World Remit
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2009

 

Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in ay wada hadal kula jiro Dowladda Soomaaliya  


Arbaco, September 16, 2009(HOL): Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Xisbul Islaam ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu shalay sii daayay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Shiikh Daahir Maxamuud Geelle, kaasi oo ahaa in uu wada hadal u socdo Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam.
 
Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in hadalka uu sii daayay Shiikh Daahir uu yahay mid aan sax ahayn, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan hadda jirin jawi ay ku wada hadli karaan Xisbul Islaam iyo Dowladda Soomaaliya.
 
“Weli waxaa taagan shuruudihii aan ku xirnay wada hadal aan la yeelanno Dowladda, waxaana ka mid ahaa shuruudahaas in ay dalka ka baxaan Ciidamada Shisheeye,  in ay qolada dowladda sheeganeyso Dowladnimada meel iska dhigto, ayna diyaar u noqoto in geed hoostiis lagu wada hadlo”ayuu yiri Shiikh Xasan Mahadi.
 
Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu intaas ku daray in ay weli joogaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho Ciidamo Shisheeye sidaas darteedna aysan suurtagal noqon karin in ay wada hadal aqbalaan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya shaaciso in ay wada hadal kula jirto Xisbul Islaam, waxaana horay u shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli, iyadoo markaasna uu beeniyay Maxamed Cusmaan Caruus oo ka mid ah Afhayeennada Xisbul  Islaam.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya



Xarakada Al-Shabaab oo dagaalyahanno Ajnabi ah u wacatay Dowladda Soomaaliya
16/09/2009 6:18 PM EST

Arbaco, September 16, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya ku sugan ayaa soo saaray baaq guud oo uu u jeediyay dagaalyahannada ajnabiga ah meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, kuwaasi oo uu ku casuumay in ay soomaaliya yimaadaan ayna la dagaallamaan Dowladda Soomaaliya.
Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo ugu baaqay dadka degan Dhismayaashii Dowliga ahaa in ay isaga guuraan
16/09/2009 1:16 PM EST

Arbaco, September 16, 2009(HOL): Madaxa Warfaafinta maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo galabta saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa Degmada Kismaayo ayaa ugu baaqay dadka degan dhismayaasha dowladdii hore ee Soomaaliya in ay isaga guuraan goobahaasi isla markaana ay u tabaabusheystaan goobo kale oo ay dagaan.
Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland oo baaq u jeediyay dhexdhexaadiyayaasha Somaliland
16/09/2009 10:44 AM EST

Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, ayaa baaq u diray Shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamka. Waxaanay soo dhaweeyteeen dedaalada lagu doonayo in lagu xallilo khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte oo is hortaag ku sameeyay Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam.
16/09/2009 10:42 AM EST

Arbaco, 16, Sep, 2009 (HOL) Warar Madaxbannaan oo si weyn loogu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan qas iyo jahwareer kaddib markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya degmada Buula-burte ishortaag ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Dibad Joogga ah iyo kuwa magangalyada helay
16/09/2009 10:31 AM EST

Arbaco, 16 September 2009 (HOL): Tan iyo markii ay si weyn u kordheen dhibaatooyinka ka dhanka ah xoriyadda saxaafadda laga soo bilaabo bishii Janaayo ee 2007-da, gaar ahaan dilalka lala beegsanayo wariyayaasha ayaa waxaa dalka ka barakacay wariyayaal badan, kuwaasi oo qaaarkood loogu hanjabay in la dilayo, halka kuwo kalena ay dalka ka baxeen iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan balse go’aansaday in ay saaxibadooda loo hanjabay raacaan si ay u helaan magangalyo ama ugu badbaadaan.
Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in dhaawac lagu kaxeystay Saleh Cali Nabhan oo lagu duqeeyay Baraawe
16/09/2009 5:59 AM EST

Arbaco, September 16, 2009(HOL): Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa sheegay in uusan dhiman Saleh Cali Saleh Nabhan oo ay Ciidamada Mareykanka dhawaan ku duqeeyeen deegaanno ka tirsan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne
16/09/2009 5:35 AM EST

Arbaco, September 16, 2009(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kaddib markii maalmihii aynu soo dhaafnay deeganno ka tirsan Goballka Hiiraan uu kulamo kula soo qaatay Saraakiisha sar sare ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Guddiga Abaaraha Puntland oo baaq u diray Hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool
16/09/2009 5:34 AM EST

Arbaco, September 16, 2009(HOL): Labadii maalmood ee ugu dambeysay ayaa guddiga abaaraha maamul goboleedka Puntland, waxa uu kulan kula qaadanayay xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka, si ay u ogaadaan heerka abaaraha gobolku gaarsiisan yihiin.

 
Egypt’s mufti says women can wear trousers  -Taragana  

16/09/2009 2:35 PM EST  
CAIRO — Egypt’s top Islamic authority defended women’s rights to wear trousers in public following a high profile court case in neighboring Sudan were women were flogged for dressing in pants, the local press reported Wednesday.

Al-Shabaab Denies Death of Al-Qaedi Suspect  -HOL  

16/09/2009 2:31 PM EST  
Spokesman for Al-Shabaab movement in Somalia Sheik Ali Mohamud Raage (Sheik Ali Dheere) has told reporters that Saleh Ali Saleh has not died but was taken away by US commandos while injured.

Slain Somali suspect's mother demands to see body  -AP  

16/09/2009 9:29 AM EST  
MOMBASA, Kenya — The mother of a top al-Qaida fugitive who was killed in a U.S. raid in Somalia is demanding to see her son's body.

Analysis: Al-Qaida death a blow to terror group  -AP  

16/09/2009 9:15 AM EST  
WASHINGTON — The death of a key al-Qaida leader in a daring helicopter assault in Somalia strikes a blow to the terror group's operation there, but it could also trigger a new spate of attacks on Western targets.

Slippery Slope in U.S. Somali Relations  -AfricaFocus  

16/09/2009 9:13 AM EST  
Washington, DC — A U.S. commando raid in Somalia on Sept. 14 reportedly killed Kenyan Saleh Ali Saleh Nabhan, accused of links with al-Qaeda and of responsibility for a terrorist truck bomb at a Mombasa hotel in 2002. It is being applauded as a win by U.S. counter-terrorism officials, not least for its success in avoiding civilian casualties.

Egyptian police kill two Eritreans at Israel border  -Reuters  

16/09/2009 9:08 AM EST  
ISMAILIA, Egypt (Reuters) - Egyptian police shot dead two Eritrean migrants trying to cross into Israel on Wednesday, bringing to 14 the number of migrants killed in an upsurge of border violence since May, security forces said.

Somali rebels call for foreign reinforcements  -Reuters  

16/09/2009 9:06 AM EST  
MOGADISHU, Sept 16 (Reuters) - Somalia's al Shabaab insurgents called on Wednesday for more foreign militants to join them in the failed Horn of Africa state after U.S. forces killed one of the region's most wanted al Qaeda suspects.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com