| |
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte oo is hortaag ku sameeyay Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam.
Arbaco, 16, Sep, 2009 (HOL) Warar Madaxbannaan oo si weyn loogu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan qas iyo jahwareer kaddib markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte ishortaag ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam. Waxaana wararku ay intaas ku darayaan in Ciidamada Xisbul Islaam oo uu horkacayo Shiikh Xasan Daahir Aweyn ka dalbadeen Maamulka halkaas ka jira in ay dhaxmaraan gaadiid kuwa dagaalka ah oo ku sii jeeda Goballada dhexe ee Soomaaliya taasoo keentay in Maamulka Xarakada Shabaab ku gacan seyraan. Wararkii ugu danbeeyay ee goor dhaw ka soo baxay degmada Buula-burte waxaa ay sheegayaan in hadda xaaladda u muuqato mid degan loona ogolaaday Ciidamada Xisbul Islaam in ay gudaha u soo galaan degmada, walow aan si rasmi ah loo caddeyn in Ciidamadu socdaalkoodii sii wateen iyo in kale.. Muranka soo kala dhaxgalay labada dhinaca ayaa Jahawareer iyo shaki ku abuuray dadka ku dhaqan Degmada Buula-burte kuwaas oo maanka ku hayay waxa ugu danbeyntii ka dhalan kara muranka labada dhinaca u dhaxeeya.
Dhinaca kale Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa si dhaqso ah uga amba baxay Degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan, lamana oga socdaalka Macow in ay la xiriirto arrinta ku saabsan khilaafka soo kala dhaxgalay Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
Xarakada Al-Shabaab oo dagaalyahanno Ajnabi ah u wacatay Dowladda Soomaaliya
16/09/2009 6:18 PM EST
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya ku sugan ayaa soo saaray baaq guud oo uu u jeediyay dagaalyahannada ajnabiga ah meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, kuwaasi oo uu ku casuumay in ay soomaaliya yimaadaan ayna la dagaallamaan Dowladda Soomaaliya.
|
|
|
|
|
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dibad Joogga ah iyo kuwa magangalyada helay
16/09/2009 10:31 AM EST
Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Tan iyo markii ay si weyn u kordheen dhibaatooyinka ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda laga soo bilaabo bishii Janaayo ee 2007-da, gaar ahaan dilalka lala beegsanayo wariyayaasha ayaa waxaa dalka ka barakacay wariyayaal badan, kuwaasi oo qaaarkood loogu hanjabay in la dilayo, halka kuwo kalena ay dalka ka baxeen iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan balse go’aansaday in ay saaxibadooda loo hanjabay raacaan si ay u helaan magangalyo ama ugu badbaadaan.
|
|
|
Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in ay wada hadal kula jiro Dowladda Soomaaliya
16/09/2009 5:35 AM EST
Arbaco, September 16, 2009(HOL): Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Xisbul Islaam ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu shalay sii daayay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Shiikh Daahir Maxamuud Geelle, kaasi oo ahaa in uu wada hadal u socdo Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam.
|
|
|
|
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Egypt’s mufti says women can wear trousers
- Taragana
16/09/2009 2:35 PM EST
CAIRO — Egypt’s top Islamic authority defended women’s rights to wear trousers in public following a high profile court case in neighboring Sudan were women were flogged for dressing in pants, the local press reported Wednesday.
|
Al-Shabaab Denies Death of Al-Qaedi Suspect
- HOL
16/09/2009 2:31 PM EST
Spokesman for Al-Shabaab movement in Somalia Sheik Ali Mohamud Raage (Sheik Ali Dheere) has told reporters that Saleh Ali Saleh has not died but was taken away by US commandos while injured.
|
Slain Somali suspect's mother demands to see body
- AP
16/09/2009 9:29 AM EST
MOMBASA, Kenya — The mother of a top al-Qaida fugitive who was killed in a U.S. raid in Somalia is demanding to see her son's body.
|
Analysis: Al-Qaida death a blow to terror group
- AP
16/09/2009 9:15 AM EST
WASHINGTON — The death of a key al-Qaida leader in a daring helicopter assault in Somalia strikes a blow to the terror group's operation there, but it could also trigger a new spate of attacks on Western targets.
|
Slippery Slope in U.S. Somali Relations
- AfricaFocus
16/09/2009 9:13 AM EST
Washington, DC — A U.S. commando raid in Somalia on Sept. 14 reportedly killed Kenyan Saleh Ali Saleh Nabhan, accused of links with al-Qaeda and of responsibility for a terrorist truck bomb at a Mombasa hotel in 2002. It is being applauded as a win by U.S. counter-terrorism officials, not least for its success in avoiding civilian casualties.
|
Egyptian police kill two Eritreans at Israel border
- Reuters
16/09/2009 9:08 AM EST
ISMAILIA, Egypt (Reuters) - Egyptian police shot dead two Eritrean migrants trying to cross into Israel on Wednesday, bringing to 14 the number of migrants killed in an upsurge of border violence since May, security forces said.
|
Somali rebels call for foreign reinforcements
- Reuters
16/09/2009 9:06 AM EST
MOGADISHU, Sept 16 (Reuters) - Somalia's al Shabaab insurgents called on Wednesday for more foreign militants to join them in the failed Horn of Africa state after U.S. forces killed one of the region's most wanted al Qaeda suspects.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|