
Isniin, September 14, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaadday in ay canshuuro sharciyeysan ku qaadi doonto Koontaroolka Ex-Koontarool Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Lacagta Xukuumadda Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) oo saxaafadda kula hadlay Ex-Koontarool Afgooye oo maanta lagu qabtay munaasabad lagu iclaaminayay in canshuur qaadis laga bilaabi doono Ex-Koontarool Afgooye ayaa wuxuu sheegay in canshuurtaas looga dan leeyahay in Dowladda ay hesho dakhli ku filan oo ay uga maaranto in ay ku tiirsanaato dhaqaale dibadda uga yimaada.
Wasiirka oo aan weydiinnay waxa ay ku kala duwan yihiin lacago ay ciidamo ka tirsan dowladda halkaas horay uga qaadi jireen gaadiidka iyo lacagta canshuurta ah ee qaadisteeda la bilaabayo ayaa wuxuu sheegay in ay ku kala duwan yihiin in lacagta la qaadi doono ka yar tahay middii hore, sidoo kalena ay ciidamada qaadaya yihiin Ciidamo nidaamsan oo ah kuwa daraawiishta Dowladda Soomaaliya.
“Lacagta canshuurta ah ee lagu qaadi doono Koontaroolka Ex-Koontarool Afgooye waa mid ku dhici doonta qasnadda Bangiga Dowladda, waana mid nidaam lagu qaadi doono”ayuu yiri Wasiirka Lacagta Soomaaliya Inj. C/raxmaan Yariisow.
Mar aan weydiinnay wasiirka in ay jiri doonaan koontaroollo kale oo ay dowladda lacago ku qaadi doonto ayaa wuxuu sheegay in dowladda ay arrintaas qorsheyneyso, dadaalka arrintaasna ay waddo.
Wasiirka Lacagta Soomaaliya ayaa dhawaan mar aan wareysi la yeelannay wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa ay nidaamin doonto canshuuraha ka soo xarooda ilaha dhaqaale ee Dowladda, wuxuuna caddeeyay in dhaqaalaha ka soo xarooda ilaha dhaqaale ee Dowladda uu noqon doono mid leh la xisaabtan iyo dabagal.
Deegaanka Ex-Koontarool Afgooye ayaa waxaa dhawaan la wareegay gacan ku heyntiisa Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ah Ciidamo ku caan baxay in ay la dagaallamaan kooxaha nabadgelyo darrada ka geysta magaalada Muqdisho. Halka ay Ciidamadan ku sugan yihiin waxaa horay u joogi jiray ciidamo kale oo ka amar qaadanayay saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ay cabasho ka muujin jireen gaadiidka iyo dadka isticmaala Waddada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya