab iyo dhamaaan dhinacyada kale ee Maamula qaybaha Dalka looga digayaa Cawaaqib xumida ka dhalata beegsashada Saxaafadda iyo weriyeyaasha taasoo kamid ah dembiyada aan la ogolayn .
Wabilaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan Gacal
Madaxa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)
London, UK; Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com