Isniin, September 14, 2009(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo horjeestay heshiis ay wada gaareen Xukuumadaha Soomaaliya iyo Jibouti, kaasi oo ku saabsanaa in saldhig lagala dagaallamo kooxaha burcad badeedka Soomaalida laga sameeyo dalka Jibouti.
Xildhibaan Mowliid Macaani waxaa uu sheegay in heshiiskaas oo uu Soomaaliya u saxiixay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka Kalluumeysiga Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi uu yahay mid wax u dhimaya sida uu u yiri madax bannaanida iyo jiritaanka Soomaaiya.
“Heshiiskan wuxuu ka hor-imaanayaa heshiis uu dhawaan maamulka Puntland la soo saxiixay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo heshiiskaasna uu dhigayay in saldhig lala dagaallamo kooxaha burcad badeedka Soomaalida laga sameeyo Puntland”ayuu yiri Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo u warramayay Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da.
Xildhibaanka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in haddiiba wasiir saxiixayo heshiiskaas uu lahaa wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, hayeeshee aysan ahayn in uu saxiixo Wasiirka Klluumeysiga.
Xildhibaan Mowliid Macaani oo wax laga weydiiyay cidda uu u xilsaartay in uu heshiiskan ka hadlo ayaa wuxuu sheegay in uu yahay mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xaq u leh in uu ka hadlo wax kasta oo aan sharci ahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
|
|
|
|
Masas Dad ku qaniinay Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag
14/09/2009 12:53 PM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Wararka ka imanaya degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qof uu dhintay, afar qof oo kalena ay dhawacmeen, kaddib markii ay masas soo weerary qaniineen habeenimadii xalay, waa sida uu ku waramay guddoomiyaha demadaasi Yuusuf Faarax Siciid oo HOL ay qadka telifoonka ku waraysatay isaga oo ku sugan degmadaasi.
|
|
|
Abaaro Duunyo ku laayay Galbeedka Gobolka Mudug
14/09/2009 9:41 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Deegannada ku teedsan xadka dalka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Mudug dhankiisa galbeed ayaa laga soo sheegayaa abaar ay ku dhinteen ilaa 30 meeyo Geela, kadib markii ay harraadeen isla markaana ay waayeen geedo caleemo leh iyo cows ay cunaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo sheegay in ay tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan cidii bixin weysa Zakaatul Fidriga.
14/09/2009 6:50 AM EST
Isniin, September 14, 2009(HOL): Madaxa warfaafinta ee Maamulka islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta u waramayay HOL ayaa sheegay in ay weli socoto isdiiwaangelinta bixinta lacagaha Zakaatul fidriga isla markaana xilligii loogu talagalay ay ku egthay 30-ka bisha Ramadaan, isagoo intaasi raaciyay in ciddii isku soo diiwaangelin weyda tan iyo inta laga gaarayo 30-ka bisha Ramadaan laga qaadi doono tallaabo sharci ah subaxa ciidda isla markaana albaabada la isugu dhufan doona goobtiisa ganacsi.
|
|