SomaliVOA
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2010

 

Guddida Doorashada Somaliland oo ka hadlay hawlaha diyaar-garowga Doorashada dhawrka mar ee hore baaqatay  


Arbaco, 10 February 2010 (HOL)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Somaliland iyo tallaabada ay ka qaadeen agabka kala-shaandhaynta Liiska cod-bixiyayaasha ee hore uu uga dhashay khilaafkii siyaasadeed ee Somaliland waajahday sanadkii tegay ee 2009.

 

Afhayeenka Gudidda Doorashada Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo Shir-jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in khubaradii kala-shaandhaynta Liiska cod-bixiyayaasha Doorashadu ay dalka yimaadeen, isla markaana ay bilaabeen hawsha kala-shaandhaynta oo ay hore uga dhalatay khilaaf saameeyay guud ahaan Somaliland, taas oo uu xusay inay qaadan doonto muddo saddex bilood ah.

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha diyaar-garowga Doorashada, waxa uu sheegay inay maanta 7-da xubnood ee Guddidani u kala amba-baxayaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. “Waxaanu u kala amba-baxaynaa gobollada dalka, si aanu u soo samayno guddidii gobollada ee Doorashada.” Ayuu yiri Geelle, waxaanu intaa raaciyay oo uu yiri, “Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in aanu qaadanay shaqaale tiradoodu dhawr iyo toban qof yihiin oo aqoon iyo khibrad badan leh.”

 

Waxa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo celiyay xogtii Diiwaangelinta oo hore loogu qaaday magaalada Nairobi,  taas oo uu tilmaamay inay hadda gacanta ku hayaan. “Xogtaas waanu haynaa, waxaana naloo soo gudbiyay iyaga oo ay goob-joog ka yihiin Axsaabtu.” Ayuu yiri Afhayeenku.

 

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenku waxa ka mid ahayd arrinta ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta, taas oo uu sheegay in ay si guud u shaacin doonaan oo ay Bulshada u gudbin doonaan. Waxaanu intaa ku daray in ay maanta u amba-baxayaan gobollada dalka, si ay u soo dhisaan guddidii gobollada ee Doorashada.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland.




WASIIR DAWLAHA ARIMAHA GUDHAHA EE DAWLADA SOMALIYA MUDANE ABDIRASHID MOHAMED XIDIGOO BOQASHO KU YIMID MAGAALADDA COLUMBUS EE GOBOLKA OHIO.
10/02/2010 5:52 PM EST

Sabti, Feb.6,2010 Columbus, Ohio (HOL): Xaflad soo dhaweeyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda Ohio State University iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee Columbus ayaa si wada jir ah ugu soo dhaweeyay magaaladda Columbus wasiir dawlaha arimaha gudaha ee dawladda Somalia mudane Abdirashid Mohamed Xidig
Duqeyn loo geystya Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Dad rayid ah
10/02/2010 11:13 AM EST

Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Ku dhawaad 10-qof ayaa ku dhintay madaafiic ku dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 37-qof.
Xawaaladda Amal Express xarunteeda Kismaayo oo dib loo furay kaddib hal maalin oo ay xirnayd
10/02/2010 11:13 AM EST

Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Waxaa maanta caadi ku soo noqday howlihii shaqo ee xawaalada amal express xarunteeda kismao kadib markii maalinimadii shalay ahayd uu maamulka ka arimiya magaalada amar ku siiyay masuuliyiinta shirkada amal express in ay xiraan shirkadaasi ilaa iyo amar dambe.
SHIIKH C/LLAAHI CALI BARKHADLLE :- Kama warqabo xilka leygu magacaabay ee ah Wakiilka Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballka Hiiraan, mana doonayo in aan ku biiro Siyaasadda.
10/02/2010 11:12 AM EST

Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Shiikh C/llaahi Cali Barkhadlle oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Dariiqada Suufiyada ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamay Wareysi BBC-du la yeelatay mid ka mid ah mas'uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in Shiikh C/llaahi Cali Barkhadlle yahay Wakiilka Ahlu Sunna ee Goballka Hiiraan.
Dagaal dhexmaray ciidamo booliis iyo Mileteri ah oo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay
10/02/2010 7:44 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Iskool Bolisiyo ayaa sababay inay dhintaan ugu yaraan 3-askari, ayna ku dhaawacmeen saddex kale.
Waxgaradka Gobolka Sh/Hoose oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday inaysan gobolkaas u magacaabin cid aysan raalli ka ahayn
10/02/2010 7:44 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inaysan gobolkaas u magacaabin cid aysan raalli ka ahayn.
Xarrakada Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda Qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya
10/02/2010 7:43 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Qarax maanta ka dhacay degmada Xamarjajab ee Muqdisho oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
AFHAYEENKA ALSHABAAB EE JUBBOOYINKA :“Qorigii kasoo dhaca dhanka kenya wuxuu furi doonaa dagaal u dhexeeya mujaahidiinta iyo Kenya"
10/02/2010 6:42 AM EST

Arbaco, February 10, 2010(HOL): Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacuuq Cali ayaa waxa uu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada iyo xiisadaha colaadeed ee muddooyinkii ugu danbeeyay ka jiray xadka soomaaliya ay kala wadaagto Kenya gobolka j/hoose.
Dowladda dalka Yemen oo xabsiga u taxaabtay 253 tahriibayaal ah labadii maalmood ee lasoo dhaafay
10/02/2010 3:08 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay 253-qof oo tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasoo laga qabqabtay gobollo kala duwan.
Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afirca oo sheegay in ay taageero hoose siinayaan Dowladda Soomaaliya
10/02/2010 3:08 AM EST

Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Africa Ninka lagu magacaabo Wilyam Weel oo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Midowgga Afirca ayaa sheegay in ay gacan hoose ka siinayaan Dowladda Soomaaliya dib u hanashada Amaanka guud ahaan dalka Soomaliya.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo sheegay inay u diyaargaroobeen dagaallo ay la galaan Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Ciidamada AMISOM
10/02/2010 2:39 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ahna Madaxa wafaafinta Sheekh Xasan Yacquub Cali oo wareysiyo isku mid ah siiyay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen ka urur ahaan dagaal ay la galaan Dowladda Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Xukuumadda Kenya.
Wasiirka Jaaliyadaha Soomaaliya oo sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay kala hadleen dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed
10/02/2010 2:37 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadaha Soomaaliya C/llaahi Axmed C/lle (Azhari) oo dhawaan safar ku tagay dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay dowladda dalkaas kala hadleen dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaalida ah.
Taliska Booliska Gobolka Mudug oo soo bandhigay qaar ka mid ah walxaha qarxa oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Gobolka
10/02/2010 2:36 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamada amaanka magaalada Galkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah walxaha qaraxa oo la dhigay Meel ku dhow saldhiga ciidanka Boliska ee gobolka Mudug.
Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo xalay gaaray Magaalada Muqdisho iyo diyaargarow dagaal oo la dareemayo
10/02/2010 2:30 AM EST

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ka tageen gobollada Koonfureed.
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magaca Sarkaal Ajnabi ah oo ay sheegtay in ay ku dishay magaalada Muqdisho.
10/02/2010 2:29 AM EST

Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya oo dhawaan sheegtay in ay magaalada Muqdisho ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxaha ka soo horjeeda gaar ahaan Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horeysay shaacisay magaca Shaqsiga la dilay iyo darjadiisa.
Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland oo eedayn u jeediyay Wasiir Xukuumadda ka tirsan
10/02/2010 2:27 AM EST

Arbaco, 10 February 2010 (HOL)- Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa eedayn u jeediyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ay sheegeen in uu ka baxay ballamo uu hore u qaaday oo ahaa in uu Guddidan hor yimaaddo.

 
Somali immigrant will challenge Kline for GOP nomination  -Politics in Minnesota  

10/02/2010 4:39 PM EST  
U.S. Rep. John Kline has drawn a challenger for the Republican nomination. The Faribault Daily News reports that Mahamoud Wardere intends to run against the four-term incumbent in the 2nd Congressional District.

Baird heads to Ethiopia to lobby for Canadian man's release  -Ottawa Citizen  

10/02/2010 4:10 PM EST  
OTTAWA — Federal Transport Minister John Baird is making a lightning trip to Ethiopia Wednesday to personally make the case for the release of Canadian businessman Bashir Makhtal.

.S. Raises Funds for Banadir University Recovery  -USEmbassy  

10/02/2010 11:00 AM EST  
The Somalia Unit at the United States embassy in Nairobi hosted a fundraiser for Banadir University on the evening of February 9.

Somalia's Shebab warn Kenya over planned onslaught  -AFP  

10/02/2010 10:43 AM EST  
NAIROBI (AFP) - Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab warned Kenya on Wednesday against providing military assistance to the Mogadishu government for a planned massive nationwide offensive against the militia.

Somali clashes kill 24, thousands flee capital  -Reuters  

10/02/2010 10:40 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Violence in Mogadishu killed at least 24 people on Wednesday, and thousands of Somalis fled the capital fearing a government offensive against rebels.

Rebels 'pour into Somali capital'  -BBC  

10/02/2010 7:52 AM EST  
Hundreds of Somali insurgents loyal to Islamist group al-Shabab have poured into Mogadishu, witnesses say, amid expectations of a major battle.

Residents flee Mogadishu  -AFP  

10/02/2010 6:53 AM EST  
Mogadishu - Hundreds of Mogadishu residents were fleeing the war-ravaged city Wednesday, ahead of a large offensive Somalia's government has promised against the insurgents to wrest back control of the country.

Some 17 000 migrants flee to SA annually  -African News  

10/02/2010 6:51 AM EST  
At least 17 000 illegal migrants from the Horn of Africa flee to South Africa every year, most of them transiting through Kenya, a senior UN official said.

AFRICOM Chief Offers Support to AU Security Goals  -VOA  

10/02/2010 3:15 AM EST  
The United States military command for Africa, known as AFRICOM, is offering enhanced support for African Union peace and security initiatives. The commander, General William Ward, hailed Ethiopia's decision to supply badly-needed helicopters to the joint AU/United Nations peacekeeping mission in Darfur.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com