Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ka tageen gobollada Koonfureed.
Ciidamadan oo watay gaadiid dagaal iyo kuwo kale oo xamuul ah ayaa waxay mareen jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ka mid yihiin Takbiirta.
Boqolaal qof oo ka mid ah barakayaasha ku sugan deegaannada loo barokaca ayaa daawasho ugu soo baxay dhinacyada jidka dheer, iyadoo qaarkood ay si hoose uga sheekeysanayeen ciidamada ku qulqulaya Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda, kuwaasoo sababay inay dad badan uga barakacaan Magaalada, si ay uga nabadgalaan dagaalladaas.
Saraakiil ka tiran Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxay shaaciyeen inay diyaar u yihiin inay weerarrada kaga hormaraan dowladda, iyagoo xusay inay heleen xogo ku saabsan qaabka ay dowladdu doonayso inay ku dgaal-gasho.
"Waxaan rajeynaynaa inaan ka adkaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda haddii ay isku dayaan inay weerarro kusoo qaadaan goobaha aan kaga suganahay Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Max'ed Cismaan Caruus oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xisbul Islaam.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa isaguna sheegay inay fashilin doonaan dagaalka ay dowladdu ku doonayso inay ku qabsato Muqdisho oo dhan, ayna rumeysan yihiin inay ka awood badan yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa inay awood kaga saarayso Muqdisho iyo Gobollada dalka kooxaha dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo gacanta ku haya Gobollada koonufeed iyo inta badan Magaalada Muqdsiho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya