World Remit
 
February-12-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2009

 

Mareykanka oo sheegay in Ciidamadiisa Kumaandoosta ay Soomaaliya ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Qaacidda  


Saleh Ali Nabhan
Isniin, September 14, 2009(HOL): Saraakiil u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa shaaaca ka qaaday in ay Ciidamada Kumaandoosta Mareykanka ay Soomaaliya ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Qaacidda kaasi oo FBI-da Mareykanka ugu jiray liiska argagixisada.

Saraakiishan Mareykanka ah oo la hadlay TV-ga ABC News ayaa intaas ku daray in ninka ay Ciidamada Kumaandoosta Mareykanka dileen uu yahay Saleh Ali Babhan oo Kenya u dhashay, kaasi oo uu Mareykanka rumeysan yahay in uu ka qeybqaatay qaraxyadii sanadki 1998-kii loo geystay Safaaradihii Mareykanka ee ku yaallay Dalalka Kenya iyo Tanzania iyo Qaraxii loo geystay sanadkii 2002 Hotelkii Resort Hotel ee ku yaallay magaalada Mombasa ee Dalka Kenya, iyadoo sidoo kalena uu ku eedeysan yahay weerar lagu qaaday diyaarad ay saarnaayeen Dad dhalasho ahaan u badnaa dalka Israa'iil.

Ilo wareedyo kale ayaa u sheegay TV-ga ABC News in Diyaarad Helicopter ah oo uu Mareykanka leeyahay ay rasaaseysay kolonyo gaadiid ah oo waday dad la tuhunsan yahay in ay Al-Qaacidda ka tirsan yihiin. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo u dhawaa halka howlgalka ka dhacay uu xaaladda si hoose ula socday, isla markaana uu bixinayay wixii caawimaad howlgal ah ee looga baahdo.

Dhimashada Saleh Ali Babhan weli si rasmi ah looma qirin, laakin ilo wareedyo kale ayaa u sheegay ABC News in meydkiisa uu baarayo Mareykanka. Saleh Ali Babhan oo ah 28 sano jir Kenya u dhashay ah ayaa waxaa si aad ah u doon-doonayay FBI-da Mareykanka, iyadoo loo daba socday in uu ka qeyb qaatay weerarradii lagu qaaday Safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Madaxweynaha Wasiirrada Midowga Yurub oo si rasmi ah Warqadaha aqoonsiga Danjirenimo uga guddoomay Danjire Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde"-(DAAWO SAWIRRADA)
14/09/2009 7:56 PM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyay Midowga Yurub Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ay horay Dowladda Soomaaliya ugu magacawday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
Gaari ay leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo ay diyaarado ku duqeeyeen Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose
14/09/2009 9:44 AM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Gaari marayay Deegaanka Roobow oo 30km u jirta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa maanta duqeeyay diyaarado helicopters ah oo dul-heehaabayay degmadaas.
Abaaro Duunyo ku laayay Galbeedka Gobolka Mudug
14/09/2009 9:41 AM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay canshuuro sharciyeysan ku qaadi doonto Ex-Koontarool Afgooye
14/09/2009 9:28 AM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaadday in ay canshuuro sharciyeysan ku qaadi doonto Koontaroolka Ex-Koontarool Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay afar Wiil oo ay Xarakada Al-shabaab min lug iyo gacan ka goysay (DAAWO SAWIRRADA)
14/09/2009 7:06 AM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay soo bandhigtay afar wiil oo ay Xarakada Al-Shabaab min gacan midig iyo lug bidix ka goysay, waxayna sheegtay in dhalinyaradaas xukun sharci darro ah lagu riday, laguna fuliyay.
Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland oo booqday dadweynihii ku dhaawacmay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa (DAAWO SAWIRADA)
14/09/2009 7:00 AM EST

Isniin, 14 September 2009 (HOL): Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee UCID iyo Kulmiye, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay Mudaharaadyadii Rabshadaha watay ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo sharci darro ku tilmaamay heshiis ay wada gaareen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Jibouti
14/09/2009 6:57 AM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo horjeestay heshiis ay wada gaareen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Jibouti, kaasi oo ku saabsanaa in saldhig lagala dagaallamo kooxaha burcad badeedka Soomaalida laga sameeyo dalka Jibouti.
Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta si rasmi ah u furmay buuq-la’aan iyo kulan turxaan-bixin ah oo dhex maray labada Garab ee Golaha
14/09/2009 6:55 AM EST

Isniin, 14 September 2009 (HOL): Inkasta oo dibedda ay ka joogeen Saxaafadda Madax a bannaani, haddana Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta si caadi ah u furmay.
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo sheegay in ay tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan cidii bixin weysa Zakaatul Fidriga.
14/09/2009 6:50 AM EST

Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.

 
Limit Your Exposure To Cell Phone Radiation  -TechNewsWorld  

14/09/2009 6:11 PM EST  
Four billion people around the globe own cell phones. As the market for new devices has grown, so have concerns about the safety of cell phone radiation.

FOXWIRE: U.S. Special Operations Forces Kill Wanted Terrorist in Somali Raid  -FoxNews  

14/09/2009 4:46 PM EST  
U.S. Special Operations Forces conducted a raid in southern Somalia on Monday that killed Saleh Ali Saleh Nabhan, one of 4 co-conspirators wanted in the 2002 bombing of an Israeli-owned hotel in Mombasa, Kenya, two senior U.S. military officials told FOX News.

U.S. behind attack on militant in Somalia: U.S. sources  -Reuters  

14/09/2009 4:39 PM EST  
WASHINGTON (Reuters) - Helicopter-borne U.S. special forces attacked a car in southern Somalia on Monday and killed one of the region's most wanted militants, U.S. sources familiar with the operation said.

Suspected foreign helicopters in Somalia attack  -Reuters  

14/09/2009 10:20 AM EST  
MOGADISHU (Reuters) - Suspected foreign commandos on board two helicopters killed at least two people when they attacked a car thought to be carrying Islamist insurgents in southern Somalia, witnesses said on Monday.

France denies role in Somalia raid  -AFP  

14/09/2009 10:13 AM EST  
The French military on Monday denied claims that its forces were involved in a raid on a village in an Islamist-controlled area of southern Somalia.

Top Al-Qaeda leaders fleeing to Somalia, Yemen: Malik  -TheNews  

14/09/2009 9:34 AM EST  
ISLAMABAD: Federal Interior Minister Rehman Malik said Monday that many top level Al-Qaeda leaders are escaping to Somalia and Yemen.

Foreign troops kill at least two in Somalia raid  -Reuters  

14/09/2009 9:23 AM EST  
MOGADISHU, Sept 14 (Reuters) - Foreign troops believed to be French commandos in helicopters killed at least two people in an attack on a car in southern Somalia on Monday, witnesses said.

Foreign troops launch Somali raid  -BBC  

14/09/2009 9:20 AM EST  
Foreign soldiers have staged an attack on militants in Somalia, killing at least two people in a helicopter raid.

Witnesses: Foreign troops raid Somali town  -AP  

14/09/2009 9:18 AM EST  
MOGADISHU, Somalia — Witnesses say foreign troops in helicopters have attacked a seaside town controlled by Somali insurgents, killing at least two people.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com