
Isniin, September 14, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay soo bandhigtay afar wiil oo ay Xarakada Al-Shabaab min gacan midig iyo lug bidix ka goysay, waxayna sheegtay in dhalinyaradaas xukun sharci darro ah lagu riday, laguna fuliyay.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Shiikh C/raxmaan Maxamed Faarax Jinaqow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyaradaas lagu tacaddiyay, isla markaana xubno ka mid ah jirkooda la jar jaray iyadoo loo awood sheeganayo.

Bidix: Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Soomaaliya C/raxmaan Jinaqow iyo Wasiirka Bani'aadannimada Maxamuud Cabdi Garweyne
“Haddii Xukun ceynkaas oo kale ah la fulinayo waxaa loo baahan yahay in caddeym cad lagu hayo dadka xukunka lagu ridayo ama ay iyagu qirtaan iyagoo xor ah oo aan la cabsi gelineynin”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Jinawo oo sheegay in dhalinyaradaas ay yihiin kuwo lagu xadgudbay oo la naafeeyay.
Dhalinyaradaan waxaa ka mid ah :Jeylaani Maxamed Xaaji C/qaadir oo sheegay in uu ahaa farsamayaqaan lix caruur ah leh, isla markaana lagu eedeeyay in uu dowladda Soomaaliya la shaqeeyo.
Ismaaciil Khaliif Cabdulle ayaa sidoo kale ka mid ah dhalinyaradaan wuxuuna sheegay in uu ahaa arday, waxaana la igu soo eedeeyay ayuu yiri in uu ka tirsan yahay ciidamda dowladda .
Cali Maxamuud Cali oo dhalinyaradaan ka mid ah ayaa isna sheegay in uu ahaa arday caafimaadka barta, wuxuuna sheegay in uusan ilaa iyo haatan ogeyn wax loo cuskaday xukunkii gacan iyo lug goynta ahaa ee lagu riday. C/qaadir Cabdi Duluxow oo ah wiilka afaraad ayaa sheegay in uu ahaa Arday wax barta wuxuuna sheegay in lagu soo eedeeyay in uu jaasuus u yahay Dowladda Soomaaliya.
Dhalinyaradan ayaa waxay sheegeen in markii lugaha iyo gacmaha laga gooyay kaddib ay hayeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, isla markaana ay daryeel la’aan ku noolaayeen intii ay ku jireen gacanta Al-Shabaab.
Wasiirka bani’aadannimada Dowladda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Garweyne ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay gurmad u soo dirto dhalinyaradan lugaha iyo gacmaha laga jaray, kuwaasi oo uu sheegay in lixaadkooda la kala dhantaalay.
Dhalinyaradan ayaa waxaa lug iyo gacan is-dhaaf ah looga gooyay duleedka Suuqa Xoolaha, waxaana markii gacanta laga goynayay lagu soo eedeeyay falal burcadnimo hubeysan ah.

Jeylaani Maxamed C/qaadir

Ismaaciil Khaliif Cabdulle

Cali Maxamuud Cali
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya