Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay oo kale in dadka uu dhaawacu ka soo gaaray qaniinyada masaskaasi loola cararay degmada Dhahar oo iyana ka mid ah isla gobolkaasi Sanaag iyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaasi oo iminka lagu daawaynayo.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Yuusuf Faarax in taasi ugu wacan tahay degmada oo aan haba yaraatee lahayn wax cusbtaal ah, marka laga reebo mid iminka ay faraha ku hayaan haya'adaha degmadaasi oo mar mar dadka wax u qabta.
Dadka dhaawacmay ee degmada Dhahar iyo degmada Boosaaso loo kala qaaday ayuu gudoomiye Yuusuf Faarax Siciid ku sheegay in ay kala ahaayeen seddex dumar ah iyo qof rag ah. Waxa ayna masaskaasi dadka qaniineen abaara 8dii fiidnimo ee xalay ,markaas oo ay dadka ka faaruqeen afurka sida uu gudoomiyuhu hadalkiisa ku sii daray.
Masaskan ayaa waxa ay dadkan ku kala qaniineen meelo kala gedisan oo ka mid ah degmada Xiingalool, sida uu gudoomiyuhu tibaaxay, waxa ayna masaska labo ka mid ah afarta qof ku qaniineen meel banaanka ka ah degmada oo 4 kilo mitir u jirta, halka labada kalena ay ku qaniineen gudaha degmaadaasi.
Waxaa lagu sheegay sababta masaskani in ay inta soo baxeen dadka u qaniineen, kadib markii ay ku kululaadeen godadka ay ku jiraan xiligan oo aad kaliil u ah iyo dhulka didib ah oo ayasan bahaluhu had iyo jeer ka maqnayn, marka xilingan oo kale la gaarana ay iska soo baxa.
Maxamed Cali Royter
maxamedroyter@hotmail.com
Garoowe, Soomaaliya