Isniin, September 14, 2009(HOL): Gaari marayay Deegaanka Roobow oo 30km u jirta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa maanta duqeeyay diyaarado helicopters ah oo dul-heehaabayay degmadaas.
Gaariga la duqeeyay oo Toyota ahaa ayaa waxaa la sheegay in ay leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soohorjeeda Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu soo warramayaa in gantaallo ku dhacay gaariga ay 2 ruux ku dhinteen, tiro kale oo intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in waxa la duqeeyay ay labo gaari ahaayeen, kuwaasi oo ciidamo la socday ay xitaa isku dayeen in ay la dagaallamaan diyaaradaha iyo ciidamada la socday ee duqeynayay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dadkii gaariga ku dhaawacmay iyo kuwo bed qabay ay u soo degeen ciidamadii la socday diyaaaradaha wax duqeeyay, kaddibna ay kaxeysteen dadkii la socday gaadiidka la duqeeyay oo isugu jiray kuwo dhaawac ah iyo kuwo fiyoobaa.
Wakaaladda wararka Reuters oo warkan shaacisayna waxay sheegtay in ay dad deegaanka ah u xaqiijiyeen in ciidamada kaxeystay dadkii gaadiidka la duqeeyay la socday ay ula muuqdeen kuwo ka socday Dalka France.
Kala soco halkan haddii Alle idmo wixii warar ah ee ku soo kordha gaariga lagu duqeeyay Baraawe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
|
|
|
|
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
|
Abaaro Duunyo ku laayay Galbeedka Gobolka Mudug
14/09/2009 9:41 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo sheegay in ay tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan cidii bixin weysa Zakaatul Fidriga.
14/09/2009 6:50 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.
|
|