Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Midowga Yurub oo shir ku yeeshay Magaalad Mallorca ee dalka Faransiiska ayaa isku raacay in la xoojiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaaliya.
Wasiirradu waxay isku raaceen in burcadbadeeda Soomaaliya lagula dagaalamo xeebaha ku dhow barriga iyo in Maraakiibta dagaalka la geeyo meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya halkaasoo ay kasoo duulaan tagaan burcadbadeeddu.
Qoraal-saxaafadeed laga soo saaray shirka Wasiirrada Difaaca dalalka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in howshan cusub ee la dagalaanka burcadbadeedda ay iska kaashan doonaan NATO iyo dalalka kale ee calaamka, lana bilaabil doono bisha soo socota.
Wasiirka Gaashaandhigga dalka Spain oo guddoominayay shirkan ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid wax weyn ka badali doonta dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedu ay ka wadaan xeebaah Soomaaliya, gaar ahaan afduubka Maraakiibta.
"Fulidda go'aannada aan ku gaarnay shirkan ee ah in laga hortago burcadbadeedda waxay ku xiran tahay sida aan howsha u fulino, una ciqaabno burcadda aan qabanno" ayuu yiri Wasiirka Difaaca dalka Spain Carme Chacón.
Go'aannada shirka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa in la adkeeyo heshiiska lala galay dalalka Kenya iyo Seychelles ee ku aaddan in burcadbadeeda la qabto lagu maxkamadeeyo dalalkooda laguna xiro.
Taliyaha ciidamada NATO ee ku sugan biyaha Soomaliaya Admiral Peter Hudson oo shirka goobjoog ka ahaa ayaa soo dhaweeyay go'aankan, isagoo ku tilmaamay mid horumar leh oo lagula dagaalamayo burcadbadeedda.
Wasiirrada Midowga Yurub waxay isku raaceen in la kordhiyo diyaarado kuwa wax basaasa ah howlgalka ay ciidamada badda ee NATO ka wadaan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.
Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay tababarka ay ciidamada Midowga Yururb ku siinayaan ciidamo Soomaali ah dalka Uganda, iyagoo isku raacay in tababarrada ciidamada Dowladda Soomaaliya la badiyo.
"Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee tababarrada aan siinno waa inaan qabaleyno si ay xukuumada dalkaas ka jirta ugu guulaysato inay soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga dalka Spain Carme Chacón.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya