Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Qarax maanta ka dhacay degmada Xamarjajab ee Muqdisho oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Inta la hubo hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxa waxaana ku dhaawacmay 6-askari oo la socday gaariga qaraxa lala helay oo noociisu ahaa Runet, iyadoo wararku ay sheegayaan in haweeney qaraxaas hagaysay la qabtay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in miinada oo ahayd nooca meelaha fog laga hago ay dhexqaraxday meel qashin uu yaallay, ayna gaariga khasaare xooggan u geysatay, waxaase Xarrakatul Shabaab ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen inay ku dileen qaraxaas 6-qof.
"Qaraxa wuxuu ahaa mid laga gaaray hadafkii laga lahaa, waxyeello xooggan loogu geystay maleeshiyadii lala beegsaday" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska wafaafinta ee Xarrakatul Shabaab ay ku leedahay Muqdisho.
Dhaawacyada qaraxii ka dhacay degmada Xamarjajab ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamada dowladda, iyadoo qofkii rayidka ahaa ee ku dhintay oo wiil ahaa isna ay goobta ka qaadeen ehelladiisa.
Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo dowladda iyo xoogagga kasoo horjeeda ay diyaar-garow dagaal ka wadaan Muqdisho, koox walbana ay ku goodinayso inay kooxda kale ka adkaan doonto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya