Arbaco, September 16, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya ku sugan ayaa soo saaray baaq guud oo uu u jeediyay dagaalyahannada ajnabiga ah meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, kuwaasi oo uu ku casuumay in ay soomaaliya yimaadaan ayna la dagaallamaan Dowladda Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobollada Bay iyo Bakool Shiikh Mahad Cabdikariim oo baaqan soo saaray ayaa ugu baaqay dagaalyahannada Ajnabiga ah in ay Soomaaliya yimaadaan kaddibna ay ku soo biiraan Xarakada Al-Shabaab, ayna la dagaallamaan Dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Shiikh Mahad in dagaalyahannadaas ay imaan karaan Soomaaliya ayna ka qeybqaadan karaan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada shisheeye ee difaaca u ah.
Shiikh Mahad Cabdikariin oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddii ay Ciidamada Burundi iyo kuwa Uganda ay dagaalka la soo galaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ay iyana la soo safan doonaan Xoogag Islaamiyiin ah oo Caalamka uga imaan doona.
Warkan oo lagu shaaciyay websiteka Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa wuxuu intaas ku darayaa in sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab uu baaqan jeediyay kaddib markii maalmo ka hor ay diyaarado mareykan ah duqeeyeen kolonyo uu la socday Saleh Ali Saleh Nabhan oo si weyn ugu dhawaa Xarakada Al-Shabaab, iyadoo duqeyntaas kaddibna ay soo baxeen warar sheegayay in Saleh Nabhan uu geeriyooday, halka warar ka soo baxay Al-Shabaabna ay sheegeen in Ninkaas ay Ciidamada Mareykanka kaxeysteen isagoo dhaawac ah.
Saleh Ali Saleh Nabhan ayaa wuxuu Mareykanka ugu eedeysnaa in uu ka dambeeyay qaraxyadii sanadkii 1998-kii loo geystay safaaradihii Mareykanka ku lahaa Dalalka Tanzania iyo Kenya iyo weliba qarax kale oo sanadkii 2002 loo geystay Hotelkii Pradise ee ku yaallay Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya