Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadaha Soomaaliya C/llaahi Axmed C/lle (Azhari) oo dhawaan safar ku tagay dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay dowladda dalkaas kala hadleen dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaalida ah.
Wasiirku wuxuu sheegay inuu lasoo kulmay Soomaalida ku nool dalkaas, isagoo xusay inuu u soo sameeyay guddi u dhexeeya dowladda iyo dadka Soomaalida ah, si wax looga qabto dhibaatooyinka ay ku hayaan dad uu ku sheegay wax magarad.
"Dadka dhibaatooyinka ku haya ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika waa kuwo wax-ma-garad ah, dowladduna waxay ii sheegtay inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri C/llaahi Azhari.
Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in ganacsatada Soomaalida ah ay dhibaatooyin ku qabaan kooxo hubeysan oo qowlaysato ayna u geystaan dil iyo boob xoogan, taasna ay doonayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo.
"Guddiga aan u sameynay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay dadka aan afka aqoon ugu noqon lahaayeen turjumaan iyo inay dowladda u gudbiyaan dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada" ayuu yiri Wasiirka Jaaliyadaha Somalia.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan ganacsato badan oo Soomaali ah, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwan kala kulma kooxo burcad ah oo hubeysan, waxaana la dilay dalkaas tan iyo markii ay Soomaalidu bilowday inay tahay boqolaal qof.
Wasiirku wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dalkaas ka jira aysan ku koobnayn Soomaalida oo keliya, balse jaaliyadaha kalena loo geysto, isagoo xusay in sidoo kale ay kala hadleen dowladda Koonfur Afrika in la sii daayo Soomaalida xirxiran.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya