Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
Dadkii ku noolaa dhulka miyiga ah ee abaartaas laga soo sheegayo, sida tuulooyinka Alxamur, Dameerjoog, Dudun iyo Booq ayaa u hayaamay dhanka Deegaanka Wardheer si ay halkaas biyo iyo baad uga helaan.
Xoolaha yar ee ku haray deegaannadaas ayaa haatan lagu quudinayaa raashinka ay dadku cunaan markii loo wayay baad kale oo ay cunaan, waxaana tuulooyinkaasi xadka la wadaaga Itoobiya ee qaar ay hoostagaan maamulka Puntland iminka ka jirta abaar aad u daran oo u baahan in laga soo gaaro dadkaas.
Kuma koobna abaartu gobolka Mudug dhankiisa galbeed oo kaliya ee xataa waxaa laga soo sheegayaa dhankiisa bari oo aysan ilaa iminka ka jirin wax roobab ah oo ka da'ay.
Maxamed Cali Royter
maxamedroyter@hotmail.com
Garoowe, Soomaaliya
|
|
|
|
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo sheegay in ay tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan cidii bixin weysa Zakaatul Fidriga.
14/09/2009 6:50 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.
|
|