
Isniin, 14 September 2009 (HOL): Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee UCID iyo Kulmiye, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay Mudaharaadyadii Rabshadaha watay ee Sabtidii ka dhacay Magaalada Hargeysa.
Dadkan dhaawacmay oo yaala Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID oo ay weheliyaan Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiyadaasi ku booqdeen, isla markaana ay mid-mid isu dul taageen. Waxaanay adeegayaasha Caafimaadka ee Cusbatalka iyo dadka dhibbanayaasha ahba waydiiyeen Xaaladdooda Caafimaad.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa halkaa uga ballan qaaday mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa oo u cawday. “Waxaan halkan yaallay 5 sanno, waxaana igu dhacay Kansar, hadaad wax ii qaban karaysid waxa laygu xidhay $300 Dollar.” ayay tidhi Haweenaydan oo ka mid ah dadka kale ee Cusbatalka ku jiray, waxaanu guddoomiyuhu u ballan qaaday in uu siinayo Lacagtaas.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan hoggaanka kale ee Xisbigaas, ayaa isna booqashadiisaas ku maray dadweynihii ku dhaawacmay Rabshadaas iyo kuwo kale ee ku jira Cusbatalka.
Waxa Cusbatallaada Magaalada Hargeysa yaala dadweyne ku dhaawacmay Mudaharaadyadii Rabshadaha isu-rogay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Hargeysa.



Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland
|
|
|
|
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
|
|
|
Abaaro Duunyo ku laayay Galbeedka Gobolka Mudug
14/09/2009 9:41 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo sheegay in ay tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan cidii bixin weysa Zakaatul Fidriga.
14/09/2009 6:50 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.
|
|