Hiiraan Online
May-21-12
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
Facebook
Twitter
Wararka Maanta-
Jimco, Sept 4 , 2009
Dowladda Uganda oo ciidamo dheeraad ah u dirtay Soomaaliya, kuwo kalena ka qaadatay
Wasiirka Difaaca Uganda Crispus Kiyonga, bidix, oo calanka Uganda ku wareejinaya Col. Tumusime Kasigazi, midig, oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee Soomaaliya jooga, Friday, Sept. 4, 2009, goobtuna waa Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee Magaalada Kampala/
SAWIRKA: AP
Jimco, September 04, 2009(HOL): Dowladda Uganda ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay Soomaaliya, iyadoo ciidamadaasna ay xoojinayaan Ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya, kuwaasi oo difaaca Dowladda Soomaaliya.
Ciidamo cusub oo ka socda Dowladda Uganda ayaa maanta ka soo duulay Garoonka Entebbe ee Dalka Uganda, waxayna soo gaareen Magaalada Muqdisho. Dowladda Uganda ayaa waxaa horay uga joogay Magaalada Muqdisho ciidamo ku dhow 3000 oo askari, kuwaasi oo magaca Amisom uga howlgelaya Soomaaliya.
Ciidamada ay Dowladda Uganda oo u dirtay Soomaaliya oo ahaa battalion-kii afaraad ayaa wuxuu bedelayay battalion kale oo isla dib ugu noqonayay Dalka Uganda, waxaana ciidamada soo aadayay Soomaaliya soo sagootiyay, isla markaana kuwii ka tegayay soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Crispus Kyonga.
Soo dirista Ciidamadan cusub ee Dowladda Uganda ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dowladaha Uganda iyo Burundi ay ka ballanqaadeen Shirkii aan caadiga ahayn ee maalmo ka hor ka dhacay Dalka Liibiya in ay kordhinayaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya.
Marka la isku daro Ciidmada Dowladaha Uganda iyo Burundi ka jooga Soomaaliya ayaa waxay ku dhow yihiin tiradii uu Midowga Afrika horay ugu ballanqaaday Soomaaliya taasi oo ahayd 8000 oo Askari oo nabad ilaaliyayaal ah.
Waxaa jira warar sheegaya in marka Ciidamada Amisom la soo kordhiyo oo la gaarsiiyo ilaa 8000 oo askari in waajibaadka loo bedeli doono, isla markaana halka ay haatan ka yihiin nabad ilaaliyayaal, laga dhigi doono nabad dhaliyayaal.
Dowlado kale oo Afrikaan ah oo Ciidamo laga sugayay ayaan weli soo dirin ciidamadooda, waxaana ka mid ah Nigeria, Jibouti, Malawi iyo Ghana, inkastoo ay qaarkood sheegeen in ay u baahan yihiin kharashkii iyo qalabkii ay ciidamada ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogto ah dagaallo ugu qaada xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya iyo weliba Dowladda Soomaaliya ee ay difaaca u yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Xafiis gaar ah ka furanayso Hargeysa (DAAWO SAWIRADA)
04/09/2009 4:23 PM EST
Jimco, 4 September 2009 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa kulan la yeeshay Wefti ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Charles Betrie. Waxaanay ka wada hadleen arrimo khuseeya Siyaasadda Somaliland iyo xidhiidhka ay Qaramada Midoobay la leedahay.
Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Hoggaamiyaha Kooxda Al-Shabaab
04/09/2009 1:03 PM EST
Jimco, 4 September 2009 (HOL): Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa jawaab ka bixiyay farriin cod ah oo Hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Al-shabaab uu ku naqdiyay siyaasada xukuumada Somaliland.
Maamulka Gobolka Banaadir oo ku goodiyay in magaalada Muqdisho laga sifeynayo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya
04/09/2009 8:59 AM EST
Jimco, September 04, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka sifeyn doonto kooxaha ka soo horjeeda.
Madaxweynaha Talyaaniga oo si rasmi ah uga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
04/09/2009 7:36 AM EST
Jimco, September 04, 2009(HOL): Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday Degmada Xarar-Dheere
04/09/2009 6:54 AM EST
Jimco, September 04, 2009(HOL): Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamaya deegaannada hoosyimaada Degmada Xarar-Dheere in ay dagaalka joojiyaan.
Dowladda Masar oo Deeq Dawo ah soo gaarsiisay Dowladda Soomaaliya
04/09/2009 6:51 AM EST
Jimco, September 04, 2009(HOL): Dowladda Masar ayaa deeq dawo ah soo gaarsiisay Dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqdaasna ay shalay si rasmi ah ugu dhacday gacanta dowladda Soomaaliya.
Darawallada Gaadiidka Dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ka cabanaya Godad laga qoday qeyb ka mid ah Waddada Warshadaha
04/09/2009 6:48 AM EST
Jimco, September 04, 2009(HOL): Darawallada Gaadiidka Dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho ayaa waxay ka cabanayaan jidgooyooyin laga sameeyay qeybo ka mid ah Waddada Warshadaha.
Somali News
SRSG welcomes UNPOS visit to Somaliland
-
UNPOS
04/09/2009 1:29 PM EST
Nairobi, 4 September 2009 – A delegation from UNPOS, led by the UN Deputy Special Representative for Somalia Charles Petrie, visited Somaliland this week to meet officials, with a focus on the continued and strengthened engagement of UNPOS in Somaliland.
Italian President accepts credentials from Somalia's new Ambassador
-
HOL
04/09/2009 1:23 PM EST
Italian President Mr. Giorgio Napolitano has accepted diplomatic papers from Somalia’s new Ambassador Mr. Nur Hasan Hussein (Nur Ade).
Ship from Bermeo, Biscay, escapes pirate attack in Somalia
-
eitb
04/09/2009 10:00 AM EST
A vessel from Bermeo, a fishing town in the coast of Biscay, Basque Country, managed to avoid an attack of Somali pirates when it was 495 miles off the coast of Somalia. As the skipper of the ship Alakrana said, they could escape thanks to bad weather conditions and the fact that the crew had already picked up the nets.
Government adds voice to drought appeal
-
IRIN
04/09/2009 9:52 AM EST
NAIROBI, 4 September 2009 (IRIN) - Thousands of drought-affected people in Somalia’s central and southern regions need urgent help after losing most of their livestock, the economy’s mainstay, Sheikh Abdulkadir Ali Omar, the Interior Minister, told IRIN.
Beating all odds, refugee girl shines at school
-
WFP
04/09/2009 9:48 AM EST
As teenagers around the world think glumly about the return to school, there's one in Kenya who sees her return as a triumph. And it is. After being raised in the world's largest refugee camp, Fatuma Omar beat the odds to win a scholarship to Nairobi's best girls' school. Watch video
Al Qaeda-Linked American Terrorist Unveiled, as Charges Await Him in U.S.
-
FOX
04/09/2009 9:45 AM EST
A week after the 9/11 attacks, a young Muslim at South Alabama University told the school's newspaper it was "difficult to believe a Muslim could have done this."
Clear and present danger from Somalia
-
Standard
04/09/2009 12:53 AM EST
The threat of the fighting in Somalia spilling over into Kenya continues to build up as militias extend tentacles into North Eastern Province.
Al-Shabaab leader targets Somaliland
-
Daily Nation
04/09/2009 12:48 AM EST
MOGADISHU (Daily Nation) - The Amir (leader) of Al-Shabaab, the strongest Islamist movement challenging the Transitional Federal Government in Somalia, has accused the Somaliland authority of oppressing the Muslim people in the region.
UN refugee agency distribute food aid to thousands of refugees in Yemen
-
UN News
04/09/2009 12:41 AM EST
3 September 2009 – The United Nations has shipped much needed food supplies to thousands of mainly Somali refugees in Yemen as they mark the Islamic holy month of Ramadan, when Muslims fast during daylight hours.
Arab League demands more troops for Somalia
-
PressTV
04/09/2009 12:30 AM EST
Arab League Secretary General, Amr Moussa, has demanded the dispatch of more troops to the Somali capital Mogadishu by Arab states.