Khamiis 25, Feb 2010 (HOL)Madaxda Wasaarada Waxbarashada ee Puntland iyo hayado Waxbarashada Qaabilsan oo shalay Galinkii danbe kulan ku qaatay magaalada Garowe ayaa ka wada hadlay Halka ay marayaan hawlaha waxbarasho ee Puntland.
Waxaa kulankaasi Maamulka u Matalayay wasiirka Waxbarashada Puntland C/Faarax Juxa ,Waxaana inta badan ay isla soo qaadeen dhaliilo ka jira Puntland oo ku aadan dhanka Waxbarashada.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay isla gaareen qodobo Muhiim ah ,kuwaasi oo kor loogu qaadayo Waxbarashada Puntland,si loo kordhiyada tayada Iskuulaadka ku yaala Meelo ka mid ah Puntland.
Waxaa kaloo Wasiirka uu sheegay in laga wada hadlay Waxyaabihii Qabsoomay Sanadkii tagay ee 2009 ,Waxaana uu intaa ku daray in dugsiyada loo samayn doono Manhaj Midaysan.
C/Faarax Juxa Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu jeediyay hadalo Muhiim ah oo ku aadan in Puntland laga taageero Waxbarashada,Waana Kulankii labaad oo uu Maamulka la qaato hayadaha Muddo labo asbuuc gudaheed ah.
Sidoo kale Waxaa la sheegay in Kulan ay ka qayb galeen hayado Dawli ah oo dhanka Gar gaarka ah sida WFP ,WHO ,kuwaasi oo Puntland taageeri doona waqtiyada soo socda.
Ugu Danbayntii Maamulka Wasaarada Waxbarashada ee Puntland ayaa laga sugayaa war qoraal ah oo oo ku aadan Heshiiski ay la qaateen hayadaha ,kaasi oo intiisa badan ku saabsnaa waxbarashada Puntland.
Faisel Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online
boston@hiiraan.com
Boosaaso,Soomaaliya