Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xukuumaddu inay ku guuldareysatay inay fuliso hadafyadii loo dhisay oo ay ka mid tahay dhaqangelinta dastuurka Federaalka ah.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in dowladdu ay u baahan tahay inay kalsooni ay ku shaqeyso weydiisato Baarlamaanka, maadaama ay sannadkii ay jirtay ku hirgelin wayday Dastuur badala dastuurkii oo Federaalka ah.
"Waxaa ku qoran dastuurka hadda u dagsan dalka in Dowladdu haddii ay ku hirgelin waydo muddo hal sano Dastuur cusub oo uu dalku yeesho oo Federaal ah inay u baahan tahay kalsooni inay weydiisato Baarlamaanka" ayuu yiri Xildhibaanka.
Mudanaha wuxuu sheegay in dib u dhaca fadhiyada baarlamaanka ay mas'uul ka tahay dowladda oo uu sheegay inay doonayso inaan lala xisaabtamin, balse ay iyagu la xisaabtamayaan ayna u sheegayaan inay kalsooni soo weydiisato baarlamaanka.
"Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa diyaarinaya Mooshin ka dhan ah DFKMG ah kaasoo lagu caddeynayo inay tahay mid aan sharci ahayn maadaama ay ku guulaysan waday inay Dastuur Federaalka ah dajiso" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf.
Sidoo kale xildhibaanku wuxuu sheegay in baarlamaanka ay horyaallaan ajadayaal badan oo ku aadan la xisaabtanka Dowladda, ayna diyaar u yihiin mudanayaashu inay ka doodaan markii ay fadhiyada baarlamaanku furmaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay markii uu u dabbaaldagayay sannadguuradii kasoo wareegtay markii uu xilka Madaxweynenimo qabtay in dowladdiisu ay salka dhulka la raadinaysay sannadkii ay jirtay, ayna qaban doono wixii hadda ka dambeeya howlaha horyaalla.
Xildhibaankan ayaa sheegay in dowladdu haddii ay kalsoonida weydiisan waydo baarlamaanka ay dhacayso, iyadoo aanay wax jawaab ah aysan Madaxda dalka ugu sarreysa ka bixin hadalkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya