Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya ay asal u noqon doonaan fikiradaha shacabka oo la ururiyay.
Madoobe Nuunow oo wareysi siiyay Idaacadda Hornafrik ee Muqdisho ayaa sheegay in la diyaariyay qaab-dhismeedka dastuurka cusub, lana doonayo in la waafajiyo diinta Islaamka.
"Dastuurka cusub ee dalka loo dajinayo waa mid asal ahaan ka imaanaya shacabka Soomaaliyeed, maadaama iyaga lagu xukumayo, waxaana lagu saleyn doonaan diinta Islaamka" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.
Wasiirku wuxuu sheegay in dastuurka sababta loo waafajinayo diinta Islaam ay tahay iyadoo dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad Islaam ah, sidoo kalena ay dowladdu qaadatay inay dalka ku maamusho diinta Islaamka.
"Qof walba oo Soomaali ah, dalka iyo dibaddiisa meeshuu doono haku sugunaadee waxaa laga doonayaa inuu fikirkiisa kusoo biiriyo dastuurka cusub, waxaana lagu soo diri karaan E-mailo" ayuu yiri Wasiirka.
Dastuurka cusub ayaa noqonaya mid Federaal ah, oo lagu baahin doono dalka oo dhan, iyadoo marka la dhameystiro dajintiisa codka looga qaadi doono shacabka Soomaaliyeed sida uu wasiirku ka dhawaajiyay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay awoodi waday inay ku hirgeliso dastuurka cusub ee Federaalka muddo hal sano ah, taasoo ku qeexan dastuurka dalka hadda u yaalla.
Wasiirka ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo guddiga dastuurka iyo federaalka Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay shir ka yeeshay qaabka ugu wanaagsan ee lagu sameyn karo dastuur waafaqsan diinta Islaamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya