Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inaysan gobolkaas u magacaabin cid aysan raalli ka ahayn.
Waxgaradka kulanka yeeshay ayaa waxay kasoo jeedaan beelaha Digil, Mirifle, Jareer, Biyomaal iyadoo mas'uul ku hadlay afka odayaasha kulanka yeeshay uu sheegay inay ka dalbadeen Madaxda Dowladda inaysan maamul iska magacaabin.
Malaaq Max'ed Axmed Yarow (Joobane) oo kulanka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkooda ay kasoo saareen baaq ku aaddan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, kaasoo ah inaysan Gobolkaas u magacaabin ruux aanay dadka Gobolkaas daga raalli ka ahayn.
"Dowladda Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa inaysan u magacaabin Gobolka Shabeellada hoose ruux aan raalli laga ahayn, haddii la doonayo in maamul loo sameeyo waa in lagala tashado waxgaradka" ayuu yiri Malaaq Axmed Joobane.
Hadalka Waxgaradkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu u magacaabo Gobolkaas maamul uu horkacayo C/qaadir Sheekh Max'ed Nuur oo horay u ahaa guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose.
Odayaasha ayaa waxay hadalkoosa kusoo beegeen iyadoo dhawaan Madaxweyne Sheekh Shariif uu maamul u magacaabay Gobolka Shabeellada dhexe, kaasoo ay ka horyimaadeen magacaabiddiisa maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee laga saaray halkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya